Wednesday 14 October 2009

WARAYSI LALA YEESHAY MADAXWEYNE RIYAALE IYO SIILAANYO

WARAYSI LALA YEESHAY MADAXWEYNE RIYAALE IYO SIILAANYO

Riyaale iyo SiilanayoyarMadaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale ayaa warayso dhinacyo badan taabanaya kaga waramay arimo badan oo ay ka mid ahay arinta xubinta Kulmiye ee uu soo celiyey labada jeer iyo waliba arinta shirka ka socoda magaalda Nairobi iyo arimo kale oo badan.

Madaxweynaha ayaa la waydiiyey sida uu u arko furitaan xafladan waxaanuuku ku jawaabay

” Horta waanu soo dhawaynaynaa furitaanka idaacadan stationka Hargaysa waxaanaan filayaa in ay noqon doonto mid umada si dhex dhexaada ugu adeegta, oo ay dadku ka faaidaystaan oo aanay war oo kaliya gudbine ay u gudbiso waxyo ku salaysan taclniin oo dadku ka faidaysto”.

Sidoo kale mar la uu ka jawaabayey sual ahayd in dadlku degan yahay dhex dhexaadin caalamku sameeyey awgeed hadaba bal tafaasiil naga sii xaalada dadlku maraayo

“Horta imika xulistii komishanka maadama komishankayagii hore fududeeyeen oo markii la gartay in ay shaqada baneeyaan ay iyana si geesinimo leh ay u baneeyeen xulashada komishanka cusub ayaanu ku jirnaa, komishankaa oo nalaga rabo dhammaantayo aniga oo ah madaxweynaha , xisbiyada iyo cid kasta oo sharcigu siiyay inay cid soo magacowdo shuruudaha looga baahan yahay inay xubnaha komishanku buuxiyaan oo ah inuu qofkaasi dhex dhexaad ku sifoobo, inaanu dambi galin iyo qof xisbi taageera ahayn.”

Mar uu madaxweyne Rayaale ka jawaabayay su’aal iyna ahayd waxa keenay in uu ku celiyay ama diiday xubnihii xisbiyada mucaridka u soo xuleen komishanka cusub ee doorashooyinka,iyo dhaliisha uu u soo jeediyey xubinta kulmiye waxa uu yidhi “Horta Ucid iyagu way soo bedeleen oo way iska dhammaatay, anigana saddexdii aan magacaabayay waa iska diyaar,xisbiga Kulmiye run ahaantii gabadh guddida fulinta ku jirta oo media haba ku wada qoran ayay ii soo gudbiyeen, iyagana wada hadal ayaa nooga socda bal in gabadh kaleba lagu soo bedalo oo qof kale la soo xulo, dhaliilna maahine shuruudihii looga baahnaa waxa la yidhi qofka xubinta komishanku waa inaanu xisbi ka dhex muuqan, markaa anigu waxaan leeyahay xisbi ayay ka dhex muuqataa.”

Madaxweyne Daahir Rayaale oo la waydiiyay aragtidiisa la xidhiidha abaabul balaadhan oo lagu qaban qaabinayo wajigi labaad ee shir siyaasiyiinta ka soo jeeda Sool , Sanaan iyo Buuhoodle shirkaas oo uga furmi doona magaaladda Nairobi ee dalka Kenya , kaasoo la filayo inay kaga hadlaan in doorashada soo socota ay shuruur hor dhigi doona dawlada Somaliland shurudaas oo wax ka tari doonta danahooda sidii ay yeeleen doorashadi Puntlandba arimaha noocaas ahi sideebee saamayn ugu yeelan doonaan doorashada soo socota waxa uu yidhi “Dadka Somalida magaalo aanay joogin dad leh waxaanu aaminsan nahay Soomaliweyn ma jirto ka soo bilaw ta ugu galbeedaysa, ilaa kuwa dhexe gobol kasta waad helaysaa dadleh waanu aaminsanahay , ilayn mar baanu Soomaaliweyn ahayne, horta kuwaas ayuun bay ka mid yihiin qoladaasi Nairobi ku shiraysaa, talladuse waxay ka go’daa kuwa dhulka jooga.”

Mar la waydiiyey in hadii laga guulaysto oo u dumuquraadiyada ah oo nadiif ah uga dagaayo waxa uu ku jawaabay

“Haa, horta doorashada anigaa dalka ka bilaabay, wax kaleba ha la igula murmee doorasho la igulama murmi karo, anigoo siddeed bilood jooga ayaa la igu yidhi saddex sanadood dib ha loo dhigo oo ha laguu kordhiyo, waxaan noqonayaa ninka markaba tiriya ee sida ugu muranka yar u tiriya ayaan noqonayaa.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ka waramay aratidiisa ku saabsan xubinta mar labaad madaxweyne Rayaale dib ugu celiyay waxaanu ku jawaabay

“Anagu waxaanu magacownay gabadh anagoo eegayna Gender ka,waxaanu magacownay gabadh mutacalimad ah oo xilkaas iyo waajibaadkaas ka soo bixi kara wuu duray oo wuu soo ceshay laba jeer ayuu soo celiyay,anagoo waliba kala hadalnay oo ku nidhi gabadhaasi u gudbi golaha Wakiilada, wuxuu nagu yidhi waa xisbigiina waxaanu ku nidhi xisbigayaga ma ahee xisbigayaga waxay ka tagtay muddo hore dano iyo hawlo ay leedahay,angu ka xisbi ahaan waxaanu u aragnaa inay gardaro ku tahay heshiiskii aanu galnay iyo dedejinta hawlaha,waa tan warqadii i hortaala hadda ayaa la keenay,”

Mar la waydiiyey in uu ku adkaysanayo in xubintani uga mid noqto komishanka waxa uu ku jwaabay

“Taas talladeedii hadhow ayay noqonaysa oo waanu ka tashanaynaa imika anigu dhammaadka ku boodi maayo ee waxaan kuu sheegayaa siday wax u dhaceen iyo siday gartu tahay ayaan idiin sheegayaa .”

Mar la waydiiyey Siilaanyo sulaan ka xanaajisay oo si xanaaqleh uu uga jawaabay oo ahayd waxaa la sheegaaa in madaxda xibigiina ee sar sare ay hore uga tirsanaan jireen dawlada hada talada haysaa maadama ay yihiin kuwaas maxaa isbadal ah ee aad keeni kartaan waxa uu ku jawaabay

“Horta barobagando aad adigu samaynayso in nalagu sameeyo mooyaane anaga lanama yidhaahdo taas , dadku way na taageeraan shacabaka anagaaa wadana barnaamij cad ayaanu leenahay waxaanu dawlada ku dhaliilayno way cadahay in aad barnaamijyadayada akhirday mooyee taa aad na tidhi waa la idin yidhaa nalama yidhaahdo oo barnaamij ka duwan ayaanu leenahay barnamij cad ayanu leenahay.Dhalinyaro ayaanu leenahay dumarkaanu leenahay wadooyinkaanu lenahay qarankaanu leenahay badalaada aanu donayno waa isbadal cad oo aanu doonayno in qaab kale oo cad oo aanu dawlada maanta jirta aanu kaga duwanahay .Anaga horta nalama tijaabin oo dawlada maanta jita fashilkeedii wuu muuqdaa ictiraaf may keenin wadooyin may keeni waataa dhalinyaradii bada isku guraysa waa hagbadii dumarkii laga dhacaayo hayadihii waakuwii eryey waxaax oo dhan waanu kaga duwanahay”

Warqabadka Togaherer
Hargaysa

No comments:

Post a Comment