Saturday 10 October 2009

RIYAALE OO DIB U SOO CELIYAY XUBINTII AY KOMISHANKA U SOO MAGACAABEEN XISBIGA KULMIYE ,IYO KULMIYE OO KA JAWAABAY SOO CELINTA

RIYAALE OO DIB U SOO CELIYAY XUBINTII AY KOMISHANKA U SOO MAGACAABEEN XISBIGA KULMIYE ,IYO KULMIYE OO KA JAWAABAY SOO CELINTA

Published on: Oct 10, 2009 16:00
KULMIYE
Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa maanta jawaab ka bixiyay Qoraal uu isla maanta Madaxweyne Daahir Rayaale ku soo celiyay xubintii Xisbiga Kulmiye uu u magacaabay xubnaha cusub ee Komishanka Xubintan ayaa ahayd Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac.
Qoraalkan jawaab celinta ah oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa u dhignaa sidan:

“Mudane Madaxweyne,

Tixraac warqaddaada sumaddeedu tahay JSL/M/GXK/009, ee ku taariikhaysan 10/10/09, kuna saabsan soo celinta dhinacaaga ka timi ee Xubinta Xisbiga KULMIYE u soo xulay KDQ Marwo Alhaan Maxamed Jaamac.

Haddaba, Mudane Madaxweyne, kuma hayno shuruucda dalka meel awood kuu siinaysa inaad kala shaandhaysid xubnaha loo xulayo KDQ, taasoo cidda keliya ee sharcigu awood u siiyey tahay Golaha Wakillada JSL.

Sida ku cad waraaqdaada xogta aad u cuskatay inaanay Xubintaasi (Alhaan) buuxin shuruudaha, maaha mid ku salaysan xog-ogaalnimo.

Laga bilaabo Shirweynahayagii Hargeysa March, 2008, iyo kii Golaha Dhexe ee Xisbigayaga Burco August, 2008, waxa jira xubno muhiim ah oo ka mid ahaa Guddiga fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ka tegay Xisbiga, kuwaas oo qaarkood Ururo furteen, qaarkoodna Xisbigaaga ku biireen, qaar kalena danohooda gaarka ah uga tageen Xubinnimadii Xisbiga, kuwaas oo ay ka mid ahayd Alhaan Maxamed Jaamac, eeg lifaaqa la socda qoraalkan.

Mudane Madaxweyne, waxaan kaa filayaa inaad ku qanci doonto qoraalkeygan.

Sidoo kale, Mudane Madaxweyne waxaan kaa rajaynayaa in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku noqon kara habsami-u-socodka heshiiskii lixda qodob ka koobnaa.

Waxaan kaa rajaynayaa inaad Xubnaha Komishanka sida ugu dhakhsaha badan ugu gudbiso Golaha Wakiillada si ay waajibaadkooda sharci uga gutaan. “

No comments:

Post a Comment