Wednesday 14 October 2009

XAALADA MAANTA IYO DADKA HURIYA ARINTA W/Q: CABDI DEEQ MOHAMED YOUSUF

XAALADA MAANTA IYO DADKA HURIYA ARINTA W/Q: CABDI DEEQ MOHAMED YOUSUF

XAALADA MAANTA IYO DADKA HURIYA ARINTA

Waxa in dhawaalaba dhagaha muran ma waydada ah ee dad waynaha Somaliland ku soo noqnoqonaysay arinta muranka kicisay ee ah xubinta xisbiga kulmiye u soo magacaabey Komishanka doorashooyinka Qaranka

Hadaba hadaaan isku dayo inaan qalinkayga waxoogaa kaga idhaahdo arintan, waxa aan kula hadli lahaa sadex qolo:

  1. Xisbiga Kulmiye
  2. Madax waynaha Somaliland ahna Gudoomiyaha UDUB
  3. Iyo qolooyinka raba iney cayda kusoo shaac baxaan

Xisbiga Kulmiye

Makra hore waxan odhan lahaa Xisbiga Kulmiye in ay arinta dabciyaan oo ay ogsoonaadaan in markasta oo muranku sii dheeraado ay qiil u samaynayaan mudo kordhin danbe, iyo waxaan loo fadhiyin,.

Hadaba Kulmiye waxan leeyahay Waxaan Hurayn Horaaa loo yeelaaye inaad soo badashaan gabadhan uu ka boodey Madax waynahu

Madax waynaha Somaliland ahna Gudoomiyaha UDUB

Madax waynaha waxan odhan lahaa Madaxwayne xasuusnoow inaad tahay madaxwaynihii qaranka oo adiga lagaala xisaabtamayo dhamaan bulshada somaliland saqiir iyo kabiirba, waxa lagaa filayaa inaad u warwarto sidii Cumar ibnu Khadaab, ama amiiradii kale ee muslimiinta, waxa lagaa rajaynayaa inaad keento barnaamujyo aad dalka shaqo kaga abuurayso, isla markaana aad dalka fakhriga kaga saarayso, adigoo kaashanaya inta wanaaga jecel kana dheeraanayo af miishaarada beenta la wareegaysa.

Madaxwayne waxan ku leeyahay ha ku mashquulin Diidmada Aaamina Waris iyo Ilhaan

Qolooyinka raba iney cayda kusoo shaac baxaan

Hore ayaa somalidu u tidhi ayax teg eel se reeb, waxa siyaasada murugsan ee Somaliland laga bartay kooxo huriya oo inta badan adeegsada warbaahinta kala duwan ee dalka iyo dibadaba, kooxahan oo intooda badan ka helaya maqalka ama araga la akayo sawirkooda warbaahinta.

Hadaba dadka caykaasa Sida walaalkay Sanwaa Cumar Yare, waxan leeyahay saaxiib Hadii aad jeceshay in Lagu barto soo mar wadadii saxa ah, taasoo ah inaad ka hadasho arimaha arimaha bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka I.W.M. oo aanad isku mashquulin ka hadalka Ilhaan oo aad uga hadasho qaab caadifadaysan

Waxan rajaynayaa dhamaan dadka siyaasada dhabqiyaa iney ka baxaan saaxada

Cabdi deeq Mohamed Yousufdeeq

Hargeisa, Somaliland

abdeeq4@hotmail.com

No comments:

Post a Comment