Friday 2 October 2009

FADEEXAD CULUS :AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA DIB U DEJINTA SL OO XAFIISKIISA LOOGU GEEYEY ILMO LA SHEEGAY INUU XAARAN KAGA DHALAY GABADH DANYAR AH

FADEEXAD CULUS :AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA DIB U DEJINTA SL OO XAFIISKIISA LOOGU GEEYEY ILMO LA SHEEGAY INUU XAARAN KAGA DHALAY GABADH DANYAR AH

Fadeexad Culus oo la soo Deristay Masuul ka Tirsan Xukuumadda Somaliland
00_scandal
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta oo xafiiskiisa loogu geeyey ilmo la sheegay inuu xaaraan kaga dhalay gabadh danyar ah

“Waxa igu kellifay in aan ilmahan yar xafiiskiisa ugu geeyo agaasimaha markii uu inantayda fara-xumeeyey, welibana aflegaado ugu daray”

Hargeysa (Jam)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Mr. Maxamed Diiriye, ayaa waxa la deristay fadeexad culus, kadib markii gelinkii hore ee shalay xafiiskiisa loogu geeyey ilmo bil iyo badh jiray oo la sheegay inuu sifo aan sharci ahayn uga dhalay gabadh ka dhalatay qoys danyar ah oo shaqaale-hoosaad ka ahayd wasaaraddiisa.

Fadeexadda weyn ee soo foodsaartay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, ayaa soo ifbaxday abbaaro 9:30 subaxnimo ee shalay, kadib markii hooyo da’ ah isagoo xafiiskiisa ku sugan dhabta u saartay ilmo yar oo ay sheegtay inay dhashay inanteeda oo uu fara-xumeeyey Mr. Maxamed Diiriye oo isagu si cad u dafiray inuu dhalay ilmahaas.

Haseyeeshee, dhacdadaas naxdinta leh ee dhexmartay islaanta iyo agaasimaha, ayaa sababtay in goobta isugu yimaaddaan dad tiro badan oo iyagu daawanayey fadeexaddaas fool-xumada leh ee hadhaysay mid ka mid ah madaxda Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland.

Hooyada sidday ilmaha yar oo codsatay in aan magaceeda la shaacin oo weriyeyaal Jamhuuriya ka tirsan kula kulmeen gudaha dhismaha xarumaha wasaaradaha Qorshaynta, Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Dibadda, ayaa ku eedeeysay agaasime Diiriye inuu fara-xumeeyey inanteeda oo uu dafiray ilmaha uu ka dhalay, arrintaasina sababtay in ay baxsato inanteeda oo nadiifiso ka ahayd wasaaraddaas, ilaa haddana la hayn meel ay jaan iyo cidhib dhigtay.

“Waxa igu kellifay in aan ilmahan yar xafiiskiisa ugu geeyo agaasimaha markii uu inantayda fara-xumeeyey, welibana aflegaado ugu daray, dhibtaas uu noo geystay awgeedna inantaydii aan la hayn meel ay martay oo igaga carartan ilmahan yar oo bil iyo badh jiray.

Ka hor intii aanan ilmahan u geyn ka hor ayaan u tegay agaasimaha oo aan u sheegay in ilmahaas uu sida foosha xun u dhalay wax siisto oo meel geysto, haseyeeshee waxa uu iigu jawaabay, ‘igala tag sheekadan foosha xun, waxaas oo kalena hay weydiin.’ Isagoo waxaas oo dhibaato ah ii geystay, inantaydiina aan waayey, wax alla waxaan siiyana aanan u hayn ilmahan yar ayaa igu kelliftay inaan xafiiskiisa ugu geeyo, xumaantaas uu sameeyeyna weli ma aha nin garowsan,” ayey tidhi hooyadaas oo wejigeeda diif badan ka muuqatay.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Mr. Maxamed Diiriye oo aannu isku daynay in aannu la xidhiidhno si wax looga weydiiyo fadeexadda foosha xun ee hooyadaasi u xambaarisay, ayaanay noo suurtogelin.

Dhacdadan oo noqotay mid hadal-haynteedu ku faaftay meelo badan oo caasimadda Hargeysa, ayaa weji-gabax ku ridday masuuliyiinta xukuumadda ee ku sugnaa xarumaha wasaaradaha shalay markii hooyadaasi ilmaha yar xafiiskiisa ugu geysay Agaasimaha Guud ee Dib-u-dejinta Mr. Maxamed Diiriye.

No comments:

Post a Comment