Friday 9 October 2009

SAMALFA UU AABUHU KU LEEYAHAY INAMDIISA

SAMALFA UU AABUHU KU LEEYAHAY INAMDIISA

Published on: Oct 9, 2009 19:07

articalSAMALFA UU AABUHU KU LEEYAHAY INAMDIISA

Aabayaashu waxay ka mid yihiin waalidka ina dhalay,waxayna inagu leeyihiin samafalid iyo wanaag , aan u samayno xili waliba.diinteena suubana waxay ina fartay inaynu u samafalno labada waalid una ducayno duco quruxbadan oo ay ka mid yihiin,ilaahoow u kori sidii ay ii koriyeen aniguu yar.waalidkoo loo samafalaa waxa ay inuu furtaa albaabkaste,waxayna inuu jilcisaa waxkastoo adag isla markaasina waxay inooga dhigtaa wax fudud oo biya ah.hadaba wax yar dib inuugu celiya wakhtigii nabi ibraahim calayihi salaamee,dhuuxana qisadan yaabka leh si aynu uga markhaari kacno waxa halkaasi ka dhacaya.nabi ibraahim ayaa la hadlaaya aabihii aasar isaguu u digayana ayuu waydiinayaa kuna odhanaayaa. Aabay maxaad u caabudaysaa waxaan ku maqlayn, kuna arkay,waxna kaaga deeqayn.aabayeey waxa ii yimid cilmi aan adiga kuu iman, ee I soo raac aan kugu hanuuniyee jidka toosanee.aabeey ha caabudin shaydaan shaydaanku wuxuu u yahay ilaaha raxmaanka caasiyee .aabeey waxaan ka cabsi qabaa inuu ku taabto cadaabka raxmaanka ah, oo aad shaydaan u noqodid qaraabo.hadaba muxuu aabihii ugu jawaabay ibraahim wuxuu yidhi ma ilaahyadayada ayaad caayaysaa adigu ibraahiimoow,hadaadna joogin waan ku dhagaxyayn ,isagoo leh waan ku dhagaxyayn muxuu ugu jawaabayaa ibraahim nabadgaliyo korkaaga ha ahaado,ilaahaybaan kuu danbi dhaaf warsan doonaayee,ayuu ibraahim ku jawaabayaa .balhadaba eega jawaabta fiican ee uu bixiyay nabi ibraahim jawaabtaa fiican maxay dhali doontaa.nabi ibraahim waxa uu dhalayaa nabi ismaaciil,habeenbuu ku riyoonayaa isaga oo lafaraayo inuu gowroco wiilkiisa ismaaciil dabadeedna wuxuu ibraahim usoo bandhigayaa wiilkiisa si ay arinta tan.meel ay iskula dhigaan.jawaabta ismaaciil waxay noqonaysaa inuu yidhaa aabeey sanee wuxuu lugu faray ana waxaad iga heli doontaa haduu ilaahay idmo,kuwa samree.

bal isku eega jawaabtaas uu bixiyay ismaaciil ee qoroxda badan iyo jawaabtii uu ibraahim aabihii uga jawaabay.

hadaba akhristayaasha sharafta badanoow hada waxaynu ogaanay kalmada wanaagsan ee aanu huromarsanaa inay mar wax inuu darayso ,rasuulkeenuna runbuu sheegay goortii uu yidhi u samafala aabayaashiin idina wax idiin samafali inamadiinee.guntii iyo gumaanadkii waxaan idinku soo gabagabaynayaa waa inaynu ogaana xaqa uu waalidku inugu leeyahay

caruuriyo cirooloow

waalidkiin ciseeyoo

casarkii lajoogana

cusri hagu abuurinoo

dhamaantiin ciseeya

hamse riraash

hamseriraash@hotmail.com

hargaysa


No comments:

Post a Comment