Wednesday 14 October 2009

TACSI GEERIDA Marxuum Sauldaan Maxamed Suldaan Deeriye

Anigoo ku hadlaaya magaca Reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga, waxaan tacsi u
dirayaa Reer Suldaan Deeriye, tafiirta, ehelka, qaraabada, xigaalka, asxaabta, iyo dhammaan dadweynaha Soomaliland gaar ahaan Beesha Subeer Awal ee uu Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Deeriye ka geeriyooday.
Suldaan Maxamed oo ka soo jeeda saldanada weyn ee Subeer Awal, waxuu Alle ha u naxariistee ahaa nin oday ah oo qayb libaax ka soo qaatay halgankii SNM iyo nabadeentii beelaha Somaliland ee ku soo biyo-shubtay dhismaha qaranka Somaliland. Waxuu ahaa nin nabadeed, cibaado badan, aftahan ah in badana ka fogaa inuu ku milmo hardanka xisbiyada, Waxuu ahaa qunyar socod taladu ka duulin kuna adkaa isku-xidhka beelaha Somaliland. Kamana nasan hawsha bulsho iyo ilaalinta nabada inkasta oo uu muddo xanuunsanaa.

Waxaan Illaahay uga baryayaa dambi dhaaf, naxariis iyo inuu ku mannaysto jannatul fardows, dhammaanteena Alle hayna waafajiyo samir iyo duco aynu ku sagootino Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye.
Ahmed Arwo

Cardiff UK

No comments:

Post a Comment