Friday 9 October 2009

MINDI-DII BOQNAA IGA JARTAA MADAXA II TAALE!!! W/Q:ABDI SHOTALY

MINDI-DII BOQNAA IGA JARTAA MADAXA II TAALE!!! W/Q:ABDI SHOTALY

Published on: Oct 9, 2009 17:54
MINDI-DII BOQNAA IGA JARTAA MADAXA II TAALE!!!

Geenyada aan arko taagteeda fili maayo in ay meel i gaadh-siin doonto ee aniga iyo cidla baa is leh baa nin la sheegaye, sansaanka ii soo muuqda ee lagu dooranaayo amase lagu soo xulo KOMISHANKA CUSUB uu yahay qaab aan raali gelin karin umada sugaysay in ay wax iska bedelaan oo ka duwan farsamooyinkii hore ay kala kulmaan kuwii is casilay, hase ahaatee xirfadaha soo if-baxaaya waa kuwo aad looga sii cudar daarto, sababta oo ah, waxay ahayd in ay noqddaan KOMISHANKU qaar ka madax banaan kooxaha isku haya ololaha doorashada, oo aan xag jir ahayn, ahna dhexdhe-xaad oo aan teegeero muuqata iyo mid qarsoon, ama dadban sinaba aan gacan saar ula lahayn sedexda XUSBI, labada GOLE iyo madax-tooyada, daacad ah, ku jirto culumo rabbi taqaanaa, wax garad ah, danta dadka iyo dalku ay ku weyn tahay, og xilka saarani in uu mid aad u culays badan oo haddii ay cidi usga-geed khaldanto ay iman karto isku yaac, keeni kartana dhimasho iyo dhaawac, fahansan in ay
nabada iyo colaaduba ay ku xidhan tahay kolba sida ay u shaqeeyaan, sidaas awgeed waxa maal-mahan aynu soo dhaafnay sida xaalku u socdo oo ah in ay XUSBIYADU soo gudbiyeen xubno markii horeba dhan u janjeedhay oo ka tirsanaa haada ugu waaweyn ee u olaleeya soo jeedashada shicibka kala dooranaaya, waxa cad oo aan muran ku jirin in ay koox waliba soo qaadatay xag jirkii ugu weynaa ee dagaalka ugu horeeyey , kaas oo aan noqon karin sinaba dhexdhe-xaad haddii aad si u eegto waxay tahay micnaheedu in ay yihiin kuwa MAYALKA ADAG oo weliba la sii qayb siiyey in xaq iyo xistiba ay ku dagaala-maan, wixii ay kaadhka ku rogi karaana ku rogaan, kuwo wax kastaaba ay ka suuro geli karaan, wax dhulka ka yaalaana aanay jirin iyo dan ay umada u hayaan.

abaartii la odhan jiray daba dheer ee 1974 waa-tii cardaa-diqaha ka samaysay aduunkii aynu dhaqan jirnay, ee ay dad badani yaaceen iyaka oo u TACABIRAAYA wadanada KHALIIJA ee carbeed, dadkaas dhoofay waxa ka mid ahaa nin isagu ku noolaa magaaloo-yinka, hargaysa, burco, berbera oo aan aqoon xirfad uu ku shaqo tago laakiin KU TAKHA-KUSAY GACAN DHAAF, una leh khibrad aad u weyn iyo waayo’argnimo aan yarayn sida wax la isu dhaafiyo amase qaado, nin-kani hadaba wuxu isagu tegay DALKA SUCUUDIGA oo ay ka taalo shuruuc aad u adagi wixii ku kaca GACAN DHAAF, TUUGO, WAX IS WAYDAARIN oo la jari doono gacmaha haddii lagu qabto amuuro caynkaas ah iyo wixii la mid ah, mudo badan buu ninkii uu u wareegi jiray in uu mar qudha ku soo baxo ama arko wax dayacan oo uu gacanta ku dhufto, laakiinse way u suuro geli wayday, waana loo digay oo lagu yidhi XAAJI IS BANBAANI HALKANI MAAHA WADANKII AAD TAQANAYE, haddii kale adiga oo lugo iyo gacmo la’ baad JEELKA aad aabhaa
bariiska la cuni ee imika-ba DIDIBSO SHEEKH, waxa ku cadaatay duruuf aad u adag oo uu kala doorto geeri iyo nolol, taas oo ah in uu XABSIGA uu u badheedho iyo in uu dib ugu noqdo halkii uu u dhashay ee uu xirfadiisa ka fara qabsan jiray, aakhirkii wuxu ku tashayday in uu ka maleegto, markii uu gaadhay go’aankii baa isaga oo maalin xidhidha-naaya xamaamaddii bay la yidhi ODAY WAA SIDEE XAGEE BAAD U DHAQAAJI-NAYSAA? isaga oo soo koobaaya go’aankii uu ku gabaga-beeyey dib u laaba-shada buu AFRAY KU TUURAY aan fasil-nayn ninkii waydiiyey su’aasha oo uu ku yidhi:-

Risiq EEBBE soo rido iyo si kale mooyaane, wallee in aanay farsama-daan aqaan,
tan iga saarayne i sabooti-yaay, saaka waan sii socona-yaaye.

