Thursday 15 October 2009

BURCAD BADHEER SOMALI AH OO AFDUUBAY MARKAB LAGA LEEYAHAY SINGAPORE

BURCAD BADHEER SOMALI AH OO AFDUUBAY MARKAB LAGA LEEYAHAY SINGAPORE

Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowlaysta Xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ayaa waxay qafaasheen Markab kuwa Xamuulka qaada.

Andrew Mwangura oo ah Madaxa hay’adda u qaabilsan Badmaxyada geeska Afrika oo u waramaayay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay in Koox Burcad Badeed oo watay dooni nooca dheereeya ay maanta gelinka hore weerar ku qaaden oo ay qafaasheen Markab u ka babanaayay Calanka Wadanka Singapore.

Mr.Mwangura ayaa sidoo kale sheegay in Markabkaas oo lagu magacaabo MV Kota Wajar ay Burcad Badeedu ka qafaasheen meel 300-meyl dhanka waqooyi ka beegantahay Xeebaha Jaziirada Seychelles ee badweynta Hindiya.

Ma jirto ila iyo iminka warar lagu kalsoonaan karo ama faahfaahsan oo tibaaxaya wadamada ay u dhasheen shaqaalaha markabkaasi saaran.

Burcad Badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwa la soo baxay dardar xoog leh, iyadoo ay bilaabeen in ay weeraro ka geystaan meelo ka baxsan Xeebaha Soomaaliya sida Badwaynta Hindiya.

Asbuucaan oo keliya ku dhowaad 5-weerar ayaa waxaa ay Burcad Badeeda geysteen,iyadoo dhamaantood la fashiliyey, afduubkan danbe ayaa kii ugu horeeyey oo ay ku guuleystaan burcad badeeda todobaadkan.

Kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ayaa xiligan dib hawlahooda u bilaabay kadib markii laga baxay xagaaga oo ay badu degen tahay, isla markaana joogsadeen dabeylaha xoogaleh ee ka dhaca badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

No comments:

Post a Comment