Thursday 1 October 2009

WAA SIDEE XAALADA WAXBARASHO EE SMART PRIMARY SCHOOL IN BURCO

WAA SIDEE XAALADA WAXBARASHO EE SMART PRIMARY SCHOOL IN BURCO

Waa sidee xaalada waxbarasho ee Dusiga H/Dhexe ee Smart Primary School burco.

Waxa aanu saaka abbaaro 9kii subaxnimo booqasho ku tagnay dugsiga Hoose /Dhexe ee smart Primary school si aanu ugu kuur galno xaalada waxbarasho iyo sida uu u shaqaynaayo iskuulkani, iskuulka oo ah iskuul gaar loo leeyahay ayaa haddana ka waxbarasho fiican kana tayo sarreeya iskuulo badan oo ka hawlgala wasaarada waxbarashada iyada oo dhawaan lagu daray liiska iskuulada ay dawladu ka qaado imtixaanadka sanad dugsiyeedka dhexe , anagoo ku beeganay wakhti lagu gudo jiray nusasaacihii (Break time) ayaa waxa joogay waalidiin iyo macalimiintii iskuulka.

SMAT SCHOOL

Hadaba iskuulkan ayaa kakooban 26 fasal oo iskugu jira hoose iyo dhexe iyo hal fasal oo ah barbaarinta ubadka yaryar ee ay dadoodu u dhaxayso 3jir ila 5 jir iskuulkan ayaa iyana waxa ka hawlgala basas tiradoodu gaadhayso 10 bas oo sided kamida iskuulku gaar u leeyahay waxa iyana ka hawlgala macalimiin tiradoodu gaadhayso sideed iyo labaatan macalin kuwaas oo iskugu jira macalimiin kasoo qalin jebiyey jamacadaha wadanka iyo dugsiyada sare sida dugsiga sare ee SOS oo ay ubadan yihiin macalimiinta hadda dugsiga wax ka dhiga.

Iskuulkan Smart Primary School ayaa leh beer aad u wayn oo loogu talagalay nasashada iyo nusasaacaha, ardayda dhigata Schoolka ayaa wakhtigan Giddigood ba mashquulsanaa maadaama uu iskuulka kasoconaayey imitixaankii billaha ahaa(Monthly Exam) oo ah mid bilwalba lagu tijaabiyo ardayda aqoontooda iyada oo ay xirfadani tahay mid uu dheeryahay iskuulada kale ee gobolkan togdheer iskuulkan ayaa waxa lagu dhigaa maadooyin badan oo dhamaantoodba ku baxa luuqada ingiriisida marka laga reebo luuqadaha somaliga ,carabiga iyo tarbiyada waxa iyadana lagu bartaa xiisado dheerada sida computerka farbarashada iyo sawirka ama sawir gacmeedka oo aan dhamaantood lagu dhigan dugsiyada kale ee magaalada Burco, Dugsigan oo la aas aasay may 2002 ayaa waxaa kaqalin jabiyey laba dufcadood oo kala ahaa sannad dugisyeedyada 2007/2008 iyo 2008/2009 oo ah kan an ku jirno iskuulkan ayaa marka la isku soo xooriyo ah mid waxbarashadiisu ka duwanatahay iskuulada kale ee gobalka.

Hadaba waxaanu Waraysi gaara la yeelanay maamulaha
Dugsiga hooose dhexe ee SMART PRIMARY SCHOOL

Mudane: ahmed elmi ismail(lafoole}
Si aan wax badan uga ogaano iskuulka iyo waliba tayadiisa waxbarasho.

Waxaana waraysigan ka qaaday wariye Dahir Ismacil Warsame oo ah Bahda T I T C Journalism Group
WARAYSIGIINA WAXA UU U DHACAY SIDAN

S:maamule bal marka hore warbixin kooban naga sii dugsiga?

J: Dugsigani waa ah mid gaar loo leeyahay laakiin xidhiidh la leh wasaaradda waxbarashada, Dugsigani wuxuu ka koobanyahay sadex iyo labaatan fasal iyada oo ay ka soo baxeen laba jeer ardayda galaasyada 8aadka oo ay galeen kaalmaha labaad,sadexaad iyo kaalinta sideedaad ayagoo oo fasalkii horeeyay ee dugsiga ka qalin jabiyaa tiradoodu ahayd lix iyo labaatan arday ,sanadkana ay ka baxeen todobaatan iyo laba arday Sadex iyo labaatankaa fasal labo waa sideedaad labo waa todobaado sadexna waa afraad, sadexnawaa fasalada sadexaad, sadeexna waa fasalada ,labaad iyo galas koobaad ah ,iyo hal fasal oo ah barbaarinta caruurta.

