Sunday 11 October 2009

MAXAMED ICTIRAAF OO KA SOO LAABTAY SOCDAAL UU GAADHI UGU KALA GOOSHAY UK ILAA SOMALILAND OO LA KULMAY DHALINYARO KA TIRSAN JAALIYADA SOMALILAND EE LON

MAXAMED ICTIRAAF OO KA SOO LAABTAY SOCDAAL UU GAADHI UGU KALA GOOSHAY UK ILAA SOMALILAND OO LA KULMAY DHALINYARO KA TIRSAN JAALIYADA SOMALILAND EE LONDON

Maxamed Ictiraaf oo ka soo laabtay socdaal uu gaadhi ugu kala gooshay UK ilaa Somaliland oo la kulmay dhaliyaro ka tirsan Jaaliyada Somaliland ee London

SDWO.COM (London 11/10/09) Dhalinyaro ka tirsan jaaliyada Somaliland ee magaalada London ayaa kulan casho sharfeed uu ururka SDWO uu soo abaabulay kula kulmay Maxamed Yusuf – Makhtal oo gaadhi kaga tegay London ilaa iyo Somaliland isagoo sii maray 18 dal oo ku kala yaala qaaradaha Yurub, Asia iyo Africa. Socdaalkaasi oo ku qaatay mudo kor u dhaaftay 4 bilood ayaa dalka waxa uu gaadhay bishii May ee sanadkan 2009ka. Kulankan ayaa ka dhacay Restraurant somalida ee caanka ah ee la yidhaah Blue Ocean Restrauant.

PICT0006.JPG-for-web

From Left: Maxamed Ictiraaf iyo Guled Cabdi Sheekhaash (SDWO.COM)

Maxamed oo hawshan dheer ee aad ka u adkayd ee uu galay kula baxay magaca Maxamed Ictiraaf ayaa si faahfaahsan uga warbixiy ugana waramay dhalinyaradii goobta isugu timid jidkii dheer ee uu sii maray iyo dhibaatooyinkii badnaa ee ka hor yimid mudadii uu jidkaas dheer ku sii jiray. Maxamed Ictiraaf ayaa ka dhawaajiyey dhibaatooyinkii cuslaa ee uu kala kulmay intii uu dhexmarayey qaarada yurub oo ku begnayd dabayqaadii sanadkii 2008 iyo horaantii sanadkan 2009 iyadoo ah xiliyadaasi yahiin xiliyada ugu qabow qaaradan yurub ee barafka xad-dhaafka ahi dhaco oo xataa xidha wadooyinka magaalooyinka la iskaga goosho.

Markii uu dhexmarayey qaarada Asia siiba dalalka carabta ayaa ku beegnayd xiliyadii kulaylaha, isagoo dhibaatooyin kala kulmay xadka inuu ka talaabo loogu diiday dalka sucuudiga dhawrjeer. Hadana waxa uu u gudbay qaarada Afrika oo uu ka galay dalka Masar ilaa Suudaan oo xiligii uu marayey ahayd wakhti aad u kulul kuna tilmaamay kulaylka carbta kale ka jira inuu ka sii kululaa oo sababy in taayiradii gaadhigu ka qarxaan, isla markaasna wadada la marayey maadama ay wado raf ah ahayd dhagxaantii ay taayiradu tuurayeen ka jejebiyeen dhuumahii gaadhiga hoostiisa marayey ee AC ga ama qaboojiyaha, taasi oo sababtay safarka intiisii kale uu ku maro qaabjiye, la,aan iyadoo xaraadadu 45 ka kor u dhaaftay. Waxaanu halkaas ka galay dalka Itoobiya oo uu shegay inaanu habayaraatee wax soo dhoweyn ah aanu kala kulmin safiirka Somaliland u jooga magaalada Addis, hase yeeshee shacbigii Somaliland iyo itoobiyaankuba aad ay u sood dhoweeyeen oo sababtay in xataa wadooyinku qaarkood xidhmaan dadka isku soo baxay.

Ka dibna waxa uu sheegay inuu uga sii gudbay dalka Jibuuti oo uu culus weyn kala kulmay isla markaasna sheegay in xukuumadu ay culuys weyn saartay dhamaan saxaafada dalku inaanay ka hadlin hawshan gaadhiga aan ku marayo aduunka ee ictiraafraadint Somaliland. Waxaanu sheegay inuu ku beegay Jibouti 18kii May oo uu islahaa si weyn baa looga xusayaa maalintan qaaliga ah sidii warbaahinta Somaliland ay sii saadaalinaysay, hase yeeshee wuxuu sheegay in dhamaanba ay xukuumada Jabuuti ay mabnuucday in jabuuti laga xuso maalinta 18ka May.

Maxamed Ictiraaf ama Makhtal waxa uu aakhirkii u gudbay dhinaca Somaliland oo uu safarkiisa ku soo gebogebaynayey isagoo faraxadi ka muuqato islahaana waad ku soo guulaysatay socdaalkii aad ka soo bilowday UK, isagoo filayey inuu soo dhafay wixii dhib iyo carqalado ah ee uu kala kulmayay xudadahii dalalkii uu iskaga gooshayey, hase yeeshee Makhtal waxa ka yaabisay markii xadkii Somaliland laga hor istaagay laguna wargeliyay inuu gaadhiga cashuuro sida marka baabuurta dibadaha lagala soo dego oo kale. Isagoo filayey inuu ahaado gaadhi la wada sugayey oo dalka soo gaadhay ayaa hadana la yidhi keen sharcigii gaadhiga isagoo uu Makhtal ugu jawaabay sharcigiisii sooowkaas dhinac walba ka sudhan gaadhiga ma sharcibuu uga baahanyahay Somaliland, isagoo uga jeeda calanka Somaliland oo dhanic walba kaga xaradhan kana laalaada gaadhiga.

