Saturday 3 October 2009

RIO OO KU GUULEYSATAY MARTIGALINTA CIYAARAHA OLYMPIC DA 2016 IYO CHICAGO OO WAREEGII U HOREEYEY LA REEBAY

RIO OO KU GUULEYSATAY MARTIGALINTA CIYAARAHA OLYMPIC DA 2016 IYO CHICAGO OO WAREEGII U HOREEYEY LA REEBAY

Rio 2016
COPENHEGAN: Waxaa Xarunta guddiga Olambikada Adduunka magaalada Copenhegan ee dalka Denmark lagu qabtay doorashada magaaladii martigelin lahayd Olympic Games 2016 kaas oo ay musharaxiin ay u ahaayeen magaalooyinka Tokyo (Japan), Chicago(USA),Madrid(Spain) iyo Rio de Jeneiro (Brazil) .
Waxaana doorashadan ayaa u dhacday si layaab leh iyadoo magaalooyin la hadal hayay ay durba wareegyadii hore ay meesha ka baxeen sida Chicaco (USA) Tokyo (Japan) oo iyagu wareegii hore ku haray .

Doorashadan oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin sare oo ka kala socotay Olympic-da Caalamka iyo madaxda sare ee dalalka u tartamayay doorashadan sida Mareykanka iyo Brazil.

Madaxweynaha IOC Jacques Rogge ayaa u mahadceliyay Rio de Janeiro in loo doorto magaalada martigelin lahayd ciyaaraha Olambikada Addduunka sanadda 2016 isagoo u rajeeyay inay mujiiyaan karti iyo horumarin Olympic Games-ka wuxuuna sheegay in ay tahay markii ugu horeysan ee koonfurta America lagu qabanayo tartankan , Rogge ayaa sidoo kale u mahadceliayay magaalaooyinka Chicago (USA), Tokyo (Japan) iyo Madrid (Spain), “Waan ka xumahay waxaa jiri lahaa hal Guuleyste waxaan idinka mahadcelinayaa waxa aad soo bandhigteen iyo dadaalkiina ku aadan doonista martigelinta Olympic Games” sidaas waxaa niyadda ugu qaboojiyay magaalooyinkii guuldareystay madaxweynaha IOC Jocques Rogge.

Brazil 2016
Natiijooyinka:

WAREEGGA 1 :
MADRID: 28
RIO DE JANEIRO: 26
TOKYO: 22
CHICAGO: 18

WAREEGGA 2:
RIO DE JANEIRO: 46
MADRID: 29
TOKYO: 20

WAREEGGA 3:
RIO DE JANEIRO: 66
MADRID: 32

No comments:

Post a Comment