Saturday 17 October 2009

ADUUNKA AMA KOWNKA(QAYBTII 6AAD) XALAASHA IYO XAARANTA

ADUUNKA AMA KOWNKA(QAYBTII 6AAD) XALAASHA IYO XAARANTA

Filed under: Articles, News English, world — Togaherer Team @ 18:20 Edit This

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu Waxan salaantaa qaaliga ah u tebinayaa Bahda Togaherer iyo Akhristayaasheeda oon u rajeynayaa khayr fara badan.

Adduunka ama Kownka(Qaybtii 6aad)

Xalaasha iyo Xaaraanta

Waxa Eebbe isagaa korreeyee Ummadda u xalaaleeyey ashyaada qaar waxanu ka xaaraantinimeeyey qaar kale,wixii laguu xalaaleeyey waa kuu bannaan yihiin adeegsigoodu,halka wixii lagaa xaaraantinimeeyey aad denbi ka qaadayso haddaad la timaaddo oo samayso ama adeegsato.

Waxa Alle subxaana watacaalaa u banneeyey dadka oo u xalaaleeyey waxyaalo badan :

ياأيها الناس كلوا مما في الارض حلالا طيبا ولا تتبعوا خطوات الشيطان انه لكم عدو مبين….(البقرة)

Aayadda:Dadyohow cuna waxa Arlada ah ee xalaasha wanaagsan ah,hana raacina tallaabada iyo wadada shaydaanka cadaw dhab ah ayuu idiin yahaye.

Waxa Abi Cabdillaahi nucmaan ibnu bashiir laga weriyey Alle ha ka raalli noqdee inuu yidhi waxan maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo leh:Xalaashu waa caddahay,Xaaraantuna way caddahay,waxana dhexdooda ah amuur aan caddayn oo aan dad fara badani garanayn,haddaba kii ka dheeraada waxyaalahaa aan caddayn wuxu bari yeelay diintiisa iyo sharaftiisa,kii ku dhaca waxyaalahaas aan caddaynna wuxu ku dhacay xaaraan,waa sida xoolo jir,ku raacaya xoolaha hareeraha meel seere ah,waxa laga baqaa oo shaki leh in xoolahaasi ka galaan seeraha,waar hooy boqor kasti seere ayuu leeyahay,seeraha Allena waa wuxuu xarrimay,waar hooy jidhka waxa ah waslad haddii ay hagaagto jidhlkoo dhami hagaagayo hadday xumaatona jidhkoo dhami xumaanayo,waar hooy taasi waa qalbiga.

عن أبي عبدالله النعمان بن بشير رضي الله عنهما قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول : ( إن الحلال بيّن والحرام بيّن ، وبينهما أمور مشتبهات لا يعلمهن كثير من الناس ، فمن اتقى الشبهات فقد استبرأ لدينه وعرضه ، ومن وقع في الشبهات فقد وقع في الحرام ، كالراعي يرعى حول الحمى يوشك أن يرتع فيه ، ألا وأن لكل ملك حمى ، ألا وإن حمى الله محارمه ، إلا وإن في الجسد مضغة إذا صلحت صلح الجسد كله ، وإذا فسدت فسد الجسد كله ، ألا وهي القلب ) رواه البخاري و مسلم

Waxa jira waxyaalo Alle xarrimay oo ay denbi tahay adeegsigooda iyo ku ganacsigooda, sida waxa la kala iibsanayo ee bannaan,waxana la reebay oo la xaarantinimeyey ribada ama dulsaarka:

(وَأَحَلَّ اللَّهُ البَيْعَ وَحَرَّمَ الرِّبَا) (البقرة(

Waxa Alle isagaa korreeyee xaaraan ka yeelay ashyaa badan oo ay ka mid yihiin:Meydka,dhiigga,hilibka doofaarka,waxa bisinka Alle waxaan ahayn lagu gawracay,neefka la ceejiyey,iyo neefka wax lala dhaco ilaa uu ka dhimanayo,iyo neefka meel laga soo tuuro ama ka soo dhaca oo dhinta,neefka neef kale herdi ama wax kale ku dilo isna waa xaaraan,iyo neefka uu bahal cuno mid aad gawraca la gaadhaan mooyee,waxa kaloo xaaraan ah neef loo qalay sanam,iyo waxa lagu sameeyey dhaar iy bakhtiyaa nasiib sanamada loo samaynayo,waxaasoo dhami waa fisqi.

