Sunday 11 October 2009

MAAMULKA SHIRKA DAALO OO BEENIYEY WAR UU MAANTA DABACAY WARGAYSKA MAALMAHA

MAAMULKA SHIRKA DAALO OO BEENIYEY WAR UU MAANTA DABACAY WARGAYSKA MAALMAHA

Maamulka Diyaaradda Daallo oo Beeniyay waxba kama jiraan ku tilmaamay War uu maanta Daabacay Wargeyska Maalmuhu

Maamulka Shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline ayaa goor dhaweyd xafiiskeeda magaalada Hargeysa ka soo saartay war-saxaafadeed ay ku canbaaraynayaan wargayska Maal-maha cadadkiisii maanta oo maqaal ka qoray.daalo

Maamulka shirkada Daallo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay maqaalkasi oo sheegayey “Axmed Cabdi Godane Oo Baad Ka Raba Shaqalaha Shirkada Daallo Airline”

Hadaba shirkadu waxay waxba kama jiraan iyo war aan sal iyo raad toona ku tilmaamtay warkan uu faafiyay wargeysku maalmuhu.

War saxafaadeedkaasina waxaa uu dhignaa isaga oo dhamays tiran sidan:-

Tixraac maqaalka ay uu qoray wargayska Maalmaha ee ku saabsanaa shirkada Daallo Airline iyo Alshabaab, waxaan idin la socodsiinaynaa in arrintaas ay ka muuqato been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay sameysteen shakhsiyaad aan la garanayn waxa ay u jeedaan. Waxaad ka arkaysaa maqaalka habka laysku raaciyey labada arrimood ee beenta looma fadhiyaanka ah ee laga dhex sameynayo shirkada ganacsi iyo Alshabaab oo aanay waxba ka dhexyen.

Shirkadda Daallo waxay la macaamishaa dhamaan bulshoweynta aduunka, waana shirkad gancasi. Caqliga saliimka ahina ma sheegayo in shirkad ganaci ay qof ama urur aan waxba ka dhaxaynin ay wax ka sheegt, waayo iyada waxay shaqadeedu tahay sidii service-ka ay umadda u hayso ay u wanaajin lahayd.

Hadaba waxaa layaab leh wargeyska maqalkan faafiyey, isaga oo aan haba yaraatee wax tafatir ah ku samaynin. Arrintaasina waxa shirkaddu ay u mari doontaa sifo sharci ah si ay meelka dhacaa lagu sameeyey uga daba tago, kuna hesho magdhawgeedii. Ugu danbayntii waxa aanu wargayska Maalmaha u sheegaynaa in ay ilaaliyaan etics-ka iyo milgaha saxaafadu ay leedahay.

Munir Haji Abdilaahi

No comments:

Post a Comment