Monday 19 October 2009

MADAXWEYNE RAYAALE OO GOLAHA WAKIILADDA ISUGU YEEDHAY SI AY U ANSIXIYAAN XUBNAHA CUSUB EE KOMISHANKA DOORASHOOYINKA

MADAXWEYNE RAYAALE OO GOLAHA WAKIILADDA ISUGU YEEDHAY SI AY U ANSIXIYAAN XUBNAHA CUSUB EE KOMISHANKA DOORASHOOYINKA

RIYAALE1Madaxweyne Rayaale oo shir jaraa’id goor dhaweyd ku qabtay xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhamadeen toddobadii xubnood ee loo soo magacaabay guddida Doorashooyinka isla markaana isugu yeedhay mudanayaasha aqalka Wakiiladda si ay u ansixiyaan xubnahaasi.
Waxaanu madaxweyne Rayaale isagoo faahfaahin ka bixinaya sababta uu shirka jaraa’id u qabtay ku bilaabay :

Waxaan idiin sheegayaa in ay soo dhamaadeen xubnihii komishanka iyadoo walibana aan iskugu yeedhay golaha wakiiladdana shir deg-deg ah si ay arrintaa u dadajiyaan, oo ay u guda galaan. Wixii halkaa ka danbeeyana waxay noqonaysaa in shaqadii sideeda loo gudagalo.”
Intaa ka dib waxa madaxweynaha la weydiiyay su’aalo la xidhiidha komishanka cusub ee la magacaabay iyo xubnihii uu diiday ee ay guurtida iyo kulmiye u soo magacaabeen waxaanay su’aalahaasi u dhaceen sidan:
S.Madaxweyne xubnihii loo soo xulay komishanka ee guurtida iyo kulmiye waad celisay, maxaad ku dhamayseen arrintaa.?
J.Si sharciya ayaan ku wada hadaloo bedelkooddii ayay ii soo direen oo sidaasay ku dhamaatay.
S. Madaxweyne xubintii guurtida ee aad celisay waxa la sheegayaa xubinta aad ku bedeshay inuu hore golahaaga wasiiradda ah uga tirsanaa, xisbigaagana uu yahay oo aad sidaa u qaadatay maxaa arrintaa ka jira?
J. Waxba kama jiraan. Wasiirkana waaban ka eryay, oo haddii aad odhan lahayd ninkaan wasiir ka eryay. Maxaad u malayn qaar badanoon wasiiro ka eryay oo meelahaa iga soo dhagxayeeya waad aragtaan u malaynayaaye inkastoo isagu nin iska akhlaaq wanaagsan uu yahay. Laakiin taasi hawl ka taagani ma jirto.
S. Fadhiga golaha wakiiladda ee aad iskugu yeedhay goormuu qabsoomayaa?
J. Iyagaa qaban doona.anigu waajibkayga ayuun baan gutay.

No comments:

Post a Comment