Thursday 1 October 2009

XAFLAD LAGU SOO DHAWAYNAYO 15 SARKAAL OO TABABAR KA SOO DHAMAYTAY ETHIOPIA OO KA DHACAY MAANSOOR HARGAYSA.

XAFLAD LAGU SOO DHAWAYNAYO 15 SARKAAL OO TABABAR KA SOO DHAMAYTAY ETHIOPIA OO KA DHACAY MAANSOOR HARGAYSA.

Xaflad balaadhan oo qado loogu sameeyey sidoo kale lagu soo dhawaynayay shan iyo toban sarkaal oo ka soo tababaro milatry ku soo dhamaytay dalka Ethiopia ayaa maanta lagu qabtay huteelk Maansoor ee magalada Hargaysa.
ciidamo

Xaflad oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka gaashaandhiga Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed iyo waliba Taliyaha ciidanaka qaranka Somaliland Mudane Nuux Ismaaciil Taani, saraakiil ka kala socda dalalka Somaliland iyo Ethiopia iyo waliba tababarayaashii saraakiishan tababarku u soo xidhamay oo iyana goob joog ka ahaa xafladaasi.

Taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo ka hadlay xafladaas ayaa sheegay in ardayada soo dhamaystay tababarada ciidan aanay ahayn kuwii ugu horeeyay balse ay noqonayaan dufcadii labaad ee saraakiil dhalinyaro ah oo soo qaadatay tababar meleteri, taasoo uu sheegay in muddo saddex sano ah ay soo dhamaysteen tababarkan, uuna tilmaamay in ardaydan markii ay yihiin xulkii ka baxay dugsiyada sare taas oo aanu dhalintii gu saraysay aanu ka xulanay una dirnay tababarkan .

Taliyuhu waxaa hadaladiisa ka mid aha “Ducfacadani waa tii labaad ee saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka ee soo dhamaysata hoggaanka ciidanka lugta ee Itoobiya ku taala, sadex sano ay ku soo dhamaysteen kooxiba koox ayay ka wanaagsanayd kooxdani oo 15 sarkaal waxay ahaayeen kuwii ugu wanaagsanaa, marka aad eegto natiijada imtixaanaadkoodii iyagoo ku guulaystay bilada dahabka ah. Xafladan aan maanta u qabanay waa mid aanu iyaga ku maamuusayno sharafta iyo guushka ay u soo hooyeen dalkooda. Taliyaha ciidanka qaranka Itoobiyana ammaan weyn ayuu u soo jeediyay waxaanu ku ammaanay akhlaaqda ay muujiyeen mudadii ay wax baranayeen.” kuwaasi waxay ka mid ahaayeen hadaladii taliye Taani.

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhiga Somaliland mudane Saleebaan Warsame Guulleed, oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa waxaanu yidhi “Waxa ii farxad ah inaan markii u horraysay ka qeyb galo qeybtii labaad ee saraakiishii dalkooda wax u soo baratay ka sokow hawsha weyn ee ciidanka qaranku uu dalka u hayo waxay markhaati ka tahay in dhinacii aqoon korodhsiga ciidanka qaranka ay tahay arrin socotay taasina ay dalka u tahay horumar weyn. Ciidankana ay mustaqbalkooda u wanaagsan tahay.”

Sidoo kale waxaa xaflada ka hadleen saraakiil kale oo kala duwan .

Warqabadka Togahere

Hargaysa

No comments:

Post a Comment