Guud ahaan waxa uu ka hadlay Makhtal niyad jabkii weynaa ee uu kala kulmay xukuumada Somaliland oo gebi ahaanba indhaha iska qabatay hawshaas jidka dheer ee khatarteeda dheer lahayd ee uu soo maray. Waxa uu yidhi anigu lacag kamaan rabin xukuumada iyo cidkale toona waxaan filayey sida qadiyada ictiraafraadintu iigu dheertahay ee khataraas aan u soo maray in ay xukuumadana ugu dheertahay oo aad la ii soo dhoweyndoono, laakiin taas bedelkeedii wuxuu noqday in dhinacwalba la iga soo oodo oo soo dhoweyn iskaba daaye xataa TV ga qaranku diiday in cajaladahii fiidyaha ee ka warbixinayey socdaalkaygii dheer loo soo bandhigo shacbiga jecel Somalilandnimada, isagoo Maxamed yidhi magac qaldan buu sitaa TV gu waxay ahayd in loogu yeedho TV ga qarandumiska.

Waxa uu u mahadnaqay shacbiga Gebiley Iyo Burco oo iyagu si weyn u soo dhoweeyay kana jawaabay qiimahii ay lahayd ujeedada socdaalkaygu, siiba waxa uu yidhi magaalada Burco soo dhoweyntaydii iyo buuqi isku soo baxii waxa uu ahaa mid aad u weyn oo xataa kala xidhay isku socodkii magaalada dhexdeeda.

Dhalinyaradii halkaas ka soo qaybashay waxa ka mid ahaa, ninka labaad ee aduunka ugu dheer Xuseen Bisad, Guled Cabdi Sheekhaash, Axmed Maxamed Yusuf, Maxamed Nuur Mooge, Cabdilaahi Abokor, Axmed Daahir Cilmi, Mustafe Xasan, Maxamed Cadare, Yasiin Maxamed Ducaale, Cabdilaahi Maxamed Cali, waxa kale oo joogay laba wiil oo uu dhalay Muwaadinkan qaaliga ah ee Maxamed Ictiraaf.

Kulankan waxa lagu soo gebogebeeyay afkaar halkaas la isku weydaarsaday wixii laga yeelilahaa gaadhigaas hawsha qiimaha leh soo qabtay, iyadoo la isku afgartay in gaadhigaas taallo weyn looga samaeeyo Hargeysa oo taarikhdiisa halkaas lagu soo bandhigo iyadoo lala kaashanayo guud ahaan jaaliyadaha Somaliland ee dalka gudahiisa iyo dibadiisaba iyo ganacastada waaweeyn sida Dahabshiil, Qaran, Daallo Airlane iyo ganacsatada kale dalka gudahiisaba.

Waxa kale oo uu Maxamed Ictiraaf ka dhawaajiyey inuu hawsha aanu intaas kaga hadhaynin ee uu rabo in labada qaaradood ee hadhay ee America iyo Austrailia uu gaadhi ku maridoono isagoo ictiraafka Somaliland dalal badan oo aanay gaadhin gaadhsiindoona , isla markaasna jecel inuu ninkii u horeeyay ee shanta qaaradood gaadhi ku mara ee Somali ah ama guud ahaanba afrikaan ahi uu noqdo nin reer Somaliland ah. Arinkan oo la isla afgartay in loo soo bandhigo jaaliyadaha reer Somaliland iyo shirkadaha sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen ee ay u maaligelin lahayeen.

Makhtal waxa uu halkaas ku soo bandhigay baasaaboorkiisii oo gebi ahaanba buuxsamay dalalkii badnaa ee uu sii marayey ee fiisooyinka iyo gelitaanka iyo bixitaanka ku dhufanayey, baasaaboorkan oo qayb ka noqondoonaa taariikhda la rabo inuu yeesho gaadhigaas taallada looga samayndoono Hargeysa .

Waxa halkaas dhamaan dhalinyaradii isugu timid ay ka sinaayeen oo ay uga mahadnaqeen hawshaas cusul ee uu ku soo guulaystay ay tahayna arin uu dhamaan qofwal oo reer Somaliland ahiba ku faraxsanyahay abaalkgeegana ugu hayo.

SDWO News Deska – London

Guled Abdi Sheekhaash

SDWO.COM

PICT0007.JPG-for-webPICT0007.JPG-for-web (1)PICT0010.JPG-for-webPICT0011.JPG-for-webPICT0011.JPG-for-web (1)PICT0012.JPG-for-webPICT0013.JPG-for-webPICT0014.JPG-for-webPICT0015.JPG-for-webPICT0018.JPG-for-webPICT0019.JPG-for-webPICT0020.JPG-for-webPICT0022.JPG-for-webPICT0024.JPG-for-webPICT0025.JPG-for-web

zogo3r.jpg JANAGALE CO Fadlan u gar gaar Gabadhan yar

No comments:

Post a Comment