Monday 19 October 2009

JAWAAB KU SOCOTA CALI KAYSE KABADHE IYO EEDAYN-TIISA AAN RAADKA LA HAYN.W/Q ABDI SHOTALY

JAWAAB KU SOCOTA CALI KAYSE KABADHE IYO EEDAYN-TIISA AAN RAADKA LA HAYN.W/Q ABDI SHOTALY

SHOTALY

JAWAAB KU SOCOTA CALI KAYSE KABADHE IYO EEDAYN-TIISA AAN RAADKA LA HAYN.
Marka hore MR KABADHE iga gudoon salaan qiimo badan, mar labaadka waxan kuu sheegayaa eeda aad aniga iyo MR CAWAALE la fuushay in ay tahay mid aan sal iyo raad loo raaco aan lahayn oo qaawan, ahna runtii mid waxa aan ka hadlayno aniga oo ah ABDI-SHOTALY iyo MR CAWAALE aan ahayn, ee aad jafayso qar iyo waxa aan ahayn u jeedaddii maqalada aanu qornay ama aanu ka hadalay, ee aad isku maqiiqday waxa aan loo fadhiyin, soof daran haboowday adiga oo fahmin dulucda ay qeexayso arinta meesha taala ee la isku hayaa ee aad seef af la’ iskala booday, dabeedna aad siddii bahalkii ahaa oday geelii ba’ay aad gees walba u carartay,
waxan wacan qofku inta aanu waxa odhan, oo aanu geysan mudarooyin iyo meel ka dhac, oo aanu kolba qar isku qaadin in uu ka baaraaan dego wuxu uu ka jawaabaayo iyo halka ay ku socoto sheekada salkeedu, ee maaha in uu qofku siddii uu xaabo guraayo faash uun iskala fuulo, oo uu qaado sadex iyo sodan iyo hal daloo-keed isga oo aan waxa u hubsan, arinta si fudud baad haraati ugu dhufataye bal dib u joogso aniga baa kuu bayaamine oo dhego u yeelo una fiirso wax aan ka hadalay aniga iyo MR cawaale malaha meel kale baad ka ursatay aad beer ka lee-dahaye, wuxu yidhi SAAAN CARABAY:-
Dhaaxaan nin hanaqaad is biday soo hogaan baraye,
waxaw halisa badaw hayjad galay inu halaabaaye,
hadaba nin igu hansaday anoow heli jawaabtiiye,
haasaasahaa laga gartaa hagar la’aaneede,
mar hadaan hulaabtay iska rogo soo hankaabsadaye,
maantana hiyiba waa hiyiye hadal kalaan baanay,
Mr KABADHE xaalka aan anigu furay haddii aan ahay ABDI-SHOTALY SAAXIIBKAY MR CAWAALE-NA IGU RAACAY iyo waxa aad budhka kula booday horta isku mid maaha, laba waxa oo isu dhaw ama la isu keeni karo maaha, aan kuu iftiimiyo’e, anaku riyaale iyo wax qabasha-diisa, haddii uu daacad yahay iyo haddii aanu ahayn, shakhsi-nimadiisa, wuxu ahaan jiray midna kama aanu hadal, kuma aanu caayin, mana aanu amaanin, khalad buu samaynayaa iyo sax buu yahay midna kumaanu odhan soo maanan xitaa hadal qaadin, maamulka uu madaxa u yahayna mar qudha afka kumaanu dhufan ee meel ku bugta baa ku beleshay oo adiga meel aad doonaysay iskaa u maray, waana ay kaa khaldantay jawaabtu si wacana way kaaga murku-catay,adiga baa is qalin daaraaya, waxana aad muujiysay in aad marayso dhabada uu ka fad kudiyey wiilka aad u dacwiyeysaa, taas oo ah waxa labadiina-ba iskaga khaldan oo mugdi idin kaga jiraa waxa aad ka hadlay-saan waxay ay yihiin, taas oo ah mucaaridada xusbinimo iyo mucaarad-nimada somaliland-nimada aanu difaaca ugu jirno, labada-yada aad guudka uga baxaday, mana haysaan siddii aad u fahmi lahay-deen amuurta aanu xusnay aniga iyo MR CAWAALE waxana la idin moodaa laba cidla ka wareer ee bal waatana mar kale aanu kuugu celino waxa aanu difaacayno iyo waxa aad ruuga u aasteen waxa ay kala yihiin wuxu yidhi QAMAAN BULXAN:-
Baadida nin kula doonayaa jira, oo daala kaa badane,
oon doona-hayn inad heshana, daayin abidkiiye,
dad-kuna moodi duul wada dhashoo, wax u dahsoonayne
dalana ma laha aakhiro haddii loo, kitaab dayo’e,
Waxa aad ka dhigan tahay kaa na barbar ordaaya ee aad moodo in uu wax nala raadinaayo, misana hoosta ka rafidaaya, ee aan rabin in aan waxa uu nagula socdo aanu soo taabano, raalina aan ka ahayn ictiraaf ay hesho somaliland, sifaha uu sheegay QAMAAN BULXAN baa kaa muuqda, waxad rabtaa in aad albaadada u soo xidhaan ay dawladu u garaacdo istiraafka, oo halkii ay marto-ba raad-keeda daba gashaan si aad u masxdaan, weliba, maaha siyaasad ay og yihiin madaxda xusbiga kulmiye, umna qalmo in uu metelo waayo waa xusbi ceebays, si khaldana wuu uga turjubaanayaa ninka aad MR KABADHOOW AAD LEE-DAHAY MEEL BAA LAGA-GA DHACAY, hadaba aan ku way diiyo’e su’aale MR KABADHE, adiga iyo maxamed . a. cumar-ka aad qayru macquulka ah u daba taagan tahay, ma nagula jirtaan difaaca somaliland aniga iyo MR CAWAALE mise waa maya? haddii ay haa tahay jawaabtu ka hadh wiilkan aasaaya somaliland, haddii kale ogoloow tixda QAMAAN BULXAN jaale, bal doc uun isugu baydh inta aad joojisid gebgebta.
