Friday 9 October 2009

BARACK HUSEIN OBAMA OO KU GUULAYSTAY BILADA NABADDA NOBEL PEACE PRICE

BARACK HUSEIN OBAMA OO KU GUULAYSTAY BILADA NABADDA NOBEL PEACE PRICE

Published on: Oct 9, 2009 12:46

Oslo, Norway

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa ku guuleystay billad sharafta Nabada ee loo yaqaan (Nobel Peace Prize), Obama ayaa billadan ku guuleystay asagoo xilka Madaxweynaha Maraykanka haya muddo ka yar hal sano.obamaGacantaag

Mr.Thorbjoern Jagland, guddoomiyaha guddiga Nobel Prize, ayaa maanta oo jicme ah shaaciyey in Barack Obama uu ku guuleystay billada Nabada ee sanadkan 2009.

Billadan, ayaa ah mid la guddoonsiiyo dadka loo arko inay kaalin weyn ka qaataan nabadeynta Caalamka, ayadoo la gudoonsiin doono billadan Madaxweynaha Maraykanka 10ka Bisha December, ee dhamaadka sanadkan.

Billada Nabada ee Nobel Prizeka, ayaa waxaa la socda lacag dhan $1.4 milyan oo dollar oo lasiiyo qofka billadaasi ku guuleysta.

Barack Obama ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey oo muddo kooban xilka haya oo isla sanadkuu xilkaasi qabtay la gudoonsiiyo biladan lagu maamuuso dadka waxtarka kusoo kordhiya siyaasada iyo nabadeynta caalamka.

Thorbjoen1Thorbjoern Jagland, Guddoomiyaha guddiga Nobel Prize oo maanta ka hadlayey shir jaraa’iid oo lagu qabtay Oslo ee dalka Norway, ayaa sheegay in Obama uu Rajo Cusub galiyey caalamka sidii markale dib loogu soo nooleyn lahaa siyaasada ku dhisan wadahadalka iyo Nabadeynta.

Guddiga Nobel Prizeka ayaa ku amaanay Obama dadaalka uu ugu jiro in dib loogu soo nooleeyo wadahadalkii Nabadeynta ee Bariga dhexe iyo waliba in Caalamka laga xakameeyo hubka Nukliyerka. Arrimahaasi oo qeyb ka ah qorshaha cusub ee uu Barack Obama hada dadaalka ugu jiro.

Barack Obama ayaa billada Nabada la guddoonsiinayaa, xili uu ku mashquulsan yahay dagaalada ka socda Afghaanistaan iyo Ciraaq, oo ay dowlada Maraykanka dagaal xoogan ka wado.

Waa markii Sadexaad ee Taariikhda oo billada Nobel Peace Prize lasiiyo Madaxweyne xilka haya, ayadoo ay ugu danbeeyeen abaalmarin noocaan ah oo lasiiyo Madaxweyne Maraykanka ah oo xilka haya Mr.Theodore Roosevelt sanadkii 1906 iyo Woodrow Wilson sanadkii 1919.

Guddiga Nobel Peace Prize ayaa sheegay in Obama uu markale codsiiyey kaalinta ay Qaramada Midoobay kuleedahay xalinta khilaafyada caalamiga ah iyo wadatashiga guud ee caalamka ka yeesho xaalada dunnida ka jira.

Waxayna Guddiga ku amaaneen Barack Obama inuu siyaasadiisa ku dhisay soo jiidashadan shucuubta caalamka oo dhan, asagoo ka fogaaday faquuqida dad gaar ah.

No comments:

Post a Comment