Thursday, 8 October 2009

CODKAAGA KU CIIL BAX (17) “GARI LABA NIN WEY KA WADA QOSLISAA !”

Published on: Oct 8, 2009 18:07

CODKAAGA KU CIIL BAX (17) “GARI LABA NIN WEY KA WADA QOSLISAA !”

Ahmed Arwo

axmed arwo

Maqaalkii hore waxaan ku soo taxay dhacdooyin xidhiidh ah oo si taxane ah dalka uga dhacay ahna kuwii dhalay qalalaasaha siyaasadeed amba dastuur ee Arbacadii 30/09/09 lagu soo gabagabeeyey saxeexa seddexda Guddoomiye xisbi, markhaatina ka ahaayeen bulshada caalamku. Tasoo bidhaamisay hab-dhaqanka maamulaka Riyaale ee ku adag maqalka bulsho-weynta Soomaliland kolka ay u dhego nugul yihiin ajnabiga. Waana astaan ka marag kacaysa sida qaldan ee maamulkani u fahmay cidda uu mas’uulka ka yahay, iyo cidda la xisaabtami karta. Ayaan darro waxa ah in hoggaanka dalka xukumaa uu ummadiisa u arko mid aan istaahilin la-tashi iyo maqal dhawaaqooda. Waxa ayaan daaro ah in la quudhsado dareenka dadweynha xilka u dhiibtay, in loo arko duqonkii ushiisa lagu garaacaayey shacbiga nabadda jecel. Mustawaha lagu qiyaaso dawdlad mas’uul ah oo dadkeeda matasha, waxa ugu horeeya sida ay ugu dhego-nugushay dareenka dadkeeda. Waana sababta loo sameeyey rayi-uruurinta iyo qiimeynta warbaahinta madax-banaan.

Ka gudub oo aan u soo noqdo guda-galka mawduuca maqaalka, intaanan nuxurkeeda u dhaadhicin aan darmada irridda u sii maro dhacdadan qalalaase inta ay bidco ay ku soo kordhisay nidaamka dawladnimo ee dalkeena. Waana kuwan iyaga oo koobanai:

  1. Markii ugu horeysay ee Golaha Wakiiladu la qufulay, ooy xidheen boolis aan ka amar qaadanayn shir guddoonka.
  2. Markii ugu horeysay ee moshinka maamus ka xayuubinta Madaxtooyada ay ansixiyeen Golaha Wakiiladu.
  3. Markii ugu horreysay ee xildhibaan uu bastoolada ula soo baxay Golaha Wakiilada.
  4. Markii ugu horreysay ee shacbiga gadoodsani naftooda u horreen dib-u-furka Golaha Wakiilda,iyadoo laba dhalinyarro rasaasta ciidankii iyaga ilaalinlahaa lagu dilay, Alle ha ka waraabiyo naxariistiisa.
  5. Iyo markii ugu horeysay ee dawlado shisheeye soo faro-geliyeen qalalaasha siyaasadeed.

Waxa iyana aan la iloobi Karin hadalo warbaahinta leysu mariyey:

” Shir-guddoonka Wakiiladu waxay wadaan mashruuc ay cadow uga wakiil yihiin burburinta Somaliland”, Wasiirka Gudaha

” Guddoomiye Sulayman waxuu wada inqilaab uu dalka ku qabsanaayo…” Wasiirka Arrimaha Debedda

” Hadday Guurtidu muddo kordhin ka baxsan lixda qodob een ku heshiinay ansixiso, waxaanu dhisaynaa dawlad wadaag ah oo labada xibi ka kooban: UCID iyo KULMIYE”

MAXAA U DIIDAY IN DHEXDHEXAADINTA GUDUHU NAJAXDO?

