Saturday 17 October 2009

Safarkii Ardeyda Reer Sudan ee Gobolka Togdheer

Safarkii Ardeyda Reer Sudan ee Gobolka Togdheer

Filed under: Uncategorized — Tags: — Togaherer Team @ 07:54 Edit This

Safarkii Ardeyda Reer Sudan ee Gobolka Togdheer

DAAWO SAWIRADA

Sida la ogyahay wadanka sudan oo ah wadan carbeed ahna wadan afrikaana waa wadanka ugu badan ee arday reer Somaliland ahi wax ka bartaan , ardaydaas Ayaa Sanad walba wakhtiyada fasaxa ah ay ardey Badan oo ka mid ahi ay Dalkoodii Dib ugu Laabtaan , Si ay ugu so qaataan wakhtiyada fasaxa ,

Hadaba , Sanadkan 2009 Ayaa ardeydii Fasax Dalka ku tagtey Qaar ka mid ahi ay Booqasho Rasmi ah ku tageen Gobolka Togdheer , Gaar Ahaan jaamacada Burco , Safarkan oo ay soo Qaban qaabiyen Qaar ka mid ah Maamulka Ururka Ardeyda Reer Somaliland ee Sudan iyo arday kale oo iyana wax kabarta wadanka sudan.

Ujeedada Safarkan oo Aheyd Xogogaal u Noqoshada waxbarashada Gobolka Togdheer Ayaan Waxaa Casuumad Rasmi ah u Fidiyey Ardeyda Maayarka Magaalada Burco Mudane Maxamuud Dhagalaab , Iyo Maamulka Gobolka Togdheer ,

Safarkan oo ay Ardeydu ku Booqdeen Waaxaha ugu Muhiimsan Gobolka Togdheer Sida Dhakhtarka Guud Ee Burco , Warshadaha Taydha , Biyaha iyo Hilibka , iyo Ta ugu Muhiimsaneyd Safarka oo Aheyd Booqashada Jaamacada Burco ,

Jaamacada Magalada Burco oo ku Taal Waqooyiga Magaalada Burco , Waaxda Gobolka , Waxaa Halkaas Ku Soo Dhaweeyey Ardeyda Reer Sudan Maamulka , Macalimiinta Iyo Ardeyda Jaamacada Burco ,

Waxey Ardeydu Booqdeen Dhamaan Waaxaha Ay Ka Kooban Tahey Jaamacada Burco Iyo Kuliyadaheeda Kala Duwan , iyo Beeraha Tijaabooyinka Ah ee Jaamacadu Leedahey ,

Intaas Ka Dib , Waxaa Halkaas Ardey Warbixin ka Siiyey Ku Saabsan Taariikhda Jaamacada , Qeybaheeda kala duwan , Kuliyadaha ay Bixiso iyo waliba Ardeyda iyo Staff jaamacada Madaxa Jaamacada Burco Pro: C/salam Yaasiin

Pro: C/salam waxaa uu Ardeyda uga Waramey Heerka ay gaadhey Jaamacadu iyo Xidhiidhada ay la leedahey Jaamacadaha Kala Duwan oo Aduunka Ah , Gaar Ahaan Wadamad Sudan iyo Malaysia , kuwaas oo jaamacada Burco ay jaamacadaha qaaar ka heshey Schlor Ship isku Jira Master iyo PhD , Waxaa uu Tusaale Ahaan u Soo Qaatey Shan iyo Toban Ardey oo ka Qalin jabiyey Kuliyada Xanaanada Xoolaha ee Jaamacada Burco kuwaas oo Deeq Waxbarasho ka heley jaamacada Khartoum University ee Wadanka Sudan Taas oo Ah Jaamacada Ugu Balaadhan uguna Caansan wadanka Sudan iyo Afrikaba guud ahaan , Taas oo Lagu Tilmaami Karo Talaabo Aad u Muhiima Ah oo ay Gaadhey Jaamacada Burco marka loo eego Jaamacadaha Dalka ,

Pro cabdisalan wuxuu intaa kudaray:

‘’Jamacada burco waxay bixisaa shahaadada bacholarka iyo dibloma dhowr takhasus oo kala duwan ah oo ay ugu muhiimsanyihiin xanaanada xoolaha, businesska, educationka iyo qaar kale.’’

Sidoo kale jamacada burco waxay bixisaa waxbarasho furan oo ay kubixiso xarun gaara oo ka baxsan jamacada dhexdeeda oo kutaal magalada burco badhtankeeda dhismaha siciid dalmash.

Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay shaafici muuse gaafun oo ka tirsan mamulka ardayda sudan wuxuna ka warbixiyay ardayda sudan waxkabarta tiradooda iyo heerka ay kaga jiraan waxbarashada sudan. Shaafici wuxu ku dheeraday ahmiyada ay ledahay isku xidhnaanta ardayda gudaha iyo dibeda si loo xaqiijiyo himilada wax barasho ee dalku higsanayo. Wuxuna ugu hambalyeeyay maamulka iyo ardayda jaamacada guusha ay jamacadoodu ka gaadhay dhinacyo badan oo ay ugu muhiimsantay xidhiidhka dibeda.

Sido kale halkaa waxa ka hadlay axmed maxamed oo ka mid ahaa ardaydii so qabanqaabisay booqashadan oo ka warbixiyay waxbarashada sudan iyo xaalada ay ardaydu ku nool yihiin.

Intaa kadib waxaa halkaas shaahaado ururka ardayda sudan ku gudoonsiiyay madaxa jaamacada burco prof cabdisalaan yaasiin.

Shafici gafun oo magaca ururka prof cabdisalaan ku gudoonsiiyay shahaadadaas ayaa waxa u sheegay inay tahay ujeedada ay shahaadadan u gudoonsiiyeen jamacada burco dadaalka maamulka jamacadu ugu jiro sidii xidhiidho wax tarleh loola samayn lahaa jamacadaha dibeda gaar ahaan jamacada dalalka carabta taas oo ah waxay jaamacada burco dheertay jamacadaha kale ee dalka kuyaal.

Prof cabdisalaan ayaa isna uga mahadceliyay ururka ardaya sudan shahaadadaas ay gudoonsiiyeen waxuna sheegay inay tahay niyad dhisid usuurta galin doonta inay si habsamiya usii gutaan hawsha adage e loo igmaday.

Ugu danbayntii ardaydu waxay booqdeen warshada ilays ee samaysa taydha iyo warshada maaxda iyo saxansaxo ee iyana sameeya biyaha iyo warshada hilibka burco iyo meeela kale oo muhiima oo kuyaal magalada burco sida biriijyada sadexda ahh ee maagaalada iyo beeraha kuyaal debeda magaalada.

Maamulka Ardeyda Reer Sudan waxey U Mahadcelinayaan Maamulka Gobolka Togdheer , Gaar Ahaan Gudomiyaha Golaha Deegaanka Ahna Maayarka Magaalada Burco Mudane Maxamuud Dhagalaab , oo suuro galiyey Booqashadan , oo U Fidiyey Ardeyda Gogosha Martisoorkan,

Fuoad Abdisalam Hassan Haji

Khartoum,sudan

National04@hotmail.com


No comments:

Post a Comment