Monday 5 October 2009

VOA-SOMALI WARIYAHEEDA SAHRA CIIDLE OO MUDDO KOOBAN KAGA SOO DHEX MUDHAY SAXAAFADA SOMALIDA

VOA-SOMALI WARIYAHEEDA SAHRA CIIDLE OO MUDDO KOOBAN KAGA SOO DHEX MUDHAY SAXAAFADA SOMALIDA

sahra ciidle

VOA-Somali & Wariyaheeda Sahra Ciidle Oo Muddo Kooban Kagasoo Dhex Mudhay Saxaafadda Soomaalida.

Xuska Alle kagaal, Waxa fiican, kuna haboon qof kasta oo ka hadlaya Mawduuc ama Maqaal ku saabsan Warfidiyeenka Soomaalida, inuu xuso Hooyada Saxaafadda Soomaalida, Ayeeyo Radio Hargeysa.

Sida la ogsoonyahay, muddo laga joogo ugu yaraan Labo & Badh Sanno, Warbaahinta Soomaalida waxa kusoo biiray Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, oo fadhigeedu yahay Caasimadda Washington.

Laantan Cusub ee Soomaaliga ayaa ujeedooyinka ugu muhiimsan ee loo aasaasay ay tahay sidii Dalka Maraykanku Danahiisa gaarka ah ee uu ka leeyahay Somaliya uu uga fushan lahaa.

Bilawgii Laantan Cusub ayaa ahaa Daah-fur dar-dar leh, Gacan haadin Duqaydii Saxaafadda iyo Xulashada Hormoodka Doorkan ee Barbaarta Saxaafadda.

Inkastoo Bar-bilawga Shay kasta lagu yaqaan Firfircooni dheeri ah, hadana Ifafaalaha VOA-da ayaa u muuqda mid aan waayahaasi Liicayn, haddii aanu Doc Ka Wareen ku iman. Waxaana taasi u sababa Tayada Barnaamijyada oo aad u saraysa una xeel dheer, Kartida, Aqoonta iyo Codkarnimada Saxafiyiinta qaarkood oo heer sare ah.

Tusaale, Dhanka Barnaamijyada

Barnaamijka Cawayska Washington, oo uu hirgaliyey Wariyaha Wariyeyaasha Axmed Xassan Cawke, hoggaankana uu u qabtay Cali-xadhaadhe, waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada aan Cidna la waydiinayn Qiimaha ay ugu Fadhiyaan Bulshada Soomaalida. Waxaanu Barnaamijkan CAWAYSKU Dabooli karaa Baahiyo badan Sida Aqoonta guud, Taariikhihii hore, Sheekooyinka, Murtida, Madadaalada iyo waliba wakhtiyada qaar oo Dawo ahaan loo isticmaali karo. Run ahaantiina waxaad marar badan aad arkaysaa Dadka qaar oo Barnaamijkan jeebadahooda ku sita, yacnii Mobiladooda ayey ku shubteen Barnaamijyo kamida Cawayska Washington, si ay markasta u Dhagaystaan.

Tusaale, Dhanka Wariyeyaasha

Hoga-tusaalayn waxaa innoogu filan inanta Da’da yar ee Hargeysa uga soo tebisa Wararka, waa Wariye Sahra Ciidle Nuur oo Ilaahay Hibo u siiyey Awoodda, Aftahanimada & Aqoonta Saxaafadda. Anigoo jecel inaan wax ka idhaahdo ayaa waxaa iiga horreysay Gabadh aan aad ugu Bogay Maqaal ay kaga hadlaysay Sahra Ciidle, kaasi oo ay kusoo qortay Mareegta Hadhwanaagnews. Gabadhaasi oo la yidhaa Zuhur Nuur Ciise, waxay si fiican uga Ibo-bixisay Kartida, Codkarnimada iyo Saxafinimada Sahra Ciidle Nuur iyo Waliba Sababaha ay Muddada kooban ugu kasbatay Dhagaha iyo Quluubta Bulshada Soomaalida.

Afkeeda Caano halagu qabtee Zuhuur Nuur hadalladeedii Xaqiiqada Biyo kama dhibcaanka ahaa ee Anna aan ku raacay waxaa ka mida “ Sahra Ciidle Nuur waxay noolaysay Erayadii Afka Soomaaliga ee horey loo bixiyey, Sidoo kalena waxay Curisaa Erayo kale oo Afka Soomaaliga Barwaaqaynaya”.

Waxaan Anna intaa sii raacsan lahaa, Sahra Ciidle Nuur Waa Wariye Dhab ah dhankii la eegaba. Waayo Warbixinaheedu waxay ku sar go’anyihiin Erayada la jaanqaadaya hadba xaaladda ay ka warramayso. Taasina waxay u dhib yaraysay Dheelli tirnaanta dhan walba leh ee Warbixinaha ay gudbiso.

Isku soo wada Xooriyoo VOA-Somali iyo Wariyaheeda Hargeysa Sahra Ciidle Nuur oo aan horey loo aqoon ayaa ah kuwo Muddo kooban kusoo Shaac baxay, Iyadoo ay Sababtu tahay Arrimahaa aynu soo sheegnay.

Ugu dambayntii Waxaan u Hambalyeynayaa Sahra Ciidle Nuur, Waxaanan iyada iyo Barbaarta Saxaafadda aan hadalka ugu soo Xayn daabi lahaa Baydad ka mida Maansadii Hadraawi ee uu Bulshada ku baraayey Sirta nolosha, issagoo ku halqabsanay Inan la yidhaa Sahra Rashiid, ayaa Waxa uu kala hadlay Waxyaabo badan, Waxaanan kasoo qaadanayaa Baydad Khuseeya Saxafinimada dhabta ah, waxaanu yidhi sidan:

Hadalkana sar weedhiisa
Una saaf qofkii waaya
Ha ka tegin sarbeebtiisa
Hana gelin sursuur oodan
Hana lumin sargoyntiisa
Hana liqin sangaabtiisa
Ha ku saxan badheedhkiisa
Runta sogordoh haw yeelin
Ha suldaarin dooddiisa
Sisibaa wadaaggiisa
Sababee abbaartaada
Hana badin su’aashiisa
Sarrifkiyo tilmaantiisa
Saddex erey halkii dooni
Soddon yaanay kaa qaadan
Siddi-qabaxi yay raacin
Sare haw dhig-dhigin luuqda
Gacantana ha saydh-saydhin
Hana odhan wax sawliila

Wabillaahi Tawfiiq.

C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu Hurayra)

Salaanmuctasim@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland.

No comments:

Post a Comment