Monday 19 October 2009

TALO KU SOCOTA MADAXADA GOBOLKA GABILEY

TALO KU SOCOTA MADAXADA GOBOLKA GABILEY

waxaan halkan ka salaamayaa madaxda gobolka GABILEY ee sharafta badanGABILEY

wararka nagasoogaadhaya baryahan danbe gobolkayaga gabiley ma wanaagsana
maxaa yeelay waxa dhagahayaga kusoo dhacaya gobolkii waxa ku habsaday aafadii
HARGEYSA heshay ee ahayd hanti boobka hadii ay taasi dhacdana waa qaran jab

maxaa yeelay hargeysa waxa boobayaa waa dad aan u dhalan oo usoo shaqo tagay
GABILEYSE madaxda joogtaa waa dadkeedii oo lama mid aha ina sulub & cawil
oo barritay isaga tagayaan ee idinka waa gobolkiinnii & dadkiinnii oo haddaad shaqada ka taktaan meesha katagi maysaan
walaalayaal haddii uu arrinkaa hanti boobka ahi jiro ka joogsada

walaalayaal waxa la idika sugayaa inaad gobolka wax usoo jordhisaan ee la idiinkama
fadhiyo inaad hantidii yarayd ee siyaad barre gobolka uga tagay inaad fadhataysataan
taasina waa ayaan darro lasoo daristay dadweynaha reer gabiley

maantana ma MOORGAN baa jooga mise KOORAJAAN mise BUULLEH

walaalayaal waxaan hubaa arrinkaa hantiboobka ahi waa arrin foolxun ee iska illooba oo
dalkiinna iyo dadkiinnaba u tudha ubadkiinnana cuquubada ka ilaaliya

wasalaamu caleykum waraxma tullaahi wabakaatuhuu

maqaalkan hoos ku qoranna mar horaan idiin soo diray

sidaa iyo nabad galyo

Subject: talo ku socota madaxda gobolka gabiley
Date: Sat, 11 Jul 2009 05:52:31 +0400

ku suldaanka guud ee gabiley
ku cuqaasha gobolka
ku badhasaabka gobolka
ku maayarka gobolka
ku madaxa bilayska
ku mudanayaasha golayaasha ee kasoo jeeda gobolka

dhammaan waad salaaman tihiin iyo waliba shacabka reer gabilay ee sharafta leh
alsalaamu caleycum waraxmatullaahi wabarakaatuhuu
salaan ka dib
waxaan idiku canaananayaa karti darro =gabood fal= cabsi fuleynimo=hawlgab jiljileec=habrasho=xilkasnimo la.aan
waad ogtihiin go’aankii guurtidu kukala xukuntay labada beelood ee kala daga gabilay iyo awdal
gartii waxa helay gobolka gabiley su.aashu waxa weeyi marhaddii gabilay loo xukumay maxaa looga caga jiidayaa
ee aad markiiba ciidammada gobolka ugayn waydeen maxaase idinka hortaagan ee aad kabaqaysaan mise waxaad
isleedihiin dahir riyaale ayaa reerkiisa ka hor imanaya oo waxa ay donayaan diidi kara waa mustaxiil
mise riyaalaad uhaysataan inu madaxweyne somaliland yahay oo dadka iyo dalka udanaynaya ?gudcurbaad gudaysaan
1 suldaanka
suldaan goblkan adaa u suldaan ah =adaa ugu jira golaha guurtida maxaanu umaqli weynay adoo ka hadlaya
go’aankii guurtida ee aad ugu jawaabi wayday suldaanka guud ee beesha dila halka ay salaadiin kale uga jawaabayaan
maxaad golaha guurtida ugu cadaadin weyday inay dawladda kuqasbaan inay fuliso
amma aad golaha uhokeeni wayday mooshin maamuus ka xayuubin lagu soo oogo madaxweynaha
marhadday shaqadiisii noqotay iska horkeenka beelaha =qabiilayste=qaran dumis khiyaamo qaran
suldaan waxaannu la yaabbannahay oo aannu qaadan laanahay adoo waxaaso tacaddi ah arkaya ee reerkaaga
lagu samaynao oo uu ina riyaale wado waxaad haddana ugu codaysay ee aad udiiday in la eryo
miyaanad ogeyn in dadkaad suldaanka utahay aanay ogolayn intooda badani daahi riyaale oo aanay doonayn
2 badhasaabka
waxaad udhaaratay gobolka iyo danta gobolka=dadka reer gabiley iyo danahooda
umaad dhaaran dahir riyaale iyo danaha reerkiisa adaa gobolkan xukuma adaana ka masuul ah wixii ka dhaca
adaanu xilku kusaaranyahay waa inaad xaqa gobolka ilaalisaa oo aanad cidna xaqdarro kuraacin
waa inaad magacaaga ilaalisid oo aanad is odhan haddaad amarka riyaale diiddo waa lagu eryi waxaan kuleeyahay

[waarimayside war hakaa hadho]

3 taliyaha booliska

taliye adaa u xisaaran amniga gobolka ciddii kusoo xadgudubtana adaa ka masuul ah maaha in laguugu taliyo gobolka
amarka booliska gabiley adaa uxilsaaran waamaxay sababta keentay in dhulkii shaqaaqadu ka dhacday
ee go.aanka lagadhay in ay maanta maleeshiyo gobol kale ka timid ay ugu dagaalanto gobolka gabiley
aaway masuuliyaddi aad gobolka uhaysay taliye waa inaad waajibkaaga kasoo baxdaa aanad cidna
uga marti noqon ilaalinta amniga gobolka cidduu doonoba ha ahaadee gobolka ciddi udhalatay uunbaa ku hadhi doona

[geel jire geela wuu wada jiraa haddana nin walliba hashiisuu jirtaa]

maayarka iyo cuqaashana intaa in leegbaan leeyahay waa inaad danta dalka iyo gobolka umidawdaan
oo aad iska ilaalisaan fidnada iyo xumaanta maamulka riyaale idinkula dhex jiro ee aydaan waxba ka faaiidayn
sida waxan ay ku sheegaan udub ee marba laleeyah reer hebelbaa kusoobiiray udub waa siyaasad la idinku kala qaybinayo
oo la doonayo inaydaan waxba qabsan oo aad udub iyo kulmiye iyo ucid la’idinku jaha wareeriyo
waxaanu bari dhaweyd la yaabnay xaflad lagu qabtay gabiley oo uu dabada ka waday nin dhawaan dalka yimid oo layidhi
waa wasirudawlaha gobolka oo ay kasoo qaybgaleen dhammaan madaxda gobolku oo ahaa xaflad udub ah
oo layidhi waa beeshii reer hebel oo haddana maalintii ka danbaysay haddana xaflad kale la qabtay oo beeshii uun ah
oo tii hore ka dad badan oo kulmiye ah haddaba madaxda gabiley maxay taa danbena uga qayb gali waayeen
miyaanu dadka gobolku usinnayn mise qaarbaa lajiyiin ah waa yaabe
maxaase gobolka loogu diidaa xafladaha xisbiyada kale mise udub baa koonta loogo xidhay sidii

waar gobolka fadqalalada ka daaya oo ummadda iyo axsaabtaba udhexeeya oo dadka isku soo jiida oo dadka xorriyadda
haka qaadina waxaanan idiin sheegayaa inaan dalkan la rabin inuu meel gaadho ee idinku dantiinna ka raaca oo waxaan jirin haku colloobina

sufyan omar sufyan

omarjaray@hotmail.com

abu dhabi
UAE

No comments:

Post a Comment