Friday 9 October 2009

WAA BEEN MALAHU EE KOMISHANKA CUSUB YAAN LA TAFAAFULIN

WAA BEEN MALAHU EE KOMISHANKA CUSUB YAAN LA TAFAAFULIN

Published on: Oct 9, 2009 19:52
Marka hore waxaa salaan Mudan warbaahinta Madaxa banaan,ee Somaliland Sidaaynu wada Ognahaay, Koomishankii Is casilaay, waxaa lagu edeyaay Inaay masuul ka ahaayeen Dhibaatadii iyo khilaafaadkii Cakirnaa ee soo kala dhex galaay Xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumada,,

waxaay sabaab u ahaayeen Dib udhacyada laba jeerba ku yimid Doraashada Tartanka Madaxweyanaha, waxaa kaloo edeeda dusha loo saaraay, khal khalka ku yimid diwaangalintii dalka ka Hirgashaay, oo iyagu markii danbe laleen,iyo hayadii Inter peace ee dalka Dibada looga saaraay, Kadib markii aay hayaadu ku xidhaay Shuruudo, Xisbiyada iyo xukuumada In la badaalo Koomishanka, Iyo in lagu gaalo Diwaangalinta inta aay Ansixiyeen,

Hadaba waa ilahaay mahadii marhadii, aay is garteen xilkiina aay iska wareejiyeen si sharaf leh taasoo aay ku diirsadeen dhamaan Bulshada Somaliland iyo Xisbiyada Qarankuba, Hadaba maalmahan, ayaa dadka qaar waxaay falanqeynayaan, Sida aay noqon donaan Koomishanka Cusub ee laba kamid ah aay soo magacaawdaay Golaha guurtideena Somaliland, iyada oo aanaay wali Xukuumadu soo magaacabin, Saddexdii xubnood taasoo la odhan kaaro waxaay ka dhursugaysay inta aay Golaha guurtidu soo Magacabayaan,,

dhanka kale Xisbiga Kulmiye ayaa iyaguna keenaay Ruux dumar ah, oo umatali doonta Xubinta koomishanka, xaga Ucid aay donayaan inaay ku soo celiyaan xubintii hore ee aay meesha keneen, Hadaba dadkeenu iyaga oo aan waxba iska hubin aay wax maleyaan, waxba laba maleeyo dhaliishu, waxaay timaada, marka la arko Koomishanka shaqadooda, hadaay wax khaldaan iyo hadii aay si saxa ushaqeyaanba, lakiin in la tafaafulo, maaha iyada oo aan la arag Koomishanka cusub shaqadooda, si kastaba ha ahaate,

Golaha guurtida Somaliland waxaay sameeyaan sidii ugu wacnaayd, waayo waxaa labada xubnood ka dhex muqda Tafatirhii wargeyska Jamhuuriya Xasan Siciid oo ahaa Hormoodka Saxaafada Somaliland, laga bilaabo 1991kii wuxuu Tafatire ka ahaa Wargeyskii la odhan jiraay Xooriyo, oo markii danbena lagu badalay Wargeyska hada ee Jamhuuriya Waxaana la odhan karaa, waa uqalma Xilkiisuna wuxuu ugudanayaa si daacadnima ah waayo hore aaya la orkaay Halganka qalinka ee uu dalka usoo Galaay, Pen is Mighter then the Sword Qalinka ka awood badan Qoriga,

Xukuumada ayaa iyadana looga faadhiya, inaay sameeyso sida Guurtida, waayo guurtidu umaay eegin Qabiil iyo gobol midna lakiin waxaay u egeen karti iyo Aqoon, waa inaay iyaguna keenaan dad aqoon iyo karti uleh Hawsha Koomishanka, iyada oo aan loo eegaayn Reer iyo gobol toona, Waxbadan baay doorashadu dib udhacday, iyada oo loo sabaabeeynaayo Koomishankii meesha ka baxaay ee kuwa hada la soo Magacabaayo ee laba ka mid ahna la soo magacabaayba, waa in loogu duceeya in ilahaay hawsha loo igmadaay ufuduudeeyo, lakiin yaan lacaayin oon la tafafulin waayo dadka qaar ayaaba u badan dad wax tafaafulo, oo Carab xun.
MAHAD
Mahad Nuux Muumin
mahad_nuux09@hotmail.com
Pakistan Islamabad

No comments:

Post a Comment