Thursday 1 October 2009

URURKA ERA OO SHAHAADO SHARAF GUDOONSIIYEY MAAMULAHA DUGSIGA NUURADIIN

URURKA ERA OO SHAHAADO SHARAF GUDOONSIIYEY MAAMULAHA DUGSIGA NUURADIIN

October 2, 2009 at 12:38 AM

Shahaado 5Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay qalin-jebinta ardayda ka baxday dugsiyada Nuuradiin, ee u fadhiistay imtixaanada fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe iyo fasalka 4aad ee Dugsiga sare ayaa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

shahaado nuradiin

Ardaydan oo ay tiradoodu ka badnayd 300 arday waxay sagaal ka mid ahi ku guulaysteen 20-ka kaalmood ee ugu sarreeya imtixaanada dugsiyada sare ee Somaliland, waxaana xaflada ka soo qaybgalay hadalana ka jeediyay Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed,Wasiiru Dawlaha Waxabarashada Somaliland Maxamuud Garaad, Sheekh Maxamed Aadan oo ku hadlay magaca waalidiinta, Guddoomiyeha Admas Professor Cadaan, Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Hargeysa Professor Mubaarik Ibraahim Aar, Professor Rashiid oo ka socday Jaamacadda Golis iyo Cali Maxamed Saalax “Cajab” oo ka socday shirkada Telesom, waxaanay dhamaantood hambalyo u diraan ardayda qalin jebisyay.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha Akadamiga Waxabarashada iyo Cilmi-baadhista Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed, isaga oo Mahad Ibraahim ku tilmaamay macallin qaran, shahaadadanina ay tahay mid lagu maamuusayo waxqabadka iyo dedaalka muuqda ee uu sameeyay Mahad Ibraahim Maxamed, Maamulaha dugsiyada Nuuradiin, waxaaana Shahaado Sharaftaas guddoonsiinteed hirgaliyay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada Somaliland Mudane Maxamuud Garaad

Eductaion and Research Academy “ERA” Desk

Hargeysa, Somaliland

eraorg@ymail.com

No comments:

Post a Comment