Gudiyada is-xilqaamay ee boqolka kor u dhaafay, iyo salaadiinta barbar carartay, iyo culumada soo cumaamatay, maxay u guulaysan waayeen.? Waxa la yaab leh in dhammaan kooxaha is abaabulay ay ahaayeen qaar hadalkoodu isku mid ahaa, oon lahayn wax la taabto iyo meel laga unko heshiis. Waxay kul celceliyaan seddexda xisbi ha heshiiyaan, ha ilaaliyaan nabadda, ha u naxaan shacbiga…waa arrin ka fog dhexdhexaadnimo waxtra leh. Waxay ahayd markay arkeen labada dhinaca inay soo dhigaan qodobo laga doodo ooy labada garab horgeeyaan. Waa sida wax loo heshiisiiyo ee asaaska aha, mana qabo inayna garanayn, ee waxa hortaagnaa weli maan garan…MIddi waa tiradooda iyo isbarbar yaaca oo kolayba ka dhigayaa qaar iyaga laftoodu u baahday dhexdhexaadin. Kamay muuqan dad diyaar u ah inay si dhab ah u gudo galaan hawsha colayskaas leh. Waana ayaan darro in laga waayo garasho iyo geesinimo ay ku soo bandhigaan qodobo ay u arkaan in heshiis ka dhalan karo. Waana taas tan keentay in shisheeye soo farogeliyo, ayna si hawl yar ugu guulaystaan. Qodobada meesha yaal ma aha qaar meel fog laga doonay, waa qaar kal hoerna yaalay, cidda si dhab ah u dhexgashaan ay kolkiiba arkaysay inay yihiin qaar ay labada garab ka iibin karaan.

GARTU LABA NIN MA KA WADA QOSLISAA….

Soomalidu been ma maahmaahdo, oo waa dhab inaan gari labi nin ka wada qoslin, waa se kolka ay tahay gar shakhsi. Garteenu dhaqan ahaan waxay ahayd hanti amba arrin qof leeyahay oo qof kale ku haysto, taas marka la qadaayo, waa gar mid uun ka qoslin karta. Meynaan lahyn gar dan guud inta badan. Danta guud waxa loo baadhaa si ay labada garbba u qoslaan. Waxa ay ka mid tahay garta dad dani ka dhexeyso oo dantii isku qabtay sida sharkad ganacsi oo leysku hayo sida loo maalgaliyo laba mashruuc, iyo dan qaran oo guud inta isku haysaana wada leeyihiin. Waxa dhexdhexaadku doonaa in la helo gar labada garabba ka qosliso.

Go’aanka talada lagu gooyaa waa seddex midkood:

1- Waa mid labada garab ku khasaaraan (Loss/Loss)

2- Waa mid midkood guulaysto (Win/Loss)

3- Waa mid labaduba guulaystaan (Win/Win).

Haddaba Soomaliyey danta Guud raadiya in lagu dhammeeyo go’aan labada dhinac ka qosliya. Kolka taas la raadiyo ayaa nabad iyo naruure la gaadhaa. Danta guud ma aha wax kooxi amba qof leeyahy, oo cidi garteeda gooni u leedahay, waa mid sida keliya ee loo hilaa wanaageeda ay tahay in la helo talo labada is hayaa ka qoslisa. Wey dhici kartaa in kooxi taasi diido, bal se waxa la helayaa inaan la kala qaybsamin ee aqlabiyad culusi ay is-raacdo, taas ayaa ka dhigeysa garabkii gar darnaa inuu jilco oo uu dabco, kuna soo durko dareenka aqlabiyadda.

SIDUU U TAABATAY QALALAASAHAN SIYAASADEED HAYKALKA DAWLADNIMO?