Cirid-kaan arko ilko kama soo jeedaan baan idin lee-yahay, sabab-tuna waa sida uu ninka kor ku qorantay sheeka-diisu ay tahaye in aanay kuwa lagu soo xulay cankaas ah XAG JIRNIMADU aanay inaga saarayn doorashada sii QUDHMAUSA, cuqdada la kala qaaday, ninba uu suuf iyo xanjo wax uu isku maro-ba uu rabo in ay dhan-kiisa u dhacdo oo isagu ku guulaysto, waana wax aan caqliga geleyn in ay dhex ka ahaadaan nooca la sheegayaa waayo waxa ku mudan nin jeclaysi, koox gaar ah oo caraabka u laalaa-disay haddii uu ku guntado guusha foodka si kastaba haku soo xero geliyo’e in uu heli doono BOOS WEYN, yaanan kuu bahalo gelin AKHRISTOOW oo go’a kuu ridine, AMBA MA AHI BELO WADE ee waxan walaal arkaa dhibta iman doonta maalinta loo balansan yahay ee warqadaha lagu ridi doono sanaa-duuqda oo dadkii ay ahayd in ay xalilaan, ay yihiin kuwo iyaka laf-toodu sii CABAYSAN oo ka fog xaqiida, daacada, rabina wax xalaal ah ee uuXUSBI waliba kii uu is lahaa isga baa wax
soo boobaaya si uu ku keeno-ba la soo dhigay jiida hore ee uu dagaalku ka furan yahay si uu wacdaro u muujiyo, mana ahqa kuwo wada shaqayn kara ee waxay ku wada socdaan WAA KEENA LA DIRAA MARKA AY DARKA TIMAADO ee wadaanta ceelka lagu rido waa ALLOOW ray iyo ALLOOW roonaa, waana ninba inta uu maalintaas xadi karo iyo wuxu sacabka ku sii qaadi karo, haddii kale miyaa WALLEE in ay daaqi CIIN aan laga bugsoo-
nayn ee ay xigi doonto af-kala qaad, waxan ku talin lahaa in la joojiyo sidan oo la guro dad aan meela xidhiidh kala lahyn qaybaha ay ka imanayaan 7 da XUBNOOD EE KOMISHANKU, haddii kale wxay ku dambayn tii uu yidhi cigaal shidaad :- HADDII AAN KARINTAAS LAGA GUURIN , WALLEE IN AY KA SOO DHICI DOONTO GORAYO HEERYEY-SANI, oo markii la yeeli waayey taladii uu yidhi ay timi tii uu sheegay, waxan ku soo gabaga-beeyey maqaalkan in yar oo aan ka soo qaatay ABWAAN QAASIM AL-LE janada haka waraabiyo’e oo uu ydhi:-

Noloshu-ba macaan ma leh, hadaanad magac ka reebayne,
Mugdi baan ka gacan haadiyaa,maxamed kaydoowe,
Sadex-magac ALLEE in aan, dib loo murusa-naanayne,
Markhaa-taanka dhigayaa, tixaha marag ha loo yeelo,
murti samada lagu laalay, baan mihindi-saayaaye,
Muran baaba lay-sugu dhintaye, maanso iga reeba
Mawdkii adoogay dilaan, meel dhaw ka arkaaye,
Mindiddii boqnaa iga jartaa, madax ii taale.

Ugu dambayn waxan lee-yahay UMADA reer somalilnad, taariikhdu way qori doontaa, nin-ba wuxu qori doono, imika wax halaabaa ma jiraan, oo farsamada lagu kaydiyaa aad bay u badan tahay, sida KUMBIYUUTRAKA aan imika waxa ku qoraayo, talada aad ka bixisaana waa mid hadhaw la arki doono aayaha ay kolba keento, iyo sida ay u dhacdo, qof walbana way u taalaa halkuu kaga jiray iyo khayr iyo shar kuu abaabu-laayey, waxan ku odhan lahaa dhamaan dadka wax ku qora MAREEGAHA SOMALILAND sida ay u dhan tahay waar ka daaya erayada casabiyada ah ee aad kula dhex jirtaan xusbiyada ee aan mar ay sii kala fogayso mooyee aan khayr soo wadin, 99% inta wax qortaa marka aniga la igu daro wax baynu isku dilaa ee ma kala farsamayno oo waxan naqaanaa sida dabka loo shido, la inooma dhigin sida loo bakhtiiyo ee ma ka daynaa, MISE XAALKU WAA SHUL AMA SHUL.

*N.B Cirid-kaan arko ilko kama soo jeedaan.
shotaly_1
abdi-shotaly,

oodweynenews.com.

No comments:

Post a Comment