Saturday 10 October 2009

LAASCAANOOD:DIL QISAAS AH AYAA SAAKA LAGU FULIYEY GACAN KU DHIIGLE AXMED CAWAALE DULEEDKA XABAALAHA BARRI EE MAGAALADA LAASCAANOOD

LAASCAANOOD:DIL QISAAS AH AYAA SAAKA LAGU FULIYEY GACAN KU DHIIGLE AXMED CAWAALE DULEEDKA XABAALAHA BARRI EE MAGAALADA LAASCAANOOD

Published on: Oct 10, 2009 14:13

LAASCAANOOD:Dil Qisaas AH Ayaa Saaka Lagu Fuliyey Gacan Ku Dhiigle Axmed Cawaale Duleedka Xabalaha Barri Ee Magalada Laascaanoodimages

Waxaa saaka lagu toogtay meel Fagaarre ah oo ku taala duleedka xabaallaha bariga magalada laascaanood ee xarunta gobolka sool gacan ku dhiigle hore dil ugu gaystay aabhiis isla magalada laascaanood kaasi oo ay saaka ku fuliyeen falkan qisaasta ah ciidmada amaanka ee magalada laascaanood.

Gacan ku dhiiglaha saaka qisaasta lagu fuliyey oo lagu magacaabo Axmed Cawale ayaa waxaa uu hore dil ugu gaystay aabihii oo ahaa nin ganacsade ah oo si wayn looga yaqanay magalada laascaanood,mudo hada laga joogo dhowr bilood markii uu dilay aabihiis ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidmada amaanka ee magalada laascaanood waxaana dil toogasho ah ku xukuntay maxkamada gobolka sool waxaana dilkiisa laga soo saxiixay madaxwaynaha somaliland.

Goobta ay saaka ka dhacaysay qisaasta lagu fulinayey gacan ku dhiigle Axmed Cawaale ayaa waxaa ka soo xaadiray oo goob joog ka ahaa qaar ka mida masuuliyiinta maamulka gobolka sool iyo waliba saraakiil ciidan iyo dadwanye aad u badan kuwaasi oo u soo daawasho tagay sida ay u dhacayso falka qisaasta ah.

Arintan qisasta ah ee saaka lagu fuliyey gacan ku dhiigle Axmed Cawaale ayaa waxa ay tahay mid wax wayn ka badali doonta maskaxda dadka ku haminaya inay dil gaystaan iyadoo ay dad badani jeclaysteen in sidan oo kale loo wada qisaaso dhamaanba dadka ku kaca fal dil ah si markaasi aysan u dhicin inuu qofna uusan si fudud u gaysan dil.

Wariye Axmed Saakin Faarax Warsame

Togaherer.com/Lasanod

axmedsaakin@hotmail.com

No comments:

Post a Comment