Sunday 11 October 2009

DHEGA ADAYGA JAMHUURIYA IYO DHANXIIR IYO QURAANKA Published on: Oct 11, 2009 8:32 Dhega adayga Wargayska Jamhuuriya iyo Dhanxiir iyo Quraanka. “Fay

DHEGA ADAYGA JAMHUURIYA IYO DHANXIIR IYO QURAANKA

Published on: Oct 11, 2009 8:32

dhanxiirDhega adayga Wargayska Jamhuuriya iyo Dhanxiir iyo Quraanka.

“Faysal hadalkiisa ma aamino oo erayga afkiisa ka soo baxaba mid kale oo burinaya ayuu ka soo daba tuuraa sidii suuradiihii quraanka ee isnasakhayaye.”

Wargaysaka Jamhuuriya oo ku sii adkaysatay in uu xaqiraada iyo ku dheel-dheelkiisa ku sii wado kadib markuu ku guul daraysatay in uu laalo qoraalka uu ku aflagaadaynayo Quraanka Kariimka ah. Waalayaab iyo badheedh cad oo Wargaysku ka badheedhay aflagaadadiisa ku saabsan Qur’aanka. Waxa jira qoraal hore oon ku sheegay arintan foosha xun taasi oon ku tilmaamay qaladka wargayska uguna baaqay in uu qaraalkaasi ka masaxo websiteka oo uu ilaa imika ka lusho.

Hadaba waxa aan qarsoonayn in wargaysku uu dhegaha ka furaystay dhawaaqa dheer een ku gaadhsiinay qaladkiisa. Sidaa awgeed waxa loo baahan yahay in laga gilgisho oo la tuso wargaysaka Jamhuuriya foolxumida uu kula kacay kitaabka ilaahay. Waa arin inagu wada waajiba oo u baahan in hoos loo eego.
Arinkan wargaysku ku kacay ayaan ahayn mid ku cusub noociisu dunida islaamka oo beryahan dambe wargasyadu ay ku aflagaadeeyaan diinta islaamka iyo keetaabka rabigeen. Waxa ugu dambaysay dhacdadii amma filmkii uu ninka reer Dhenmark uu ku aflagaadeeyay diinta islaamka taasi oo la odhan karo waxa ay ka sahlanayd hadalada uu adeegsanayo wargaysaka Jamhuuriya. Waxa is waydiin leh marka inaga gudaheena ash-khaas inaga tirsani ay diinta iyo Quraanka ay kula kacaan anshaxdarro iyo aflagaado miyaa laga aamusayaa marka aduunka kale ka hadlana miyaynu darjebinaa. Arinkani waa tijaabo waxa xigi doonaa mid madaxu ina xanuuno.

Waxa aan ka codsanayaa culimada reer Hargaysa in arintaas la fududaysan. Waa in la mariyo dambiga uu galay wargaysku inta uu leegyahay. Waxaan hubaa hadii suldaan amma boqor intaa lagu odhan lahaa in hoos u eegiisu intaa ka badan lahaa kana xamaasad iyo xiisad badan lahaa. Hadii arinkaas muhimad iyo fiiro gaara lasiin waayo waa summad ku taala wejiga reer Hargaysa iyo Somaliland-ba. Waar ma Faysal Cali Waraabe hadalkiisa iyo ka ilaahay ayaa meel la isaga ekeysiiyo leh! Ma laba la is barbar dhigaabaa! Maye dadkii diinta danaynayay, mee damiirkeenii noolaa ee damqanayay.
Bal si fiican u akhriya wargaysku waxa uu qoray:

Dhanxiir iyo Ina Cali Waraabe
Maansha Allaah, Alleylehe, ninkii Faysal Cali-waraabe hada ayuun buu gartay maskaxdii xal waara lagaga gaadhi lahaa deegaanka Ceelberdaale kolhadii uu yidhi, arrinta reer Hargeysaad iyo reer Barigu hala wareegaan, iyagaa og halka nabarku ka bukee, ceesh caala siyaasi lagu dhinto dheh.

Weger; Adeer; Faysal hadalkiisa ma aamino oo erayga afkiisa ka soo baxaba mid kale oo burinaya ayuu ka soo daba tuuraa sidii suuradiihii quraanka ee isnasakhayaye, waxaad ka warrantaa ninkii Rayaale iyo wadaadkii Saleebaan way isku maqan yihiin fiintaa kala dhex miranaysaa la yidhiye tallow maxay iska uriyeen, cajiib

Ali Awale Osman

ccawaale@hotmail.com

No comments:

Post a Comment