Saturday 3 October 2009

CALI MAXAMED DIIRYE OO SOOMALI AH OO DAWLADA CANADA KU EEDEEYSAY ARAGAGAXISNOMO OO AY XUKUNTAY

CALI MAXAMED DIIRYE OO SOOMALI AH OO DAWLADA CANADA KU EEDEEYSAY ARAGAGAXISNOMO OO AY XUKUNTAY

Oct 3, 2009 15:14
Wasaarada arimaha dibadda ee dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in ninkani Soomaaliga ah ee iminka xukunka lagu riday oo lagu magacaabo Cali Maxamed Diiriye uu ahaa eedeeysane ay ku tuhmayeen falalka laxidhiidha in weeraro Argagixisinimo ah uu ka fulinay gudaha dalkaasi .
SOMALILA XUKMAY CANDA

Cali Maxamed Diiriye oo ay maxkamadu sheegtay in lahayo cadeymo dhab ah oo muujinaya in uu Qaraxyo ka maleegayey gudaha dalkaasi cadeymahaasi oo ay kamid yihiin in hub si sharci daro ah uu kusoo geliyey gudaha dalkaasi ayaa lagu xukumay 7 Sano oo xadhig ah.

Inkastoo xukunka ay Maxkamadu riday ayadoo sheegaysa inay heyso cadeymo dhab ah ayaa hadana Cali Maxamed Diiriye uu dafiray dhamaanba eedeeymaha loosoo jeediyey iyadoo sidoo kalena eheladiisu ay sheegeen in wiilkooda muddo fo ku noolaa dalka Canada aysan ku ogeyn dhamaanba waxyaabaha lagu eedeynayo islamarkaasna uusan wax lug ah ku lahayn.

War murtiyeed ay arintani kasoo saartay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Canada ayaa sidoo kale lagu sheegay in la wado baadhitaano arimahani laxidhiidha kuwaasi oo lagu samaynayo shaqsiyaad kale oo isla dalkaasi ku dhaqan oo iyana lagu tuhmayo falal kuwan la halmaala oo iyana hadii cadeeymo lagu helo sidan oo kale sharciga lala tiigsan doono.

No comments:

Post a Comment