Tuesday 13 October 2009

DAGAAL DHEX MARAY AL-SHABAAB IYO AMISOM OO LA SHEEGAY IN GAARI LAGAGA GUBAY CIIDAMADA AMISOM

DAGAAL DHEX MARAY AL-SHABAAB IYO AMISOM OO LA SHEEGAY IN GAARI LAGAGA GUBAY CIIDAMADA AMISOM

breakingnews_optWaxaa dagaal qaraar oo al isku weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan , uu ka dhacay agagaarka kulyadii Jaalle Siyaad oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kuwa ka socda dalka Burundi .

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gaadiid kolonyo oo ay wateen Ciidamada Burundi, waxaana halkaasi la isku weydaarsaday rasaas xooggan, taasi oo socotay muddo kooban.

Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa u sheegay saxaafadda inay dagaalkaasi kaga gubeen Ciidamada AMISOM mid ka mid ah gaadiidka ay biyaha ku dhaansadaan Ciidamada Burundi ee fariisinka ku leh Kulyadii hore ee Jalle Siyaad.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen mid ka mid ah gawaarida Ciidamada Burundi oo Baasuuke lagu dhuftay, islamarkaana gubanaaya, hase yeeshee ma jirto qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka Taliska sare ee Ciidamada AMISOM iyo xitta dhanka Ciidamada Burundi, waxaana maalmahaan dambe magaalada Muqdisho ka dhicin wax dagaal ah oo u dhaxeeya Xoogagga ka soo horjeeda dowladda KMG ah iyo Ciidamada AMISOM tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Magalaada Kismaayo.

No comments:

Post a Comment