Sunday 11 October 2009

UMMAD AAN FAN LAHAYNI WAA UMMAD AAN DHAQAN LAHAYN

UMMAD AAN FAN LAHAYNI WAA UMMAD AAN DHAQAN LAHAYN

Published on: Oct 11, 2009 8:08

“Ummad aan Fan lahayni, waa ummad aan Dhaqan lahayn”

Waxaan isku deyayaa inaan halkan kaga hadlo ama ku soo bandhigo aragtidayda ku aadan Fanka iyo Suugaanta iyo bililiqaysiga Fanka ee maanta. Hadaba anigoo hoos ugu daadegaya qoraalkaygan ayaa waxay su’aashu tahay waa maxay Fanku? waa maxay Suugaantu?, qiimo intee le’eg ayay fanka iyo suugaantu ugu fadhiyaan bulshada. Fanka iyo Suugaanta oo taariikh dheer oo soo jireen ah ku leh bulsho kasta oo caalamka ku nool, gaar ahaan Soomaalida, ayaa waxa la odhan karaa Suugaantu waxay kaalin wayn ka qaadataa ama kaga jirtaa nolosha mujtamaca Soomaaliyeed. Suugaantu waa dadka noloshooda iyo dhaqankooda. Suugaantu waa laf dhabarta ummada Soomaalida, mid hore ama mid danbeba, waa nolosheena oo badh ah. Suugaantu waa hiddaha iyo dhaqankeena.Suugaanta ayaa waxa la odhan karaa waa hub loo adeegsan karo siyaasad, dagaal, nabadayn, wacyigelin, wadaniyad, amaan iyo waxyaalo la mid ah. Suugaantu waa badweyn oo kuma soo koobi karo qoraalkaygan, balse anigoo sii wada faa’iidooyinka ay suugaantu leedahay ayaa waxaan odhan karaa Fanka iyo Suugaantu waa macallin waxbara dadka, oo berigii hore suugaanta ayaa dadka wax lagu bari jiray intii aan la qorin luqada afka Soomaaliga, oo waxaa jiri jiray heeso badan oo loogu talo galay meelo kala gedisan, sida hees hawleed, oo dadku marka ay shaqaynayaan ayay ku heesi jireen, heeso carruureed, oo caruurta loogu heeso, oo ah heeso ay hooyadu ugu heesto ilmaheeda marka ay xambaarsan tahay ama dhabarka ku sido. Heeso qasiidooyin ah, heeso diini ah, oo dadka quraanka lagu bari jiray. Tusaale ahaan: Heestan uu miraheedu sameeyay Saed Salah, ayna ku luqayso Fannaanada caanka ah ee Maryan muudey, ee ay ereyadeedu ay ka midka yihiin “Alif la kordhabay – alif la hoos dhabay – alif laaa goday”,. (aynu wax yar ka soo qaadano ereyadii heestaas),

ambaqaadka geediga, sida ooda loo raro heesaha u gaarka ah, waxa lagu aloosaa magac eebeheeniyo, adiniyo af wada jira alif la kordhabey, alif la hoos dhabey alif la godey, aa alif la kordhabey, alif lagu reeb ii alif la hoos dhabey, ya lagu reeb uu alif la godey, wow lagu reeb shanta diin islaam waa, qiritaanka Eebaheen igmad Maxamed keenii, oogista salaadiyo soonkoo sakadoo la bixiyiyo, xajkoo loo awoodaa alif la kordhabey, alif la hoos dhabey alif la godey, aa alif la kordhabey alif lagu reeb, ii, alif la hoos dhabey ya lagu reeb ,uu alif la godey, wow lagu reeb Suugaanta ayaa waxa la yidhaahdaa asalkeedii waxay ka bilaabmatay, marka ay hooyadu ilmaha ay dhabarka ku sido uu ooyo, ka dibna ay hooyadu u qaado hees ay ugu talo gashay ilmaheeda, dabadeedna ilmihii ooyayay waxa uu bilaabaa inuu joojiyo oohinta oo dhagaysto heesta ay hooyadii ugu heesayso. Waxaad halkaas ka dareemi kartaa ahmiyada weyn ee suugaantu xambaarsan tahay. Hadaba, inagoo halkaas kaga gudbayna Fanka iyo Suugaanta ayaa waxaynu u gelaynaa su’aal kale oo ah: Maxaa Abwaanka ama mu’alifka ku dhaliya inuu gabyo ama heeso?, intaynaan u gudo gelin su’aashan jawaabteeda ayaan waxaan jawaab uga dhigayaa tuduc ka mid ah maanso uu tiriyay Abwaan Gaariye, sanadkii 1967, waxaanu yidhi, Horta aan iskaa baro, Haybteeda Guudnimo, Heesaa ayaan ahay, Hantidaydu waa gabay, Hilwadaan ku noolahay, Habeenkii iyo dharaartii, Intaa heegan baan ahay, Hurdo baal ma soo rogo, Holac ololayaan ahay, Hibinkaad isiisaa, Anna ku hurgushoodaa, Wadnahayga hammayaan, Hadba tuujiyaayoo, Hadhuubada u dhigataan. Halkaas aynu kaga gudubno Fanka iyo Suugaanta, isla mar ahaantaasna waxaynu u gudbaynaa bililiqaysiga Fanka iyo maanta. Fanka iyo Maanta

Mr. Yassin oo wareysi ka qaadaya fannaanka Mohamed Ahmed Kuluc.

