Friday 2 October 2009

GAR DIID WAA AL-LE DIID W/Q ABDI SHOTALY

GAR DIID WAA AL-LE DIID W/Q ABDI SHOTALY

Oct 3, 2009 8:01
SHOTALY
GAR DIID WAA AL-LE DIID

Sama diid iyo dantii maraate aanay u muuqan rabitaanka umadu, mid is giijiya iyo madax adayg, qas wade rebshed abuur ah, xume talis ay qabyaaladi hoos gurguura-nayso, misana ciiro isku qarinaaya oo isu keen tusaaya XAQ U DIRIR,aanay ka dhab ahayn SOMALILAND-NIMADU ee dabaal jogtayn iyo mijo xaabin qarsoon, dabin hoos intaas xidhaaya kuwaas oo ka hor imanaaya isku dayga loogu jiro in meel la isugu keeno madaxda xusbiyada ku loolamaysa doorashada wakhti dhaaftay ee aan mudo loo cayimin ka dib markii ay soo dhex galeen dhexdhe-xaadinta gudiyada isu xil qaamay kana midhio dhaliyey, taas oo curyaamisay adeegyaddii umada loo qaban lahaa , kelif-tayna in aan labaddii sano ee ugu dambeeyey waxa hadal haya-ba aan la arag danta dalka iyo dadka, markii ay ka bixi wayday is haysad iyo kala lulad kaladh-ka la is qabsado , iyo daba ka wareeg la iskula meeraysto wax ah uun KURSI RAADIS ah laakiin aanay farsamo kale oo laga fekeraa meesha oolin isku taagni
mooyaane.

Maanta waxay maraysaa meel ay is mari la’aan-tooddii la soo gabaga-beeyey sadexdan cifriid SIILAANYO, QORATO ( waa faysale), IYO GOODAADO ( waa riyaale) oo ay timi in umadu ay aaya-heeda ka tashato, oo ay soo dhex galaan, qaybaha bulshada oo dhan gudi ka koobani, markii ay kala saari kari waayeen, kuwii aynu u dooranay ee ahaa goleha lagu magacaabo xildhi-baanadu oo halkii ay ahayd in ay xal keenaan iyaka laftoodii fooda isu sii geliyey hawgu daraado GUDOOMIYAHA XILDHIBAANADA ( waa ciro’e), noqday cad aad iyo u jilicsan, oo aan ka soo bixi karin ama qaban karin mansuuli-yaddii garbaha loo saaray, shicib-kuna ku guul daraystay fullinta xilka loo egmaday, lana ogaaday awood la’aan-tiisa uu wax kale daayoo isaga lagu shaqaystay, kalana guri kari waayey xildhi-baanada u kala baydhay xusbiyaddii ay ka soo jeedeen, iyo beelo, ilaa imkana aan rajo lahayn muuqata oo uu ku mideeyo golaha uu ku maga-caaban yahay in uu isku sii soofeeyo mooyaane. waa
yaabe markii uu
golaha guurtidu dhameeyey, baad arkay seen oo weli leh xildhi-baano ku sheega u fooda labaddii MOOSHIN ee iska soo hor jeeday, mar ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen bay yidhaaheen waa la tuuro, waasse goorma WAA WAKHTI UU CIYIO WAA KA BERYAYE.

Waxa muhiim ah hada-ba in la xuso golaha GUURTIDA kuwaas oo ah, raggii madaxu uu ku cadaaday ee jeeniga ku soo dhuftay wakhtiyo kala gedisan, kuwaas oo fahansan si run ahna u soo arkay oo kala garanaaya waxa ay colaadi keento, nabadi tarto, xumaani soo kordhiso, wanaag dhalo, jecel xasiloo-nida iyo deganaan-shaha, WAA GUURTIDA’E 1960s baa ILAAH ha u naxriisto’e uu tiriyey TIMA-CADE tixda la yidhaaho WAAYO’ARAG, in yar aan idinka taabsiiyo’e waxay si cad oo aad adigu akhristoow ka markhaati kacaysid imika marxaladan ay golaha GUURTIDU badbaadi-yeen dalka iyo dad-kaba ka hadlasa sida uu WAAYEELKU u fekero ee ay maskax-doodu siiso mudnaanta yaan ku talax tegegine waatan tixddii:-

Wershdaha sidooddii, hadaan waayir ka cisiiyo,
wanaag kama dhex dhaco, reer hadaan ururin waayeele,
waa-yahay hadaan lays lahayn, waa wax kuma taale,
isma waafaqaan wiil yar iyo, waalidkii dhalaye,
iyadoo is wada weyday baa wiida loo ridiye,

Waxan filayaa, ta shalay waa 30/09/09 oo ARBCA ah ay saxeexeen sadexda xusbi, maaha wax ay guusheeda lee-yihiin caalamku ee waxa iska leh oo khasbay ku meel mariyey, sandule-na kaga dhigay, SIILAANYO, QOROTO ( faysal), IYO GOODAADO ( riyaale), waa MDAX-DHAQMEEDA-DA, IYO GUURTIDA oo u laba dib laystay ka jibo keenida is maan dhaafkii dhacay oo aan hadh iyo habeen midna aan ka seexan,, maaha in LIBTA LA SIIYO SHISHEEYE, OO LAGA QAADO kuwii lahaa, waxan nahay SHISHEEYE CAABUD, aan iyaku wax isu ogalayn marna.

Sidaas awgeed ninka diida dhexdhe-xaadinta uu aqbalay, oo ay wax ka soo noqdaan, ee ku khasba-naan waaya, iska dhego tira, in ay umadu ka hor iman doonto, kuna waayi doono ama ay dib isaga taagi doonaan taageera-yaal fara badan oo uu watay markii hore, lana ogaan doono in uu yahay ka wada dhibaatada, ee aan ogolayn xalkii lagu samata bixiyey ee ahaa sama raadinta khilaafka siyaasa-deed ee ka aloosmay qaba-shada doorashada oo ilaa imika la wado siddii loo cayimi lahaa wakhtiga ku haboon marka la isla eego, is qab dhaafna ku jiro iyo ANAA AMIIR, WA ANTA AMIIR MAN YASUUQAL XIMAAR, taas weli aan lahayn dameerka cidi gaxayn lahaa ee ay wada jecel yihiin in ay noqdaan kuwii lagu gaxayn lahaa, waa ta abuurtay in geeri iyo dhaawac yimaadaan oo qoysas ku gobla-maan wax aan sakaaro ka biirsan iyo waran-waran ka hor gee, cirka ka soo leef, waxba yaan ku tumane aniga oo aan cid gaar ah ujeedin ama aan carabka ku dhufan, waxan ku khatimay maqaalkan, nin
kasta oo hir gelinta lixdan qodob dib isaga soo taaga waa in aan ka tashanaa, oo uu ka shubaa, dibna aanu u soo noqon kuu doono-ba ha ahaadee, haduu xusbi u sareeyo iyo haddii uu madax-weyne yahay-ba, waxa ay taladu maanta gacanta gu jirtaa qaybaha bulshada somaliland iyo madax dhaqmeed-yada, go’aanka ay gaadhaana waa in uu ahaadaa mid hir gala, kii diidaana dabaal noqdaa.

* N.B Danays-toow duugaagu waa dedelaad aan dacwo lahayn.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment