Friday 16 October 2009

WAA IN SI DEG DEG AH LOO SOO CELIYAA XILKA QAADISTII DAHIR RIYAALE EE LA HAKIYAY IYO KACDOONKII DADWEYNAHA

WAA IN SI DEG DEG AH LOO SOO CELIYAA XILKA QAADISTII DAHIR RIYAALE EE LA HAKIYAY IYO KACDOONKII DADWEYNAHA

Waa in si deg deg ah loosoo celiyaa xilka qaadisti Daahir Riyaale ee la hakiyey iyo kacdoonkii dadweynaha , sababtoo ah way inoo muuqataa inuu heshiiskii lagu cafiyey ka baxayrayi_2

Sida arimuhu u socdaan cid kasta oo wax garad ah oo reer Somaliland ah way u cadahay, marka laga reebo kuwa dano gaar ah oo ay leeyihiin darted u taageera xaqdarada, musuqmaasuqa iyo sharci jabinta Xukuumadu caadaysatay. Daahir Riyaale wakhtigan xaadirka waxa uu ku mashquulsan yahay sidii uu wakhtiga u lumin lahaa maadaama uu si qayrul sharci ah oo sharciga baalmarsan uu wali ugu hawlan yahay ishortaaga sahkhsiyadka xalaasha ah ee ay soo magacaabeen Golaha guurtida iyo Xisbiga Kulmiye kuwaasoo mudo labo week ka badan Daahir Riyaale laga baryayo inuu sida sharcigu dhigayo ugu gudbiyo baarlamaanka shakhsiyaadkaas loosoo xulay inay kamid noqdaan commisionka cusub.

Runtii ma ahayn in lagu mashquulo saxaafad iyo dadweyneba celinta sharci darada ah ee Riyaale ku kacay ee waxay ahayd in lays weydiiyo meeye kuwii isaga looga fadhiyey oo uu ilaa hada awoodi layahay inuu badka soo dhigo. Sababta kaliyihi waxay noqonaysaa Riyaale waxa uu la yahay guulwadayaashii sida uu rabo ugu adeegi lahaa e marka ay commisionka cusub kamid noqdaan.

Sababtoo ah hada waxa laga baqayaa in dadweynuhu ay gacanta wax kaga qabtaan ninkii danbe ee commission ah ee anshax xumadii iyo guul wadayntii kuwii hore sameeyeen oo kale ku kaca, waana taas sababta ugu weyn ee faqash ka hadhka Riyaale magacaabi lahaa ay u baqayaan inay saaxada soo galaan.

Hadii arini halkaas marayso waxaa baahan yahay in xalka laga doono meesha uu ku jiro oo ah waa in Baarlamaanku dhakhso u gudo galaa hawshiisii maamuus ka xayuubinta ee la yara hakiyey iyo waliba kacdoonkii dadweynaha ee ah awooda kaliya ee dalka lagu badbaadin karo. Waan la soconaa daaquudada Riyaale taaggeera ee gudo iyo debedba joogaa in la waayey meel ay ka bexeen labadii week ee kacdoonka dadweynuhu uu aloosnaa iyadoo xataa qaar ay guryahoodii ka carareen qaarkoodna ay iyagoo lugaynaya Jabuuti galeen.

Dadweynaha sharfta leh ee reer Somaliland waxay golaha baarlamaanka Somaliland oo ah golaha kaliya ee si sharci ah ku fadhiya inuu arinka soo dhex galo oo deg deg talaabo u qaado.

Yaasiin Jaamac Cali
UK,London

No comments:

Post a Comment