Aan ugu horeysiino ee Madaxtooyadu waxay ahayd tii bilowday qaska. Waxa la baal maray habka aasaasiga ah ee dimuquraadiyada oo ah la tashi iyo talo-wadaag. Arrin kasta oo loo baahanyahay in talaabo cid kale khusaysa la qaadaayo, waxa waajib ah in lagu doono talo-wadaag, waana ta ku qayaxan dastuurka Soomaliland. Isla markaas waxay qayb ka ahayd heshiiskii horaantii sanadkan lagu gaadhay dib u riixa doorashada Madaxtooyada ilaa 27 September 2009. Intaas oo dhan iyadoo la baal maray ayaa Madaxweynahu si badheedh ah u gaadhay laba go’aan oo kala tuuray kalsoonidii lagu qabay inay dhacdo doorasho caadil ah oo xalaal ah. Waxa la eryey hay’addii deeqbixiyaasha uga wakiilka ahayd, waxa isla markaas Madaxtooyadu laashay diiwangelintii, iyadoo lagu dhawaaqay in doorashda lagu geli doono diiwaangelin la’aan. Madaxtooyada oon la tashan xisbiyada ayey haddana ogolaatay dhawaaq ka soo baxay Komishanka doorashooyinka, bal se dhabtii ahaa mid Madaxtooyadu u yeedhisay oo ahaa bilowgii ololaha doorasho ee UDUB ku keliyeysatay. Sidoo kale ayey Madaxtooyadu gilgishay Golayaashii sharcidejinta iyadoo dhex-dhigtay khilaaf curyaamiyey hawshii qaranka, waxana la bir-tilmaansaday shir-guddoonkii labada Gole, waxa loo quudhay cay iyo ceeb aan loo tudhin sharafta shacbiga ee ay hayaan….Waxa lagu sifeeyey qaar qaran-dumis ah iyo qaar inqilaab wada.

GOLAHA WAKIILADA

Waxa raacday ceeb ay magac ahaan wadaagaan, bal se ay dhaliyeen tiro xubno ah oo garab maray anshaxii iyo maamuuskii Golaha. Lixda xubnood ee anshax-marinta la mariyey, waxa ay ka kadoodeen ganaax aan ka badnayn seddex fadhi, waa seddex maalmood. Waxay dhalisay waxii xumaan ahaa ee ka dambeeyey. Kow, waxa golaha dhexdiisa lala soo baxay baastoolad kolkii feedh iyo legdini dhammaatay. Waxa dabo socoday Golahii oo la xidhay, waxa xigtay kacdoonkii dadweynaha damcay inay muujiyaan dareenkooda iyo xaqqa ay u leeyihiin banaanbaxa. Waaxa lagu dilay laba muwaadin oo dhalinyarro ah dinbigooduna noqday “waxaad muujiseen sidaad uga xuntihiin xadhiga Golaha Wakiilada”, Aan u daayo lixda xubnood inay dib u xusuustaan dhacdooyinka ka dhashay sedexdii cisho ee ganaaxa ahaa ee ay ku gacmo saydheen, iyo inay naftooda la xisabtamaan doorka ay ku lahaayeen dhibta dalka gilgishay ee dhimasho, dhaawac, xabsi, Gole xidh iyo halistii qaranku ka badbaaday.

