Thursday 1 October 2009

HEES CUSUB OO JAWAAB U AHAYD HEESTII JAAMAC-RIYO EE LIDIGA KU AHAYD RIYAALE

HEES CUSUB OO JAWAAB U AHAYD HEESTII JAAMAC-RIYO EE LIDIGA KU AHAYD RIYAALE

Akhristayaal Naga guddooma marka hore salaam Barako Huwan Raxmadina ku dheehantahay oo ah Ta Islaamka Assalaamu Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatu.

Intii Maqashay iyo Intii aan Maqlinba beryahan waxa aad loogu dhag raaricinayey Hees Cusub oo Liddi ku ah Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Heestaasi oo Curinta, Laxanka iyo Codkaba uu iska leeyahay Abwaan Fannaan Jaamac-riyo oo inta Fanka la ollogga ahi si fiican wada yaqaanaan.

Heestan ayaa waxa uu Abwaanku kula hadlayaa Madaxweynaha isagoo ku dhaliilay Xilgudasho la’aan. Waxaanu halkudhiggeedu yahay KA DHAADHAC KURISGA. Heestan oo ugub ah ayaa noqotay mid aad ugu faaftay, hadal haynteeduna ku badatay Bulshada dhexdeeda.

Haddaba Af Af loo hayaa Ba’aye, Waxaa soo baxday Hees cusub oo haddeertadan uun daawaha laga soo qaaday oo Jawaab u ah Heestan Jaamac-riyo, Waxaana Curiyey oo Dalka Qadar kala soo tiigsaday Hal abuurka Da’da yar ee Axmed C/laahi Maxamuud (fartaag).

Akhristayaal Heestan oo ah mid aad u qiimo badan, bal nala dhugta, Waxaanu Abwaan Fartaag ku bilaabay sidan:



Dhaqaalii buu kaboo
Dalkana dhabaduu ku ridey
Wakaa calankii dhidboo
Intuu dheeliga ka jirey
Dhameys tirey dawladnimo
Dhaqaajee dhaanka raray

Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagahaba dhigtee

Dhanbaalkani waa heshiis
Dhulkeenuna waa amaan
Dharaariba waa dharaar
Dhurwaa xoolii ma cunin
Dhitadu subag bay dhashoo
Dhalaankaa lagu korshaa

Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagahaba dhigtee

Wataa maandeeq dhashoo
Haduu dhaydii lisee
Xilkii loo dhiibay iyo
Amaanadii way dhantahay
Adoo dhaga haaga furay
Waar hooy dhaayaa kuu eeg

Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagahaba dhigtee

Dhankeed ka dhaliilaysaa
dhulkeenii inaga maqnaa
Xadkii buu soo dhacshoo
Dhabtuu ku hurdaa Shacbiga
Dhufayskuna waa difaac
Dhawaaquna waa afgarad

Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagahaba dhigtee

Waagii dhiiliyo Colaad
Markii dhagar qabe siyaad
Intuu dhiigooda qubey
Intuu dhaawaca ku diley
Dhibkii waa laga baxoo
Hadaa dheeftii la heley

Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagaba dhigtee

Wuxuu dhigey aabahood
Ayey ubadkuna dhaxlaan
Dastuurkaa dhigan ku dhaqan
Xagee laga dhaafayaa
Ciideenaa laga dhargaa
Dhirtaa midho laga cunaa
Dhulkaa beeruu ku yidhi

Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagaba dhigtee

Siyaasadu waa dhanxiir
Mucaaridku dhaantadii
Dhamacda rarankii ku gubey
Dhindiil danbas huwan ku noqoy
Dhag xomo waa laga durkoo
Dhulkuna waa lama huraan

Dhamaan soomaaliland
Nabada way dhawrayaan
Dhalaankana yaan la qaxin
Dhuuman maayo Riyaaloo
Intoo gogol loo dhiguu
Dhabtii ku hurdaa shacbiga.

Dhammaad.

Curintii: Abwaan Axmed Cabdilaahi Maxamuud (Fartaag)

Email: fartag_571@hotmail.com

Doha, Qatar.

&

Tebintii: C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu Hurayra)
Salaanmuctasim@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland.

No comments:

Post a Comment