Friday 9 October 2009

GEERI NAXDINLE INAAL LILAAHU WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

GEERI NAXDINLE INAAL LILAAHU WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Alle ha u naxariistee waxaa maanta si heer sare aha loogu aasay magaalada burco
mrxuun maxamuud xirsi xasan oo ku geeriyooday xaafada uu ka deganaa magaalda burco
alle ha u naxariistee marxuun ka oo nafbaxay abaaro 3:30 habeenimo ayaa lagu aasay xabaalaha loo yaqaan DAHABSHIIL oo ay iibisay shirkada dahabshiil si dadka loogu aaso, xabaalahan oo ku yaala dhinac a hawd ee magaalda Burco.

Alle naxariistii janno ha ka waraabiyee marxuunka oo ay ka soo qayb galeen aaskiisa dad wayne aad u farabadan oo watay gaadid tiro badan ayaa buux dhaafiyey goobta uu aasku ka dhacaayey.

alle ha u naxariistee marxuunka oo ahaa mid caan ku ah guud ahaan bulshada reer burco isla markaasna aad looga yaqaanay ayaa waxa maanta laga dareemayay xaaafda badan oo ka mida magaalda burco gaar ahaaa xaafadda faarax Oomaar oo uu deganaaa
alle ha u naxariistee marxuun maxamuud xirsi xasan waxaaa uu hadda ifka kaga tegay 3 ubad ah iyo dad badan oo ya sii dhaleen .

aaaska marxuun ka kadib ayaa waxaa goobtaas kala hadlay dadkii ka soo qayb galay aaska culimo iyo dadkale oo badan .
iyadoona si aad loogu duceeyey inuuu alle marxuunka ka waraabiyo
jannatul fardowsa

by :warye dahir ismail warsame(suldan)
suldaandaahir1991@hotmail.com

No comments:

Post a Comment