Golahu is canaanay habaaskii ku dhacay is-yidhaahde iska maydha sow Gole fadhiiste, bilaabana la-xisabbtan iyo Hoggaanka sharciga jiidhay aan waajibkeena gudano. “Waxa ina saran xil qaran oo ah daafaca dastuurka ee cidda dar jiidha oon ku soo dabaalno, haddii la diidana aan sharciga la tiigsano.” Golaha Wakiilada waxa saran xil dastuuri ah oo xubin kasta ku waajib ah ha ahaato xubin muxaafid ah amba mid mucaarid ah, waana ta ay ku dhaarteen, IF IYO AAKHIRANA lagala xisaabtami doono. Taasi waa la-xisaabtanka xukuumadda oo ah Golaha Fulinta ee Wasaaradaha iyo Madaxtooyada. Waxa waajib ku ah inay difaacaan dastuurka iyo sharciyada dalka oo ay soo joojiyaan xil-ka xauubin haddii Hoggaanka dalku dastuurka jabiyo. Ma kale leh mucaarid iyo muxaafid. Waa waajib Gole iyo mid gaar iyo fardi u saran xubin kasta. Xisbinimada xubintu waxay shaaqysaa kolka leysku hayo habka wax loo qabannaayo iyo manaasibta marna ma aha mid lagu dhaqmo kolka ay tahay difaaca iyo ilaalinta dastuurka. Taasi xisbi ma kale leh. Waa inay cid kasta oo sharciga jabiso ay wadajir uga hor-yimaadaan iyagoon xisbi kala ahayn. Waajibka qaran ee Golaha saarani ka weyn mid xisbi. Waana sida kaleya ee qaran dimuquraadi ahi ku jiri karo, ku dhisme karo, kuna gaadhi karo nabad iyo badhaade. Weli wey taagantay dhaliisha saran Golaha Wakiiladu ilaa ay gartaan ooy dib nin waliba ugu noqdo xilka loo doortay iyo inay yihiin codka dadweynaha waajibna ay tahay inay ka turjumaan dareenka dadweynaha ay matalaan, iyo hawsha qaran ee ah dejinta sharciyada iyo ilaalinta ku dhaqanka sharciyada iyo difaaca dastuurka ummadda. Taasi waxay keenaysaa in intooda badani iyagoon kala xisbi ahayn ay isla gartaan waxii qaranka duminaaya iyo sharci-jabinta. Aaadmigu ma dhacayso in 100% ay is raacaan. Waana sababta loo soo rogay nidaamka aqlabiyadda. Lagu helimaayo danta qaranka kolka marwalba lagu eego dan xisbi iyo mid ka hooseysa oo degmo amba shakhsi.

GOLAHA GUURTIDA IYO GABAGABEYN

Waxa dhawaaq dheer ka soo yeeday Hoggaanka Guurtida oo dalbay in faraha lagala baxo, inay xisbinimada daayaan, oo noqdaan sida dastuurku qabo dar ka madax-banaan xisbiyada iyo madaxtooyada. Mey najaxin oo shirar duceed laga soo agaasim Madaxtooyada ayaa xilkoodii kala tuuray. Waxa Golaha ka bilaabmay laba mashruuc oo labadaba laga soo abaabulay Madaxtooyada waa kordhsiimo ah hal sano amba laba iyo Shirguddoonka oo hadday taas codeenteeda is hortaagaan lagu ridaayo. Dadkii ay matalayeen odayadu Iyana dhankooda ka bilaabe shirar iyo la-tashi, xisbiyada mucaaradkuna dhankooda ayey ka hawl galeen. Guurtidii Alle waafaji tii toosnayd, kuna hele magac iyo maamuus guud oo ka dhexeeya dhammaan. Waxa hubaal ah in guusha ay dhaliyeen Shir-guddoonku. Waxa ay raaceen heshiiskii lixda qodob ee seddexda xisbi hore u ogalaadeen, kana yimid deeq-bixiyaasha iyo bulshada caalamka ee la jecel Soomaliland horumar iyo nabad.

Waxa meesha ka baxay go’aanadii keli ay Madaxtooyadu u gaadhay iyo badhi-taarkii Komishanka. Waxa la tuuray diiwaangelin la’aan, waxa la daadiyey xubnihii komishanka, waxa is-taagay amar-kutaaglayntii qaloocnayd, waxa rumowday in shacbigu yahay kan ilaashanaaya masiirkiisa, gartayna inay si nabad ah u toosin karaan go’aan lid ku ah dastuurka iyo nidaamka dimuquraadi ee ay u soo halgameen. Waa guul inta keentay iyo intii diidaneedba magacooda kor u qaaday, waa mid Soomaliland maa’muuskii iyo maqaamkii looga bartay ku soo celiyey. Waxa haddaba loo baahan yahay in aan laga seexan rumeynta heshiiska si loo gaadho doorasho xalaal ah oo muwaadinku cidda uu doorto uu talada u dhiibo. Taasi waa bilow ee wadajirka bilaabmay ha la joogteeyo. Ha la soo xulo xubno komishan oo karti, aqoon iyo daacad ah.

