Tuesday 6 October 2009

MADAXWEYNE RAYAALE OO KA AQBALAY XUBNII KOMISHANKII DOORASHOOYINKA ISCASILAADOODII

MADAXWEYNE RAYAALE OO KA AQBALAY XUBNII KOMISHANKII DOORASHOOYINKA ISCASILAADOODII

Oct 6, 2009 14:00

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Warsaxaafadeed Date: 06/10/09 Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta oo salaasa ah bisha octoobarna tahay 6/2009 qoraal uu soo saaray uu si rasmi ah uga aqbalay iscaslaadii ay soo jeediyeen gudidii Komishanka Doorashooyinka Qaranka.rayaale10_2

Madaxweynuhu waxa uu qoraalkiisaasi si weyn ugu mahadnaqay hawlhii ballaadhnaa ee ummadda iyo dalkaba ay u soo qabteen gudidii komishanku mudadii ay xilka hayeen, taas oo madaxwynuhu uu ku tilmaamay in ay mutaysteen abaal marin iyo taariikh ay dalka ku leeyihiin.

Madaxweynuhu qoraalkiisaasi aqbalaada iscasilaada komishanka waxa kale oo uu ku yiri “ Waxa ay qaranka iyo dadkiinuba aanay iloobi doonin, sida waddaniyada, dad jecaylka iyo daljacaylkale ee aad danta umadda uga hormariseen tiina gaar ahaaneed, idinkoo xilkiinii maanta uga degay danta guud ee ummada, una fududeeyey hirgalinta heshiiskii saddexda xisbi qaran ay isla qaateen.

Waxa madaxweynuhu u rajeeyey xubnaha gudidaasi xilkoodii iska casilay, mustaqbal fiican in Illaahay ku guuleeyo kana abaal mariyo hawlihii ummada ay u soo qabteen.

Allaa Mahad Leh

Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenak madaxtooyadda JSL

No comments:

Post a Comment