Friday 9 October 2009

DHAN-XIIR IYO EDEB DARADIISII OO GAADHAY QURA’AANKA KARIIMKA AH

DHAN-XIIR IYO EDEB DARADIISII OO GAADHAY QURA’AANKA KARIIMKA AH

dhanxiir

Published on: Oct 9, 2009 18:42

Wargayska Jamhuuriya waa in ay si degdega uga laabataa hadalka qadaf ka ah ee ku Saabsan Quraanka Kiriimka .Waxa la yaab iyo si lama filaan ah igu noqotay hadal ka gefka ah ee ay jamhuuriya ku qortay qaybta dhanxiirka. Hadalka oo ah runtii hadal aad iyo aad looga damqado oon haboonayn in uu ka soo baxo qof muslim ah ayaa si toosa waxa uu u durayaa quraanka kariimka ah. Dhanxiir amma ninka dhanxiir qoray- inkasta oon aqoonin ninka ka dhex hadla- waa in la horkeenaa sharciga.

Waxa ayana layaab igu noqotay sida ay masuuliyiinta Jamhuuriya ama editorial ka ay u hoosmartay arintani. Bal ila akhri hadaba is bar bar dhiga dhanxiir uu is bar bar dhigayo Faysal oo uu ku til maamaayo qof aan weji loogu soo hagaago lahayn iyo Quraan ka oo noqday Tusaalaha amma hal beega Faysal ku haboon in lagu metelo. Subxaanalaah.

Dhanxiir iyo Ina Cali Waraabe

“Maansha Allaah, Alleylehe, ninkii Faysal Cali-waraabe hada ayuun buu gartay maskaxdii xal waara lagaga gaadhi lahaa deegaanka Ceelberdaale kolhadii uu yidhi, arrinta reer Hargeysaad iyo reer Barigu hala wareegaan, iyagaa og halka nabarku ka bukee, ceesh caala siyaasi lagu dhinto dheh.

Weger; Adeer; Faysal hadalkiisa ma aamino oo erayga afkiisa ka soo baxaba mid kale oo burinaya ayuu ka soo daba tuuraa sidii suuradiihii quraanka ee isnasakhayaye, waxaad ka warrantaa ninkii Rayaale iyo wadaadkii Saleebaan way isku maqan yihiin fiintaa kala dhex miranaysaa la yidhiye tallow maxay iska uriyeen, cajiib”

Goorma ayuu noqday Quraanku mid lagu metelo wax is burinaya. Ma quraanka ayaa is burinaya sida faysal isu burinaaayo? Waa dheel dheel, liidid iyo xaqiraad ay jamhuuriya kula kacday Kitaabka samaawiga ah ee barakaysan. Waa wax iska cad in hadalkaasi hadal xishmad darroo iyo dhaawac ku ah diinta islaamka iyo dadka muslimka ah siiba dadka ku dhaqan Somaliland.

Waxaan ugu baaqayaa maamulka Jamhuuriya in ay hadalkaa sida ugu dhakhsaha badan u tirtiraan, rali gelinna ka bixiyaan, ilahayna u toobad keenaan. Hadii ay sidaa samayn waayaan waa in dawlada siiba wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo dhaamaan culuma awdiinka wadanka iyo cidkasta oo danaynaysa ama ka damqanaysa hadalkaasi in ay ka hawl gasho sidii loo edbin lahaa Wargayska Jamhuuriya iyo dhanxiir(ninka ka dhexhadla) looguna soo dabbali lahaa anshaxa iyo dhaqanka suuban.

Cali Cawaale Cismaan

ccawaale@hotmail.com

Toronto, Canada

No comments:

Post a Comment