Hadaba waxaad weli masraxyada fanka aad ku arkaysaa fannaaniintii heesi jirtay toddobaatameeyadii ama ka hor oo weli taagan masraxyada fanka, taas oo la odhan karo waxa ka gaabiyay ama meesha ka baxay fannaaniinta da’yarta ahayd ee loo baahnaa inay fanka halkaas ka sii amba qaadaan. Hadaba wakhtiyadan danbe ayaa waxaa la caadaystay in masraxyada fanka Soomaalida lagu soo bandhigo, sida aroosyada iyo xafladaha, gaar ahaan qaarada Europe iyo North America, heesihii qadiimiga ahaa ee hore u jiri jiray, oo ay sheeganayaan fannaaniin da’yar ah oo ku heesaya ama ku luuqaynaya heeso soo jireen ah oo lagaba yaabo inay heesahaasi ay kaba da’weyn yihiin. Inkastoo ay jiraan fannaaniin cusub oo fanka wax ku darsaday, balse su’aashu waxay tahay, “Fannaaniinta cusubi ma iyaga ayaa alifay oo iska leh heesaha ay ku luqaynayaan, mise waa heeso soo jireen ah,”. Su’aashaas jawaabteeda waxaan u daynayaa akhristayaasha qiimaha leh ee maqaalkaygan akhrisanaya. Hadaba muddo ka hor ayay ahayd markii aan wareysiyo ka qaaday fannaaniin dhowra oo uu ka mid yahay fannaanka caanka ah ee Mohamed Ahmed Kuluc, waxaanan wax ka weydiiyay wakhtigii dheeraa ee uu u soo huray Fanka iyo qiimaha fanku leeyahayba, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi, “Fanku waa wax qoomiyad weliba ay leedahay isla markaasna qiimo wayn ugu fadhiya bulshada”,. Mr. Kuluc isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Ummad aan fan lahayni, waa ummad aan dhaqan lahayn”. Fannaanka oo aan wax ka weydiiyay sida uu u arko fannaaniinta cusub ee da’ yarta ah (Wiilal iyo Gabdhoba) ee ku soo biiraya fanka ayaa waxa uu yidhi, “Waa nasii daro in qofi (fannaan cusub) ahi ku heeso ama ku luqeeyo hees aanu lahayn, fannaanku marka uu fanka ku soo biirayo waa inuu la soo gala dardar iyo fikrado cusub, isla markaasna soo jiitaa dareenka bulshada”. Mohamed Ahmed Kuluc oo wakhtigaas aan wareysiga ka qaaday ku sugnaa Hotel Hargeisa Club, isagoo ka soo laabtay magaalada London ee uu deganaa ayaa waxaa wejigiisa aad ka dareemaysay rajo xumo uu kala kulmay fanaaniinta da’yarta ah ee ku cusub fanka oo dib u socod noqday. Dareenadaas iyo kuwo kaloo badan waxaa la qaba fannaaniin faro badan oo uu ka mid yahay fannaanka iyo majaajilaystaha C/haybe Laanbad, oo isna mar waxa laga weydiiyay siduu u arko fannaaniinta cusub ee ku heesa heesihiisa ama heeso aanay lahayn ayaa waxa ereyadiisii ka mid ahaa inagoo soo gaabinayna, “Illaa aakhiro calool xumaan u hayaa!!!”, looooolz. Daaamn. Waxaad halkaa ka dareemaysaan niyad jabka ay kala kulmayaan fannaaniintani dhalinyaradan ku cusub fanka, iyadoo isla mar ahaantaasna aanay jirin sharci iyo wax kala saaraya toona. Akhristayaal qoraalkaygan kuma soo koobi karo wareysiyadii iyo taariikhda fankaba, balse insha alaah waxaan mar kale idiin soo gudbin doonaa taariikhdii fanka ee Mohamed Ahmed Kuluc, wakhtigii uu dhashay iyo waxbarashadiisii iyo halgankii dheeraa ee uu fanka kala soo kulmay. Waxaan aniguna farriin hawada u marinayaa fannaaninta cusub ee copy-righ-ka ku sameeya fanka ama heesihii soo jireenka ahaa bililiqaysta, inay ka waantoobaan bililiqaysiga fanka, oo ay isku dayaan inay wax cusub ku soo kordhiyaan Fanka & Suugaanta Soomaalida, waxaanan leeyahay: FANKU UMA BAAHNA WEJI CUSUB EE WUXUU U BAAHAN YAHAY FIKRADO CUSUB!!!.

Qalinkii: Yassin M. Haji Jama (Yaska Haji)

Freelance Journalist, Los Angles California

Yassin4you41@hotmail.com

zogo3r.jpg JANAGALE CO Fadlan u gar gaar Gabadhan yar

No comments:

Post a Comment