حُرِّمَتْ عَلَيْكُمُ الْمَيْتَةُ وَالْدَّمُ وَلَحْمُ الْخِنْزِيرِ وَمَا أُهِلَّ لِغَيْرِ اللّهِ بِهِ وَالْمُنْخَنِقَةُ وَالْمَوْقُوذَةُ وَالْمُتَرَدِّيَةُ وَالنَّطِيحَةُ وَمَا أَكَلَ السَّبُعُ إِلاَّ مَا ذَكَّيْتُمْ وَمَا ذُبِحَ عَلَى النُّصُبِ وَأَن تَسْتَقْسِمُواْ بِالأَزْلاَمِ ذَلِكُمْ فِسْقٌ”(المائدة)

Waxaa la iska xaaraantinimeeyey qofka haddii naf ku kelifto oo uu isku badbaadinayo

Oo aanu wax kale haynin waa u bannaantahay inuu cuno:

“فمن اضطر غير باغ ولا عاد فلا اثم عليه ان الله غفور رحيم”(البقرة) “فمن اضطر في مخمصة غير متجانف لاثم فان الله غفور رحيم(المائدة)

Alle wuxu sharciyeeyey in wax kastoo la cunayo ama la cabbayo ama shey marka la bilaabayo,lagu bilaabo bisinka illaahay:

فكلوا مما ذكراسم الله عليه ان كنتم مؤمنون…. ءاية من سورة الانعام

Aayadda:cuna waxa aad bisinka Alle u qabateen haddaad tihiin kuwo muuminiin ah.

Alle subxaana watacaalaa wuxuu xaaraantinimeeyey in cid aan isaga ahayn la caabudo oo loola shariig yeelo:

” قُلْ تَعَالَوْا أَتْلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمْ عَلَيْكُمْ أَلَّا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئاً وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً “(الأنعام)

Aayadda:waxad tidhaahdaa kaalaya aan idiin akhriyo oo idiin sheego waxa illaahay xarrimay,oo ah inaydinaan wax qudha ugu shariig yeelin,waalidkana waa inaad ixsaan iyo wanaag u samaysaan.

Waxa illaahay reebay xoolaha agoonta in la cuno oo xaaraantinimeeyey ilaa ay korayaan oo maamulka xoolohooda la wareegayaan:

وَلا تَقْرَبُوا مَالَ الْيَتِيمِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ حَتَّى يَبْلُغَ أَشُدَّهُ(النساء)

Aayadda:ha u dhowaanina Agoonta xooleheeda ama maalkeeda arrin macquul ah mooyee ilaa ay ka gaadhayaan awooddooda ay hawsha kula wareegi karaan.

Waxa Alle isagaa korreeyee xaaraan ka dhigay maalka Agoonta markaa ciddii khilaafta amarkaa Eebbe ee cunta maalka Agoonta,waxa calooshooda ku gurayaan naar ayaa Alle yidhi.

ان الذين ياكلون أموال اليتامى ظلما انما ياكلون في بطونهم نارا وسيصلون سعيرا(النساء)

Aayadda:kuwa cunaya maalka Agoonta oo si dulmi ah u cuniya,si kale ma ahee calooshooda ayay naar ku gurayaan oo naar bay cunayaan,waxana lagu ridi doonaa saciira(cadaabka saciira).

Waxa Alle xaaraan ka dhigay khamriga iyo turubka lagu khamaaro,iyo sanamada oo Alle yidhi ka dheeraada waa camal shaydaane.

ياأيها الذين ءامنوا انما الخمر والميسر والانصاب والازلام رجس من عمل الشيطان فاجتنبوه لعلكم تفلحون(المائدة)

Waxa Alle reebay oo xaaraantinimeeyey in xoolaha ama maalka si xaqdarro ah loo kala cuno,iyadoo ah mooyee tijaaro iyo ganacsi dadka dhexdiisa ah oo ay raalli isaga yihiin,Alle wuxu reebayaa in dil la sameeyo,oo la is dilo.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلاَّ أَنْ تَكُونَ تِجَارَةً عَنْ تَرَاضٍ مِنْكُمْ وَلا تَقْتُلُوا أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيماً (النساء)

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebiga rumeyow ha kala cunina xoolaha iyadoo mid ganacsi dhexdiina ah oo aad raalli isaga tihiin uu yahay mooyee,nafihiinnana ha dilina,Alle waa mid idiin naxariis badane.

Waxa laynoo caddeeyey qofka dumarka ahi markay xayd leedahay in laga dheeraado,

Oo marka daahir noqoto keliya loo tegi karo :

ويسئلونك عن المحيض قل هو اذى فأعتزلوا النساء في المحيض ولا تقربوهن حتي يطهرن فاذا تطهرن فاتوهن من حيث امركم الله ان الله يحب التوابين ويحب المتطهرون(البقرة)

Aayadda:waxay ku warsanayaan ooy ku weydiinayaan xaydka hawayneyda leh sida loola dhaqmayo,ku dheh,waa dhibe ka fogaada dumarka xaydka leh,oo ha u dhowaanina ilaa ay daahir noqdaan,hadday daahir noqdaan,halkii Alle idin amray ee idiin banneeyey uga kaalaya,Alle wuu jecel yahay kuwa toobadda badan ee is daahiriya.

