Wednesday 14 October 2009

ISHORTAAGISTA & DIIDMADA QAYAXAN, MACANGAGNIMADA,SHARCIDARADA,IYO KU TUMASHADA XUQUUQDA HAWEENKA EE UU KU TALAABSADAY MUDANE RIYAALE

ISHORTAAGISTA & DIIDMADA QAYAXAN, MACANGAGNIMADA,SHARCIDARADA,IYO KU TUMASHADA XUQUUQDA HAWEENKA EE UU KU TALAABSADAY MUDANE RIYAALE

Ishortaagista iyo diidmada qayaxan, macangagnimada, sharcidarada, iyo ku tumshada xuquuda haweenka ah ee uu ku talaabsaday Mudane Riyaale. Kuna horjoogsaday marwo Ilhaan inay ka mid noqoto komiishanka doorashooyinka waa in si midaysan looga hortagaa.

Haweenku waa lafdhabarta shacabka reer somaliland. Haday tahay kobcinta dhaqaalaha, u adeegista danta guud ee shacabka ama barbaarinta ubadka iyo dhismaha qoyska. Haweenku waxay faramadhan kataaganyihiin dhamaan awooda dalka iyo golayaasha looga taliyo jamhuuriyada Somaliland. Sidaynu ognahay golaha xukuumada oo tiraddodu gaadhayso 50-meeyo xubnood waxaa haweenku ku leeyihiin hal wasiir, golaha wakiilada oo ah 82 xubnood waxaa haween ah laba xubnood, golaha guurtida oo dhan 82 xildhibaan waxaa haween ah hal xildhibaan. Golayaasha degaan oo tiradoodu boqlaal kor u dhaafayso waa laba xubnood haweenku.

Ka xakamaynta haweenka Somaliland ee awooda dalka waxaa denbigeedu korka ka saaranyahay xukuumada Somaliland iyo madaxweynaha dalka Mudane Daahir Riyaale kaahin oo aan habayaraatee la iman wax siyaasad ah oo lagu taageeraayo kor uqaadista iyo sidii haweenku uga qaybqaadanlahaa talada dalka.

Iskadaa in xukuumada hada dalka ka talisaa ka qaybgeliso talada dalka haweenka e, waxaabuu madaxweynihii dalku maanta si cad oo aan geedna loogu gaban isu hortaagay haweenaydii keliya ee loo soo magaacbay gudiga doorashooyinka qaranka.Taas oo uu soo magacaabay xusbiga mucaaradka ah ee kulmiye.

Hadab waxaa waajib ku ah guud ahaan shacabka reer Somaliland gaar ahaan haweenka iyo ururada haweenka reer Somaliland inay si midaysan uga hortagaan diidmadaas qayaxan, macangagnimada, sharcidarada, iyo ku tumshada xuquuda haweenka ah ee uu ku talaabsaday Mudane Riyaale.

Waxa wax aad loola yaabo ah oo ku tusaysa nacaybka uu u qabo mudane Riyaale haweenka reer Somaliland sida uu isaga oo aan xataa awood sharci ulahayn inuu ishortaago ama kala shaandheeyo xubnaha la soo magacaabay uu isu hortaagay Marwo Ilhaan.

Gunaanadkii waxaa hambalyo u dirayaa xusbiga mucaaradka ah ee Kulmie iyo gudoomiyihiisa Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo iyo madaxda kale ee xusbiga oo

usoo magacaabay komiishanka doorashooyinka qaranka marwo Ilhaan, islamarkaasna ay xusbiga Kulmiye ka soo baxday haweenayda keli ah ee codshacab ku fadhida golaha wakiilda marwo Ikram xaaji Daa,uud, sidoo kalena ay xusbigaas ka soo baxaday gudoomiye ku xigeenka golaha degaanka ee Gebiley oo iyaduna ah haweenay.

Waxaanan kulatalinayaa xusbiga Kulmiye iyo Gudoomiye Siilaanyo in ay halkaas kas ii wadaan kor uqaadista haweenka iyo ka qaybgelinta talada dalka ee haweenka.

Wa bilaahi tawfiiq

Ha toolaato Somaliland

Hanoolaadaan haweenka Somaliland

Ibrahim Ali Adan

Stockholm, Sweden

e-mail: ibrahimadan@hotmail.com


http://www.waryatv.com/files/images/a86bb2fb672be6a0745ec6850080cd31.jpg

No comments:

Post a Comment