Sunday 11 October 2009

WAA MAXAY RAJADA DHOW EE SOMALIA????

WAA MAXAY RAJADA DHOW EE SOMALIA????

Waa maxay rajada dhow ee Somalia?faalo

Dalka Somalia oo ah dal ay aafeeyeen dagaalo sokeeye kuwaas oo hadba heer marayey ayaa waxay hada marayaan meel aan caadi ahayn oo aan lagarayn meesha ay kudambeyn doonaan.

Dalka Somalia waxaa dhowr jeer laysku dayey in loo dhiso dowlad loo dhanyahay laakiinse taasi may suurto galin hadaynu eegno sanadkan aynu kujiro ee 2009 waxaa dalka jabouti lagu soo dhisay dowlada uu hogaamiyo president sharif sheikh ahmed dowladaasi markay tagtay muqdishu waxaa markiiba dagaal xoogan kala hortagey kooxahii islaamiyiinta ahaa oo ay kamid yihiin al SHABAAB iyo XISBUL ISLAM kooxahaaso oo ay markii hore ay isku fakir dhawaayeen madaxweyne sharif

Halka ay qaarna ayba kawada tirsanaayeen maxaakiimtii islaamiga ahayd iyo waliba isbahaysigii dibuxaraynta Somalia, Hadaba dagaaladaasi ba,an ee ay kooxahaasi lagaleen dowlada shariif ayaa waxaa kale oo baal socday dagaalo kale oo kascoday dalka Somalia kuwaaso oo kasocday badda iyo berrigaba haddaynu ku horayno dhanka berriga waxaa kasocday dagaal ah dhanka dhirta ama geedaha kuwaas oo L loo isticmaalay Dhirta dhuxul dhuxushaas oo loo dhoofiyo dalalka aduunka taasina waxay keentay abaaro ba,an iyo roobab yarida kajita dalka,waxaa kale oo jira dagaal kale oo ah dhanka badd Somalia waxay leedahay xeebta ugu dheer Africa xeebtaasi oo ay kujiraan khayraad farabadan oo dabiici ah sanadihii lasoo dhaafay waxaa xeebaha Somalia kadilaacay burcad badeedtaas oo kaqowlaysata halkaasi kuwaas oo aan u aabo yeeleyn maraakiibta sida gargaarka bila aadnimo iyo kuwa ganacsitoona budhcad badeedaasi waxay kaqayb qaateen sicir bararka kajira manta dalka iyadoo mararka qaarkoodna ay dhacdaba in ay cunto ayaan dhanka kale Somalia waxaa xeebaheed xaalufiyey maraakiibta kakaluumaysata halka kaluumaysatadi somaliyedna loo diday inay galaan badoodii sanadka ay kujiro ee 2009 waxaa kaluumaysata magaladda kismayo loodiiday inay galaan badaasi isagoo halkaasi taagnaa markab laga lahaa dalka france oo markay doonyaha yar yari usoodhawaadaan ku furayey biyo ka xoogbadan warshada kaluunka ee lasqoray waxay iyana wayday kaluunkii ay isticmaali jirtay hadaba waxaas oo dagaalo iyo qas ah ayaa shacabka adkeysiga badan ka dhigay dooni yara oobilaa naakhuude ah oo badweyn heehaabaysa hadaba su’aasha meesha taala ayaa waxay tahay waa maxay rajada Somalia ee tan xigi doonta waxaa suaashan ka jawaabi kara cidkasta oo fikir sax ah oo caafimaad qaba haysa mana ka jawaabi karaan siyaasiyiinta kuloolamaysa siyaasada dalka

Fadlan jawaabtaada kusoo hagaaji emailkan

Caydiid1988@hotmail.com

Writer abdilahi ali aided (RAAXEEYE

No comments:

Post a Comment