Tuesday, 13 October 2009

SIDA DABKA LOO DAMIYO MA NAQAANO EE EE SIDA LOO SHIDO BAAN U BERETANAA!!!

SIDA DABKA LOO DAMIYO MA NAQAANO EE EE SIDA LOO SHIDO BAAN U BERETANAA!!!

SIDA DABKA LOO DAMIYO MA NAQAANO EE EE SIDA LOO SHIDO BAAN U BERETANAA!!!

Waxa aan been ahayn oo uu qof waliba sida cadceed duhur joogta u arkaa, hadana uu diidan yahay in uu runta ka sheego waxa yaabaha soconaaya ee muranku ka jiro, haddii aan wax ka sheego shaydaan oo aan idhaaho wax buu derderaa qaar abu kaate u ah baa odhanaaya kee ma shaydaan waa ba sheekha ugu weyn aduunka muslimka ahe maxaad sheegaysaa, waana kuwa aan weligood aan runta sida ay tahay u marin ee ku meeraysata wax aan jirin, weli miyaad aragteen ruux mucaarid ah oo sheegaaya dhaliilaha ay lee-yihiin, ama muxaafid ah oo ka hadlaaya khaladka ay wadaan, jawaabtu waa maya, laba-duba si aan lahayn xad oo qayru sharci ah bay u garab taagan yihiin oo u saxaan khalad iyo xumaan kasta oo ay sameeyaan, waxana ay weliba sidaas oo ay tahay inoo sheegayaan in ay yihiin kuwo u daacad ah dadka iyo dalka, miyaan ka siisanaa?, qof aan mar qudha koox-diisa u sheegayn khaladka ay samaynayaan?, hadana waa yaabe midka ka soo hor jeeda ku raran, saw maaha maroodigii la yidhi takarta ku taagan marko ee ta ka kale ku joogta buu wax ka sheegaa.

Bal waxad fiiro u yeela-taan kuwa u qiil samaynaaya, ee aan ka xishoonayn markhaatiga beenta, ee intaasu waaba sahale, sharciga (distoorka somaliland) been ku dambaba-saaya, ee leh madax weynuhu waxba ma qaban karo oo xaq uma laha, distoor-kana kama mansuul aha oo awood uu wax ku joojiyo uma laha, ee waa in uu si dhaafiyaa, bal waaya-haye maxaa loo gu gudbinayaa ee toos loogu diri waayey GOLE KU SHEEGA XILDHI-BAANADA aan garanayn waxa loo xil saaray ee ku bedelay in ay iska hor keenaan umada oo kolba kacdoon geeri leh geliya, bal waxa la lee-yahay ha is raacdo’e saw kuwaas maaha kuwo ay inba meel adhi dacawo kaga cuntay, iyaka oo ay sidaas yihiin bay hadana in lee-yihiin waxan ka talinaynaa danaha umada, saw wax lagu qoslo maaha oo caqliga ka weyn in cayn-kaas ay ku andacoo-daan oo ina yidhaahaan umada baan daacad u nahay, sidee bay u dhacaysaa markaas in aan aamino noocyada khaladka taageera ee shurciga u bedesha sida ay rabaan, iyaka oo ay xaq daro ku daba socdaan qayb gaara ah oo ay si uun uga dhul sugaan in waxa ka helaan marka ku soo baxaan xukunka ay xaaraanta iyo beenta ugu gargaarayaan si ay hadhoow wax loogu tuuro ah ciyigii la yidhi waa baa ka beryey.

* Hadaba aan kala saaro mucaaridka’e, markii lagu qayliyey kuwii geliyey madma-doowga heshiiskii ay qaybo badan oo bulshada ahi, sida madax dhaqmeed-yada iyo caalamku ay go’aan khasab ah u kala saxeexeen mushara-xiinta loolamaysa sidan hoos ku qoran baa dhacday:-

* UCID:- Inkasta oo uu la safana xusbiga kale ee ah mucaaridka oo uu markii hore xubin ah kuwii heshiiska laga gaadhay, oo is casishay, uu hadana miiska soo saaray, dabeedna dhegaha faraha la geliyey, la yaabay oo la yidhi, haddii ay is casileen muxuu dib ugu soo celiyey, wuuu ka soo noqday khaladkii oo sidan soo socota buu gartay in ay sax tahay:-

* (a) Wuu bedelay xubnitii KOMISHANKA hore ee uu dib u soo celiyey markii loo sheegay in ay khalad tahay( in kasta oo in yar uu ku jiray), waanu garaw-saday, al-le aamin ma iisho wax kasta oo ku yimaada.

* (b) wuxu keenay mid cusub siddii uu ahaa heshiisku, baanu ku dhaqmay, taas micna-heedu waxa weeye UCID wuxu lee-yahay dhego uu ku dhegaysto shicibka,

* (c) wuu u qabsoo-mayaa wixii umadu ku tidhaaho sidaas maaha ee caynkaas samee, sida imika oo kale isaga oo aan dhan-kaas iyo dhan-kaas midna aan u jeesan, oo aan kolba gees isku qaadin , sheegina wax aan jirin, ee dariiqa la yidhaaho mar buu cagta saaray una fuliyey siddii uu heshiisku ahaa,, khaladka waa la galaa laakiin haddii uu kuu socon waayo waa laga noqdaa, haddii aad garatana iyana waa la saxaa, waana sida uu yeelay UCID imika.