S: markaa maamule imisa arday ayaa ka baxay dugsiga sanadkan?

J:waxa ka baxay todobaatan iyo laba arday

S:Haddiia ynu dibn u laabano goormaa la asaasay dugsigan smart Primary School?

J:waxa la aasaasay may 2002 markaa ilaa hadda waxauu jiraa ilaatodoba sanno

S:mudane maamule adigu ilaa goorma ayaad maamule ka ahayd dugsiga ma ilaa 2002dii markii la furay mise wakhti dhexe ayaad qabsatay?

J:anigu hadda waxan jooga ilaa afar sanno

S:markaa maamule manhajka ardayda wax lagu baraa waa maxay waase luuqaddee?

J:manhajkayagu horta waa kan wasaaradda, luuqadda waxa laysku gaarsiiyaana waa ingiriisida, ardayda qaar waxay qaataan toban maado qaar 9maado qaar 7 ba qaaarba wax bay qaataan waxa uun baa loo eegayaa levelka ardayda ,ardayda fasaladadhexe waxay qaataan sida xisaabta, sayniska, carabida, iyo Tarbiyadda adigu sideed maaday qaataan kuwa hoose waxa u dheeraad ah Tareerinka waxa kaloo iskuulkoo dhami wada qaataa xiisaad p.e ah ama ciyaar ah.

S: waaan gartay markaa iskuulka smart oo aad I sheegtay inuu yahay iskuuul gaar loo leeyahay hadana xidhhidh la leh wasaraarddda maxuu kaga duwanyahay iskuulada kale ee gobolka ?

J:dee iskuulada qaar xidhiidh bay wasaradda la leeyihiin qaar na way diiwaan gashan yihiin oo waa la aqoonsanyahay;laakiin waa la mid iskuulku kuwa kale sida ardayda macalimiinta qalabka waxbarasho laakiin wasarradu wax mushahar ah ayuun baanay na siin wixii kale ee ay helaan qayb tayada ayuunbay na siiyaan markaa waa iskuul gaar loo leeyahay hada na wasaaradii ku xidhan oo ay isku mid yihiin iskuulada kale.

S: majiraan waxa hay’ado ah oo gacan idinka siiya dhanka taakulaynta dugsiga?

J: maya ma jiraan ee waxa nu ka helnaa dhaqaalaha mushaharka macalimiinta iyo taakulayntaba ardayda wax ka barata dugsiga laakiin haay’ad na caawisaa ma jirto.
S: maamule su aasha ugu danbaysa ee aan jeclahay inan ku waydiiyo waxay tahay

S:Dugsigiinan smart maxuu dheeeryahay dugsiyada kale dhinaca waxbarshada.

J:horta ma odhan karo waxaa suu dheeryahay laakiin anagu waxanu jecelnayahay inaanu mar walba siino ardayda waxbarasho tayo leh oo aanu ku soo jiidano dadka ……
Aad ayaad umahdsantahay maamule ahmed elmi ismail{lafoole}

Waxaa wareysiga qaaday wariye dahir ismail warsame(suldaan}

Waa habaynti iyo isku dubaridkii weriye Casiisa Cali Dubbad iyo weliba Bahda T I T C Journalism Group.

Burao Somaliland

2 comments:

  1. walahy smart primary school waa the best school in my life
    waa kaan wax kasoo bartay, hadda englishka si fican ban u aqaanaa iyo xiisadaa kaleba
    imika markan europe tagay ardaydii waan ka sareeyaa sababtuna waa schoolkaygii alxamdulilaah
    ilaahayoow smart daa oo waxbarashada u siyaadi

    ReplyDelete
  2. smart waa school an ku soo qaatay noloshayda waxbarasho ee dugsi hoose/dhexe.Waxaa hubaal ah in aqoontaan ku soo qaatay ay noloshayda wax ka badashay.WAAN KU HAN WEYNAHAY SMART SCHOOL.

    ReplyDelete