Waxaan hambalyo u dirayaa Hoggaanka Kulmiye ee soo xulay haweenay aqoon iyo karti leh isla markaasna muujiyey maqaamka uu u hayo haweenka. Ogow KULMIYE waa xisbiga keliya ee Golaha Degaanka xubin haweeni ku guulaysatay, waa marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ah Mayor Xigeenka Gabiiley, isla markaas waa xisbiga keliya ee Xubin Haween ah loo soo doortay Golaha Wakiilada waa marwo Ikraan Xaaji Daa’uud, maantana waxa uu magacaabay marwo Ilhaan Maxamed Jaamac inay ahaato xubin Komishanka Doorashooyinka ah. Waxa la gudboon haweenku inay xisbiga ugu abaal gudaan taageeradood si ay u muujiyaan in cidda xaqooda marisaa ay abaal heli doonto. Waxa taas raacda in KULMIYE soo jeediyey welina u halgamaayo in la siiyo haweenka kooto doorashooyinka degaanada, waana kii ay si badheedhka ah u diideen xubnaha UDUB ee Golayaasha Sharci Dejintu. Kala mudan ee CODKAAGA KU CIIL BAX.

Komishanka oo manta la wado bedelay iyagu se is-daadraacin isu-casilay warkoodu waa taariikh aynu ka dheregsanay oo hadaladii aan madax iyo minjo kala lahayn ee iyagu sida joogtada ah isu burinaayey waa inoo xafidsan yihiin oo internetka ayey iyagoo qoraal iyo muuqaal ah ka buuxaan, waana kayd aan sal guurayn, bal iyagu dib haysu dhegeystaan. Waxa la yaab leh in Madaxweyahu ku tilmaamay qaar hawshooda si qarannimo ah u gutay lana abaal mariyo. Ma laha Madxaweynaha hawl aynaan ogeen ayey qabteen. Waxa Madaxweynaha wiigan loo arkaayey nin wax fahmay oo iska fogeeyey la-taliyaashii sharka, una soo jeestay inuu hadday suurtagal u tahay dib isu-dhiso, ammaanta Komishanka la eryey waa calaamd ina tusaysa in Madaxtooyadu madaxii ay godka ka soo saartay dib ula noqotay…bal sii akhri maqaalkan amaanta lala kufay ka buuxdo: http://somalilandpress.com/9006/madaxweyne-rayaale-oo-aqbalay-iscasilaadii-xubnaha-komishanka-una-duceeyay/

Waa adigoo iska jira colka Madaxweynaha ag fadhiyey ee isna manta iska gartay, kuwii dhegaha haystay ee isku dirka iyo kala fogaynta u feednaa, kuwa qurbaha tefoonka haysta ee la soo dega shandadaha beentu ka buuxdo, kuwa qandaraas indho-sarcaad ku iibiya kheyraadka dalka,kuwa iyagoo dalxiis ah boonada betroolka dawladda ka qaata, kharshaka hudheelka iyo qaadkana loogu daro, kuwa iyagoo hawl qaran haya shaqadoodu ayna dhaafin UDUB u shaqaynta oo Wasiir leh, oo diplomaasi leh, oo Taliyayaal ciidan leh, oo xataa Garsooryaal leh…Dadweyne wuu fahmay Wasiirka hawshiisa ku fashilay ee UDUB isku qarinaaya.U gunto inaad xejisato xaqqa aad u leedahay inaad CODKAAGA KU CIIL BAXDO iska jir in mar kale CODKAAGU CADOW KUGU NOQDO.

Waa inoo maqaal kale Insha ALLAH.

Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment