Tuesday 6 October 2009

TALO XUMAANI WAA TAWS AAN TEGAYN !! W/Q ABDI SHOTALY

TALO XUMAANI WAA TAWS AAN TEGAYN !! W/Q ABDI SHOTALY

Oct 6, 2009 14:00

TALO XUMAANI WAA TAWS AAN TEGAYN !!shotaly_1

Sida ay inoo sheegtay diinteenu, baa waxa jiri-jiray in ay CARABTII noolayd wakhtiyaddii la odhan jiray casru-jaahili intii aanay DIINTA ISLAAMKU ku soo degin rasuul-keenii MAXAMED CALAYHISALAATU WA SALAAME, ay aasi jireen hablaha ay dhalaan iyaka oo nool oo u ilka cadaynaaya, halkaas-na kaga dhaqaai jiray, balse ay joojiyeen markii QU’RAANKA loogu sheegay in ay tahay arin aad u xun oo aqoon la’aan ah, hadaba waxa caynkaas igu kelifay in aan soo qaato sheekadaas waa wax la yaab leh oo aan la qaadan karin in ay maanta oo aynu ku jirno qraniggii 21naad ay ka dhacdo TOGDHEER, taas oo ilaa eg mid u dhiganta xaalka kor ku qoran ee ah ubad layn, waxa ay belo ku dhigeen weliba carabtu waxay ku koob-nayd aniga oo aan banay-nayn HABLAHA oo qudha, tanise waaba dagaal ugu jiraan dabar go’ooda si ay isu cidhib tiraan, waayo dhidig iyo lab-ba waxay ku daabuleen doonyo ka dhigan naxashkii lagu qaadi lahaa taas oo gaysa goob ay ku hoobtaan, aan
maraqa ka furo halka i heemaysa’e bal hada ila dhuux dhawrkan sadar ee soo socda, waxanad igu tidhaahdaa waa ina wax kama jiraan waxa aan kor ku sharaxay marka aad akhridid haddii ay noqon waydo sida aan u sheegay, oo ku soo sharax mareegaha, si ay umada inta kale inoola eegto waxa aan isku hayno, yaan ku raagine iga qabo wadna go’an ay isku hab-siisay BURCO:-

Weligeed-ba wax ay eedo bay ku turataaye, oo togdheer tagoog-yaha ay kaga jabtaaye ma haday bilooday in ay ubada-keeda sii siiso sahayddii ay ku tegi lahaa-yeen TAHRIIBITA kuna gaadhi lahaa-yeen meel ay BADDA ISKAGA TUURAAN oo ku tafsiir go’aan kuna taran beelaan, welba u sii tilmaa-maan in xabaalo lagu aasi doonaa aanay jirin ee maydh-kooda ay soo dhigi doonto mawjadaha badu debeda oo haad iyo habaqle-ba ay ka haagi doonaan, inina uu libaax badeed ku kala dilaac-sado meel ILAAH og-yahay oo aan badbaado lahayn ILAYN WAA DAN MAYD AAD AASATAANA’E, looma fadhiyo in ay beelaha togdheer ku nooli ay kob cagaar leh mar uun ka soo durduri-yaan, sida dadka u fekrraan, ku daydaan qayr-kood, maskaxi ay ku soo degto miridh-na ILAAH haka yeelo’e, ama ay waayo arkaan, wax-na ku qaataan, waxay yihiin umada la iga abuuray ( waa beelaha togdheere) kuwa aad moodo in ILAAH kula balamay in ay khasaare u joog mooyee if-kaba aan wax kale loo keenin, weli-na waxay ku
joogaan dhabaddii ay ku xasuuq-meen ee magaceedu ahaa WADO HALAQ oo la yidhi nin maray baa waabay ka leefa, kolba wax seedaha jara bay ku tasha-daan, awel iyaka baa isku dareeri jiray oo fooda la isu sudhi jiray, isaga oo kii isku jeediyey uu dhoosha ka qoslaayo, qodxana u sii daadi-naayo buu hada-na u soo bay-baysan jiray siddii mid kala celinaaya, noloshooda waxay u ahayd mar ay baraadhi isku dilaan, koor ay kala furteen uu meydku ka adeego, awrka-awrka ka daa, laba kuray oo geel dhexddii iska helay oo inta ay legde-maan mid ay soo gaadhay wax-yeelo, bay intii DIIN JIRAY AY TOLAAYEEY ahayd tala-doodu.

Wuxu yidhi QAASIM RABBI janada haka waraabiyo’e, MAANTANA DHUL SII DURUGSAN BAA DIRIR KA MUUQDAAYE, imika-na waxay ogolaatay BAD isku tuurid aan wax ay u jeedaan cid sheegi kartaa aan la maqal lana arag sababta ay u samayna-yaan jar iska xoorni-madan qayaxan, qaawan, qorsho la’aanta ah, qofba uu meel ku qalalay markii warku soo if-baxay, ma war baanay ka hayn wax ka socda hareer-tooda ay ka mid tahay PUNTLAND ee maalin kasta oo cadceedi soo baxdo laga dhegaysto IDAACADAHA IYO TV-YADDA ADUUNKA dhamaan-tood, ma wax loo badheedhaa-baa, miyaanay dareen lahayn, oo aanay u tudhayn ubad-kooda marka ay nooliga iyo sahayda u siinayaan si uu TAHRIIB khatar ah uu u dhex qaado, taas oo aan la hubin nolol iyo geeri, guul iyo khasaare mid ay ku dambayn doonaan, oo ah sida XOOLAHA marka ooda laga qaado aan kala garan karin in ay CAAWA XERADA KU SOO NOQON DOONAAN IYAKA OO NABAD QABA IYO IN KALE, waana amuurta ay reerTOGDHEER kala mid yihiin mayee-dhaanka aan hadlin,
wuxu rabo aan sheegan karin, wax dooran karin, bahalka iska celin karin, tashan karin ee kolba dhanka loo duwo u baydha, bay REER BURCO-NA ay iskaga dharbaaqi-nayaan iyaka oo la micno ah LAX DHUKANI ABAAR MOOG, maxay taraysaa hoohinta ay ILMADA iska duuga-yaan, saw may amba-bixin oo KAFANTA uma ay sii iibin kuwii ay ahayd in ka waaniyaan waxa xun, una sheegan xabaasha ay lugta la sii gelayaan iyaka oo aan digniin qabin, hadaba ka soo maala waa farsamaddii aynu ka talinaye.

*N.B Hadaba tooga baxa waa janada talalax-deedeeye.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment