Sunday 11 October 2009

SHURUUDAHA LAGA DOONAYO XUBNAHA NOQONAYA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND

SHURUUDAHA LAGA DOONAYO XUBNAHA NOQONAYA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND

mingisteShuruudaha laga doonayo xubnaha noqonaya Guddiga Doorashooyinka Somaliland!!

Oct.2009

Si muranku u yaraado,si loo helo Doorasho xaq iyo xalaal ah,si aanay markale dib ugu dhicin howlaha Doorashooyinku,waxaa fiican in cid kasta oo soo xulaysa xubin guddiga ka mid ahi ay ogaato,tixgelisana shuruudaha laga rabo shaqsiga noqonaya “xubin guddiga Doorashooyinka ah”.

Haddii aan si kooban u dul maro shuraadaha laga rabo xubinta ka mid noqonaysa guddiha Doorashooyinka waxaa ugu muhiimsan kuwan:-

Waa in aanu ahayn:-

1. Waa in aanu ka mid ahayn 3 Xisbi qaran midkoodna,gaar ahaana waa in aanu ka mid hayn Golaha dhexe ee 3 Xisbi midkoodna,xataa waa in aanu hore ugu mid noqonin Golaha dhexe ee 3 Xisbi Qaran.

2. Waa in aanu ahayn shaqsi ku caanbaxay in uu u ololeeyo mid ka ah 3 Xisbi,amase shaqsi lagu yaqaan in uu Xisbi si gaar ah taagero .

3. Waa in aanu ahayn shaqsi leh “BALWAD”,waxaan ula jeedaa in yahay shaqsi aan cunin,cabin amase aan isticmaalin wax “MAANDOORIYE AH”

4. Waa in uu yahay shaqsi laga heli karo inta badan shuruudaha kale ee hoos ku qoran.

5. Waa in aanu ka mid ahayn Guddigii Doorashooyinka ee hore.

6. Waa in aanu dalka iyo dadka wax DEMBI ah ka gelin,Maxkamadna aan hore loo horkeenin.

Waa in uu yahay:-

7. Waa inuu yahay shaqsi reer Somaliland ah,waxaana haboon u yahay shaqsi dalka ku noolaa sanadihii ugu dambeeyey.

8. Waa in uu yahay shaqsi Muslim ah ,yaqaan.kuna dhaqma Diinta Islaamka.

9. Waa in uu yahay,shaqsi ku can ah,aamin,dhexdhexaad ,masuuliyadnimo,deganaan iyo dabeecad wanaag,bulshada dhexdeedana ku leh sharf iyo karaamo.

10. Waa in uu yahay shaqsi leh aqoon fiican oo heer Jaamacadeed gaadhsiisan,weliba waxaa fiican in uu haysto shahaado la xidhiidha howsha uu qabanayo.

11. Waxaa in uu leeyahay aqoon dhinaca Luqadaha qalaad,sababtoo ah ,waxaa uu la shaqaynayaa waxa loogu yeedho “DEEQ BIXIYAYAASHA”,waxaan u jeedaa in ay is fahmi karaan ururada ay wada shaqaynayaan.

12. Waa in uu leeyahay aqoon maamul,waa in uu soo maray”MAAMUL”,waxaan ula jeedaa in uu yahay shaqsi wax maamuli kara,fahansana waxa maamulku yahay.

13. Waa in uu yahay shaqsi fahansan in dhamaanteen aynu wada doonayno Doorasha xaq,xalaal iyo dhaqso ah.

14. Waa in uu yahay shaqsi fahansan in haddii QALAD YAR galo howlaha Doorashooyinka ,in ay keeni karto dhibaato weyn oo dalka iyo dadkaba ku habsata.

15. Waa in uu xafidi karaa,sirta howsha uu gacnta ku hayo,kana ilaalinkaraa in ay si fudud ugu baxdo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba

Hadal iyo dhamaan haddii la helo arimahaas aan kor ku soo sheegay,waxaan filayaa in ay Doorashooyinku inoo qabsoomi karaan,haddii kale xaalku waa DUNDUMO MAYDH.

Mahadsanidin.

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

No comments:

Post a Comment