Thursday 15 October 2009

TABABAR LOOGU SOO GABAGABEEYEY CIIDAN KA TIRSAN DFKS OO KA DHACAY DALKA JABUUTI

TABABAR LOOGU SOO GABAGABEEYEY CIIDAN KA TIRSAN DFKS OO KA DHACAY DALKA JABUUTI

Ciidamo ka tirsan DFKS ah ee Soomaaliya ayaa waxaa tababar loogu soo gaba gabeeyey Wadanka Jabuuti halkaas oo muddo bilo ah tababar uga socday.

Munaasabad si heer sare oo loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday magaalada Jabuuti ee Caasimada dalka Jabuuti , waxaana Ciidankaas bilihii la soo dhaafay ay halkaas ku tababaranaayeen.

Munaasabada ayaa ka dhacday Akadeemiyada Xassan Guuleed oo ku taala duleedka magaalada Jabuuti, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socotay Wadamada Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Faransiiska.

Ciidamada tababarka loo soo gaba gabeeyey ayaa waxaa ay gaarayaan 500, oo Askari kuwaa oo ah Boolis. Waxaana lagu wadaa in ay dib ugu soo laabtan gudaha dalka oo ay ka hawlgeli doonaan.

Ciidamadaas ayaa waxaa ay goobta ka sameeyeen dhool tus, waxaana ay sidoo kale soo bandhigeen tababarka ay qaateen iyo qaabka ay uga fa’ideysteen intii uu socday.

Ra’isulwasaaraha Jamhuuriyada Jabuuti Delayta Maxamed Delayta oo munaasabada ka hadlaayey, ayaa sheegay in tababarkaas ay si wadajir ah u fiidiyeen Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Faransiiska, isagoo intaa ku daray in tababarka intiisa badan ay fidiyeen Ciidamada Milateriga ee Faransiiska.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milateriga ee Faransiiska ee saldhiga ku leh Jabuuti oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay tababaro kala duwan u fiidiyeen Ciidamadaas, waxay intaa ku dareen in ciidamadan ay dib ugu laaban doonaan dalkooda ayna difaaci doonaan DFKM ah iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka maanta tababarka loo soo dhameeyey ayaa noqonaysa Ciidankii ugu horeeyey ee Dowlada Faransiiska ay u tababarto DFKM ah, waxaana sidoo kale lagu wadaa in ay dhowaan u bilawdo tababar Ciidan hor leh oo ka tirsan DFKM ah oo cadadkoodu gaarayo (3000) sadex kun oo Askari.

Axmed Kulan

Moqdisho

No comments:

Post a Comment