* (d) Waxa uu cadeeyey in ay umadu tahay ta talada siisa ee wax u samaynaayo u go’aamisa, yeela marka ay khalad ama xumaan ku arkaan ee u raaca waxa ay doona-yaan ee aan is giijin marka la faruur xidho,

* (e) Halkaas markaas waxad ka garanaysaa in haddii uu ku soo baxo xukunka uu noqon doono xusbi u hogaansan umada oo ku shaqeeya rabitaan-kooda, wixii ay u diidaana ka baydha, kana amar qaata oo la tashada shicibka xilka uu u qaaday, ee aanu odhan doonin mar hadaan helay maxaa igaga xidhan, sida aan rabo u socdo’e,

* (f) Aan soo koobo UCID’E, haddii uu sidaas u gar qaada-naayo oo ku dhaqmaayo in uu wax ka qaato umada wuxu noqonayaa xusbiga aynu u baahan nahay ee ina wadi kara haddii al-le idmo, waayo umadu wax dhegay-sata bay u bugtaa oo mar qudha dhawaa-qoodu damqaayo.

* KULMIYE:- Waxa uu weli wadaa waa lama arag iyo lama maqal, waayo wuxu si toos ah uga baydhsan yahay oo uu iska indho tirayaa DISTOORKA UMADA u yaala, iyo heshiis-kii loo wada guuxay markii ay wada jir ku saxeexeen, madax-weynuhu isaga baa marka ugu horaysa xaq u leh in uu xaqii-jiyo in ay sharciga ku fadhido iyo in kale waxa kasta oo yimaadaa, haddii uu ogaado in ay wax saxa yihiin wuxu u gudbiyaa gola-yaasha sharciga kolba kii ay tahay in ay iyaku meel maariyaan, amase diidaan, haddiise uu arko in aanay wax sax ah ahayn dib buu ugu celiyaa, oo uu ku yidhaahdaa ma waafaq-sana distoorka ee wax ka soo bedela, hadaba waxad moodaa in uu xusbiga KULMIYE laba boglay-naayo oo uu yahay beerka jecli iyo xaydha jecli kana dhego adaygaayo, wax ku wado shaafala-tayn ku day ah in ay u hir gasho iyo in kale, wuxu keenay xubin ka mid ah golaha dhexe ee xusbiga weli-ba ah kuwa ugu firfir-coon ee safaka hore kaga jira dagaalka, taas oo ka soo hor jeeda distoorka KOMISHANKA oo odhanaaya waa in aanay xubnaha komishanka qaranku sina-ba gacan saar ula lahayn cida ay metelaan ( haddii ay tahay xusbiyo, madaxtoo-yada, gole-yaasha, ahayna qaraabo, xidid mid koodna), saw markaas ma aha khalad badheedh ah oon la qaadan karin, weli-ba waxa la yidhi dameertu geela ha iga didiso’e way ii sii qururuf lee-dahaye uu ku sii adkaysa-naayo, doonaayao-na in uu indhaha faraha ka geliyo dadka oo ka dhaadhiciyo iska badheedh cad, uu kolba derbi isku qaadayaa oo lee-yahay:-

* (a) Madax-weynuhu uma laha daw iyo xaq-toona in uu is hor taago xubnaha ay soo xulaan qaybaha keenayaa, ee wuxu rabaa in uu muran siyasadeed ka bilaabo mar kale dalka, waa yaabe waa kee ka abuurayaa muranka? ma isagaa mise waa madax-weynaha?

* (b) Waxa xaq u leh golaha xildhi-baanada in ay is hor taagaan ( waa sida uu kulmiye ina lee-yahaye), kee baa horeeya madax-weynaha iyo xildhi-baanada?, maxaase loogu soo gudbinayaa haddii aanu xaqba u lahayn, oo aanu sharcigu u ogolayn?, maxaa ugu gudbin waayeen golaha CABIDRAXMAAN CIRO ee bilaa awooda ah ee uu KULMIYE ugu diray xubin-tooddii madax-tooyada?, markee buu sax yahay, ama khalad yahay?, doc ha isugu baydho kulmiye yaanu dhan walba mashqaca ku deyine, oo is odhan bal waxay dhasho eege.

* (c) Markii lagu jiq siiyey ee meel uu ka baxo la’yahay, buu meel kale oo dhiidhi ah lugaha la sii galay, taas oo uu yidhi waxay ka sii maqanayd xubinta uu doortay golaha dhexe mudo laba bilood ah, taas oo aan cadayn loo hayn oo aad moodo in uu ku gasaan-gasayo bal in laga yeelo, mase aha wax looga fadhiyo ee ha is cadeeyo kulmiye, in uu marna yidhaaho wakhtiga bay dawladu dheeraysa-naysaa, marna uu siddii maska kolba xuub cusub la soo baxo, oo uu distoorka daaqada ka laliyo, waa in uu siin iyo saad kala saaraa, oo meel waxa laga garto isi soo taagaa KULMIYE, waa in u is sharaxaa oo FAR WAAWEYN ku qoraaa waxa uu la dhaalacyey-naayo sidan laga yeeli-maayo’e.

* (d) Waxa kale oo iyana ah markhaati ma doon in uu yhay xusbi ay dhegaha dhukay buuxiyey, awday maqalkii, wax gelayaana aanay jirin, waayo haduu wax maqlaayo sida shicibku ku dhawaa-qaayo buu dhego u dhigi lahaa, oo yeeli lahaa, bedeli lahaana xubinta aan ka soconayn, shakhsi ahaan anigu uma jeedo xubinta ee waxan ka hadlayaa distoorku wuxu ibaaxay-naayo iyo wuxu ka soo hor jeedo in uu kala barto xusbigu kuna dhaqmo sida ucid oo aanu is hor taagin maaha in uu la soo taagnaado maya marka wax yimaadaan-ba.

* N.B Daacadi ma hungoowdo, beeni-na lug qudha bay lee-dahay oo marka la qabto bay dhacdaa.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment