Monday 12 October 2009

LIISKA XILDHIBAANADA GUURTIDA KU SOO GALAY IYO ODAYAASHII RUG-CADAAGA AHAA XUBNAHA KURAASIDOODI KU FADHIYA Q 2AAD

LIISKA XILDHIBAANADA GUURTIDA KU SOO GALAY IYO ODAYAASHII RUG-CADAAGA AHAA XUBNAHA KURAASIDOODI KU FADHIYA Q 2AAD

Cadadkii shalay ee wargeyska Haatuf waxa ku soo baxay qormadii xiisaha badnayd ee aanu ka diyaarinay liiska xildhibaanada golaha guurtida ee dhaxalka ku soo galay iyo odaytaashii beeluhu ku soo doorteen shrweynihii 1997-kii ee caasimada Hargeysa lagu qabtay lahguna soo dhisay guurtida intii geeriyootay raga kuraastoodii dhaxlay, waxananu halkaa idiinka sii ambaqaadaynaa liiska magacyada xildhibaanada dhaxalka ku soo galay iyo midkastaa siyaabaha uu ku soo galay golahaasi iyo cida uu kursiga ka dhaxlay:guurtida-sl

25. Marxuum Cali Duule, oo ka mid ahaa ergadii ay beesha Saylac u soo igmadeen kuraastooda golaha guurtida oo geeriyooday waxa kursigiisii dhaxal ugu fadhiya xildhibaan Axmed Daahir Jirde, oo ka mid ah xildhibaanada beesha Saylac.

26. Marxuum Cali Ogaal oo ka mid ahaa odayaashii beesha bariga Burco, waxa isagana kursigiisii dhaxal ugu fadhiistay xildhibaan Axmed Dirir Cali, oo ka mid ah xildhibaanada beesha bariga Burco ee golahaasi.

27. Marxuum Aw Jaamac Saban oo ka mid ahaa odayaasha beesha bariga galbeedka iyo woqooyiga Hargeysa ay u soo xusheen 97kii golaha guurtida waxaa kursigiisii golahaasi dhaxal ugu fadhiya, Sheekh Khaliif Sh Xasan Gudaal oo ka mid ah odayaasha waaweyn ee rug-cadaaga guurtida.

28. marxuum Cismaan Cali Bile, oo ka mid ahaa ergadii beesha Saylac ay usoo xulatay guurtida waxaa kursigiisii dhaxal ugu fadhiya xildhibaan Axmed Maydhane Shibiin oo ka mid aha xildhibaanda beesha Saylac ugu matala golahaasi guurtida.

29. Marxuum Cali Cumar Axmed (Cali dheere) oo ka mid ahaa ergadii beesha Sool usoo xulatay saamigooda kuraasta guurtida, waxa isagana kursigiisii ka dhaxlay walaalkii xildhibaan Xasan Cumar Axmed, oo ka mid ah xildhibaanda beesha Sool ee golahaasi.

30. Xildhibaan Sh C/raxmaan Maxamed Muuse, ayaa isaguna kursigii uu baneeyay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh Maxamuud Suufi Muxumed, oo ka mid ahaan jiray intaan loo magacaabin jagada wasiirnimo, waxa buuxiyey kursigiisii—–

31. Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa isagana kursigiisii uga tanaasulay, Maxamed Diiriye oo ka mid ahaa xubnihii beesha bariga Burco soo xulatay.

32, Sheekh C/llaahi Sh Cali Jawhar oo ka mid ahaa odayaashii beelaha Awdal ay u soo xushay golahaasi, oo isagu iska casilay xubinimadii golahaasi ayaa waxaa isagana kursigiisii dhaxlay walaalkii xildhibaan C/wahaab Sh Cali Jawhar, oo ka mid ah xildhibaanda Awdal ugu jira guurtida.

33. Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Ducaale oo ka mid ah xildhibaanda beesha bariga Burco ee guurtida ayaa isaguna kursiga uu ku fadhiyey ka dhaxlay walaalkii Cali Cabdi Ducaale (Xuunsho) oo isaga goluhu ku qaaday maamuus ka xayuubin.

La soco cadadka dambe ee liiska kuraasida la dhaxlay iyo kuraasida sugaha ah ee banaan iyo saamiga ay beelaha Somaliland u kala leeyihiin kuraasta

No comments:

Post a Comment