Monday 12 October 2009

“MUCAARADKA DHEXDIISA WAXA KA SOCOTA DOOD AH IN LA DHISO DAWLAD WADAAD AH “M.RASHIID

“MUCAARADKA DHEXDIISA WAXA KA SOCOTA DOOD AH IN LA DHISO DAWLAD WADAAD AH “M.RASHIID

“Mucaaradka dhexdiisa waxa ka socota dood ah in la dhiso dawlad wadaag ah”

Murashaxa Madaxweyne-xigeenka UCID
UCID KUOMIYE_opt(2)
Hargeysa (Ogaal)- Murashaxa Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, ayaa sheegay in ay jiraan wada-hadallo iyo doodo ka dhex socda labada Xisbi Mucaarad ee KULMIYE iyo UCID oo la xidhiidha in haddiiba mid ka mid ah Mucaaradku uu talada dalka ku guulaysto, la soo dhiso Dawlad wadaag ah oo ka kooban labada Xisbi Mucaarad.

Murashaxa Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo shalay u waramay Laanta Afka Soomaaliga ah ee Idaacadda VOA, oo uu marti ugu ahaa Barnaamijka Wicitaanka Dhegaystaha oo ay qaar ka mid ah Dhegaystayaasha Idaacaddu su’aalo kaga soo waydiiyeen meelo kala duwan oo Dunida ah, ayaa sidoo kale ka hadlay qorshahooda xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland.

Murashaxa Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga UCID ayaa dhegayste kala hadlay Hargeysa waxa uu waydiiyay su’aal u dhignayd sidan, waxa laydinku xantaa in Hoggaanka Xisbigiinu uu hadba dhinac taageero oo aanu go’aan joogto ah lahayn, taa maxaa idiinka qorshaysan in aad ka bedeshaan?. “Horta, had iyo jeer anagu aragtida dadka oo ay ka mid tahay su’aashaa muhiimka ah ee aad na waydiiso waxaanu aaminsanahay in aanu maqalno..Fule Xantii ma mooga ee waanu ognahay xantayada oo waa runtaa in sidaa la yidhaahdo. Anaguse u malayn mayno in aanu isbed-bedel in leenahay. Waxa laga yaabaa in ay taasi tahay in aanu anagu mar haddaanu doonayno in aanu umadda run u sheegno aanu tusaale ahaan haddii dawladdu ay qaldan tahay aanu u sheegno (shacabka) in Dawladda la fogaado, haddii Xisbiga kale ee Mucaaradka ahi uu qaldan yahayna aanu qaadano afkaar aanu ku badbaadinayno dalka. Markaa halka isbed-bedelka lanagaga xantaa halkaas weeye.” Ayuu ku jawaabay Maxamed-Rashiid.

Nuxurkeedu ahaa in haddii UCID uu ku guulaysto Doorashada ay iyaga iyo KULMIYE wada-jir u dhisayaan Xukuumad ka kooban labada Xisbi, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, dooddaasi waa Dood labada xisbi dhexdooda ka socota, waayo waxaad laa socotaa in Siyaasaddii dambe ee Somaliland aanu lahayn (Labada Xisbi Mucaarad) taageero iyo xidhiidh fiican lahayn, si aanu meel uga soo wada-jeedsanno danaha Somaliland iyo cidhiidhi badan oo nagaga yimi Xisbiga talada Dawladnimada haya (UDUB). Markaa taasi kollayba halkaasay ahayd. Dhinac markaad eegto, laba Xisbi baanu kala nahay oo Xisbi waliba wuxuu leeyahay Siyaasaddiisa iyo Barnaamijkiisa gaarka ah. Laakiin, way jirtaa in haddii ay daruuri noqoto oo aanu markaa u aragno inay faa’iidada waddanka iyo dadka labada Xisbiba taageera ay sidaa ku jirto, dabcan waa wax la eegi doono. Waana dood jirta oo labada Xisbi gudo iyo dibedba ka dhex socda weeyaan.

Sidoo kale, waxa la waydiiyay Maxamed-Rashiid in haddii Xisbigoodu ku guulaysto talada dalka waxa u qorshaysan inay ka qabtaan xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti oo la sheegay in Guddoomiyahoodu dhawr jeer weeraray. Waxaanu kaga jawaabay oo uu yidhi, “Anigu ma ogi mar uu Guddoomiyaha UCID uu weeraray Jabuut, laakiin kollay waxaad ogaataan in Jabuuti aanu jaar nahay oo dadweynaha labada dal ay ehel iyo walaal yihiin. Markaa haddii arrimaha Siyaasadda dhinac laga wada arki waayo marmarka qaarkood, waxa xaq ah in labada dal oo walaalo ahi la wada hadlo..Kollayba anagu UCID ahaan haddaanu talada qabano xidhiidh wanaagsan ayaanu la yeelanaynaa Jabuuti. Imikana, waabanu la leenahayba oo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale madaxda ka yahay waa Dawladdayadii oo xidhiidh wanaagsan bay leeyihiin. Markaa Axsaabta Mucaaradka ahi halkaas ayay ku jiraan oo iyaga ayaa naga wakiil ah.”

Ogaal

No comments:

Post a Comment