Wednesday 14 October 2009

VOA oo Caasimada Hargeysa ka furtay mowjad FM ah

VOA oo Caasimada Hargeysa ka furtay mowjad FM ah

Munaasibad balaadhan oo lagu Furayay Qeybta Afka Soomaaliga ee VOA-da oo ka furatay magaalada Hargeysa mowjad FM aayaa maanta oo Arbaca ah ka dhacaday Hotel Maansoor.

Munaasabada Furitaanka FM ta VOA da ayaa waxa ka soo qayb galey Madaxweyne-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Murashaxa Madaxweyne-xigeenka ee UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan ,Guddoomiye-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, , Wasiiro, Aqoonyahan marti sharaf.VOA-Somali-Hargeysa-FM-Laun

“Mowjaddan cusub ee FM-tu waxay suurta galineysaa in si fasiix ah ay shacabka Somaliland uga bogtaan wararka, warbixinnada iyo wareysiyada ka baxa qeybta Afka Soomaaliga ee VOA-da,” sidaa waxa madasha ka sheegay, madaxa Qeybta Afka Soomaaliga Cabdiraxman Yabarow.

Mr Yabarow ayaa intaa raaciyay in mowjaddan laga dhageysan karo illaa 25 kilometer meel u jirta magaalada Hargeysa, mararka qaarna in meel intaas ka fog laga maqli karo.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland JSL Md Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isna kula dardaarmay idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga inay baahiso Barnaamijyo tayo leh, Waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqay inay baahiyaan Doodo la xidhiidha Dhalinyarada la majara-habaabiyay oo uu sheegay in la baro is-qarxin iyo sidoo kale kuwa tahriibaya. Waxaanu ku ammaanay dedaalka ay wadaan.

Waxa iyana sidoo kale madsha ka hadalay Wasiirka Warfaafinta Musharax Xisbiga Ucid ee M/weyne Ku xigeenka Dr Maxamed Rashiid Gudomiye Ku xigeenka Kulmiye Muse Biixi Gudoomiyaha wakiilada C/raxmaan Cirro.

oo dhamaandtood u hambalyeey VOA furashada FM ta Cusub kulana dardaarmay in ay dhexdhexaadnimo iyo barnaamijyo Tayo leh la yimaadaan.

Warqabadka ToggaHerer

Hargeysa


No comments:

Post a Comment