Mr CAWAALE IYO ANIGUBA waxan gaadh dable ka haynaa wax kaste oo mudaro u keenaaya qaranimada, gooni isu taaga, sumacada, madax banaanida somaliland,waxan difaacaynaa wax alaale wixii si toos ah ama dadban, mid qarsoon iyo mid cadaan ahba, hadal iyo gacan, af iyo adin mid kay ku timado-ba, qalin, duulaan ciidan haday tahay si kastaba ha noqotee wax yeeli kara ama karaama-deeda wax u dhimi kara, sida uu u dhaqmo saaxiib-kaa MR AMBASSADOR ee aynu ka hadlay-naana waa mid uu dagaal toos ah kula jiro inta aan kor ku xusayba, ma waxa aad ku raacsan tahay in uu amuuraha dhexdeena ee inoo gaarka ah iyo muranka xusbiyada uu nacab-keena u sheego? oo uu oboc-deena wadho?, ma waxad gacan ku siinaysaa in uu yidhaaho yaan nala ictiraafin inta uu hayo madax-weynaha xilka hayaa imika?, ma waxad ku garab taagan tahay ceebta joogtada ah ee uu sirteena inoo gaarka ah uu ku xumaynaayo? ma waxad ogosha-hay ii uu inagu diro asxaabteena sida INGIRIISKA oo ku yidhaaho ha na caawinina? ma waxad ayidsan tahay in uu ajene-biga uu la kulmaayo ee uu waxaas ka dhaadhi-cinayaa ay mucaaridad xusbi u qadanayaan? mise waxay tahay ka soo hor-jeedka somaliland? mise waxad la qabtaa in uu sidaas uu ku fasilaayo siyaasada xusbiga kulmiye oo aad na lee-dahay waa caynkaas? miyaanu been ka sheegayn kulmiye oo aan loo fahmayn in uu af xusbi ku hadlaayo ilayn wuxu lee-yahay oo uu isku iibinayaa waxan ahay SAFIIRKA KULMIYE’E? SAW MEEL KAGA DHICI MAAYO XUSBIGA UU METELAAYO? odayaal waxa aad ka hadlaysaan iyo waxa aad wadaan kuwo la isku shabihi karo ka fog laba shuqul isku lehna maaha, mana garanay-saan xumaanta lugta kula jirtaan iyo waxa aad difaacay-saan cidhibta ay ku keeni karaan, iyo weliba waxay yeeli karto siyaasada uu la wareegaayo wiilka aad hor boodaysaa.
Aan weliba kuugu daro’e MR RIYAALE waa madax-weynaha somaliland, waa nin uu soo doortay shicibku oo food ku yimi maaha in aad u caydo AJAANIB IYO SHISHEEYE, haddii uu xun yahay iyo haddii uu wacan yahay labada-ba waxa waajib inagu ah in aynu ixtiraamno, sharfno,difaacno, oo aynaan cadawga is ogaysiin, dhex-deena wax kastaba aynu ku kala cabano’e, maa ha in aad suuq-yada iyo gole-yaasha baarlamaanka reer galbeedka iyo dawlada kale ay lee-yihiin ka aflagaa-daysid, sida aad doontana uga caytantid, waxa kale oo iyana waajib inagu ah in aan marnaba la inoo soo dhaafin, iska daa wax aynu inaku shegno’e, dawlad-nimda somaliland-na waa inagu waajib laba jibaaran oo si culus garbaha inooga saaran in aynaan wax uga sheegin shisheeye, ee marka aynu la kulano aan wax walba ka dhigno daadax oo amaano, wax kastaa ha ina dhex yaaleene, maaha in aad cunaha is qabato oo aad adigu dad hortii sii gawracdo, jaalayaa sidase aad ku talaabsa-naysaan waa burburin iyo idinka oo u dhaqmaaya siddii aad tihiin nacab, ma la idiin arkaayo in aad tihiin kuwo mucaaridad xusbi wada ee waxad tihiin kuwo ka soo jeeda inta jecel in ay somaliland noqto mid aan hir gelin ee gacan cadaw ku dhacda marka la eego falalka aad ku kacaysaan, mana aha siyaasdaddii xusbiga kulmiye, waayo waxaa-ba madax u ah mujaahidkii ugu weynaa inta nool ee dhiigiisa u soo huray, wax aad ku soo kordhinay-saana haba yaraatee waa habeenkii xalay tegay, wax aad u dhintaan mooyaane inta aad sidan tihiin, ee talo qaata oo wax bedela isma ogidine.
* N.B Alla doori hadalka wuu yaqaan waana ka agnaaye.
abdi-shotaly,

No comments:

Post a Comment