Waxa Alle innaga xaaraantinimeeyey wax kasta oo dhib iyo xumaani ku jirto,oo waxyeello u keenaya saafinimadda insaanka sida sinada,oo qofka sameeya ee Alle amarkiisa dhaafa way ka muuqataa intaanu xisaabta aakhiro gaadhin,waxay sidoo kale u gudubtaa ehelkiisa oo waa wax Alle laga magan galo sameynteeda.

Your browser may not support display of this image. وَلاَ تَقْرَبُواْ الزِّنَى إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاء سَبِيلاً Your browser may not support display of this image. (الإسراء)

Aayadda wuxu illaahay ku odhanayaa ha u dhowaanin sinada waa faxshi xun waana waddo aan wanaagsanayne.

Illaahay isagaa korreeyee wuxuu isagu xalaaleeyo cidinna ma xaaraantinimayn karto oo ma aha hawadooda ee sharci Eebbe:

“قل منْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وطيبات من الرزق…”

Aayadda:waxad tidhaahdaa ayaa xarrimaya quruxda iyo arsaaqda xalaasha ah ee Alle u soo dejiyey addoomadiisa.

Illaahay isagaa korreeyee isagoo sifaynaya dadka wanaagsan ee raacay waxa Alle u xalaaleeyey kana dheeraaday waxa Alle ka xaaraantinimeyey

“وَالَّذِينَ لَا يَدْعُونَ مَعَ اللَّهِ إِلَهًا آَخَرَ وَلَا يَقْتُلُونَ النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَا يَزْنُونَ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَلِكَ يَلْقَ أَثَامًا يُضَاعَفْ لَهُ الْعَذَابُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَيَخْلُدْ فِيهِ مُهَانًا إِلَّا مَنْ تَابَ وَآَمَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَالِحًا فَأُولَئِكَ يُبَدِّلُ اللَّهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَحِيمًا”.

Aayadda:kuwa aan Alle la wadaajinayn cibaadada cid kale,ee aan dilayn naftii Alle ka xarrimay xaq inay ku dilaan mooyee,ee aan sinaysanaynin,

Ka arrinkaa sameeyaa danbi ayuu ku dhacayaa,oo Alle cadaabka wuu u labanlaabayaa qiyaamaha wuxuna cadaabkaa ku waarayaa isagoo yasan oo xaqiran,qofkii isagu toobad keena ee sameeya camal wanaagsan,waxa

Alle xumihii ugu bedelayaa wanaag,Alle waa denbi dhaafee waana naxariis badane.

Waxa Alle subxaana watacaalaa inoo xalaaleeyey waxyaalo sugan oo inoogu cad Quraanka iyo Sunnaha waa inaynu ku dadaalnaa inay wax kasta hubaal iyo garasho u fulino oo u haysanno daliil cad oo innaga caawinaya arrinkaa,waayo waxkasta ama ha yaraadeen ama ha weynaadeene waa wax laguu qorayo samo iyo xumaan waxay leeyihiin,markaa gacantaada iyo calooshaada iyo xubnaha kaleba ka dheeree xaaraanta aan Alle kuu bannayn oo kaga kaaftoon waxa Alle kuu banneeyey ee kuu xalaaleeyey:

Xeerka aan la dhaafayn

Xaakimow Allaa dhigay

Xalaal wuxu ka yeelee

Xaajada aad ku gudaney

Xamdigii illaahiyo

Xusuusnow wanaaggaa

Xaaraan wax laga dhigay

Xayndaabka loo xidhay

Xilkasnimo u garo oo

Xaggiisaa ka dheerow

Xoolaha dad kale iyo

Xaqanaaska iska dhawr

Xadka adiga kuu yaal

Xikmad iyo ku raac xeel

Xeeriyoo ha xayirmine

Xalaal quute noqo’oo

Xaaraani yay iman

Xaasha’e ka dheerow

Xukunka Eebbe raacoo

Xadka adiga kuu dhigan

Xeerkiisa dhawroo

Xamdi Eebbahaa lehe

Xejiyoo ha sii dayn

Xaraf keliyi yuu lumen

Xoog saar ku dhaqankiis

Xulashadaad samaynay

Xalaashaa bannaan iyo

Xaaraantaa la reebayba

Xad ha kuu lahaadeen

Xuub yaanu fuuline

Xikmad iyo u raac xeel.

Iyo xeerka loo dhigay.

Waxan Alle ka baryaynaa inuu inaga dhigo xalaal quutayaal oo inaga yeelo kuwa xukunkiisa iyo xeerkiisa raaca eek u dhaqma Aamiin.

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w

No comments:

Post a Comment