Sunday 11 October 2009

LIISKA XILDHIBAANADA GUURTIDA KU SOO GALAY IYO ODAYAASHII RUG-CADAAGA AHAA XUBNAHA KURAASIDOODI KU FADHIYA

LIISKA XILDHIBAANADA GUURTIDA KU SOO GALAY IYO ODAYAASHII RUG-CADAAGA AHAA XUBNAHA KURAASIDOODI KU FADHIYA

Published on: Oct 11, 2009 14:49
Liiska Xildhibaanada Guurtida Dhaxalka Ku Soo Galay Iyo Odayaashii Rug-Cadaaga Ahaa Xubnaha Kuraasidoodii Ku Fadhiyaguurtida-sl

Golaha Guurtida Somaliland oo ah golaha Odayaasha, isla markaana ah waaxda labaad ee xeer-dejinta oo 1997-kii lagu soo dhisay shirweynihii beelaha Somaliland ay isugu yimaadeen oo lagu qabtay hoolka Shaqaalaha dawladda ee caasimadda dalka ee Hargeysa oo beelaha Somaliland ay ku soo qaybsadeen 82-ka kursi ee uu ka kooban yahay aqalka golaha guurtidu ayaa u muuqda mid si weyn ay wax isaga bedeleen Ergooyinkii 1997-kii ay beelahaasi ku soo Magacaabeen shirweynahaasi, kuwaas oo kala badh odayaashii golaha guurtidu ee xiligaasi ay baddidoodu wada geeriyoodeen, kuwaas oo Kuraasidoodii ay si dhaxal ah ugu soo fadhiisteen wiilashoodii iyo xubno da’ ahaan iyo maqaam ahaan ay u kala duwanaayeen, halka ay odayaal ka tirsanaa golahaasi ay iyaguna siyaalo kala duwan ay isaga casileen.

Xildhibaanada dhaxalka ku soo galay golahaasi oo tiradooda lagu qiyaaso inay gaadhayaan dhawr iyo 40 xildhibaan bal aynu eegno odayaasha rug caddaaga ahaa mid kasta xubinta kursigiisii fadhiya,

Guddoomiyihii hore ee golaha guurtida Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxa kursigiisii dhaxal ugu soo fadhiistay walaalkii Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh Madar,

Marxuum Suldaan C/raxmaan Sheekh Muxumed oo ka mid ahaa odayaasha waaweyn oo ay soo magacaabeen beesha galbeedka Hargeysi Shirweynii 1997-kii, waxa kursigiisii ka dhaxalay Wiilkiisa Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan.

Marxuum Maxamed Gaaxnuug Goosh-cadde oo ka mid ahaa xubnaha guurtida ugu jiray beesha Bali-gubadle waxa kursigiisii ka dhaxalay Wiilkiisa C/casiis Maxamed Gaaxnuug oo ah wiil dhalinyaro ah.

Marxuun Sheekh Muuse Jaamac Goodaad oo ka mid ahaa ergadii beesha Awdal ay soo doorteen, waxa kursigiisii isna dhaxlayDaahir Cali Jaamac oo uu addeer u ahaa.

Marxuum Quule Qaasaali oo isaguna ahaa xubnihii beesha Bali-gubadle, waxa kursigiisii dhaxlay wiil uu dhalay oo la yidhaahdoC/raxmaan Quule.

Marxuum Ismaaciil Qardhab oo isna ka mid ahaa xubnaha beesha Bali-gubadle waxa kursigiisa isna dhaxal ugu fadhiya Wiilkiisa oo la yidhaahdo Khadar Ismaaciil.

Marxuum Faarax Axmed oo ka mid ahaa ergadii beesha Bali-gubadle ee guurtida waxa isna ka dhaxlay wiil uu dhalay oo fanaan ah oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Faarax (Jaamac Riyo).

Marxuun Xuseen Sahal Ciise oo isaguna ka mid ahaa odayaasha guurtida ugu jiray beesha Bariga Burco waxa isagana kursigiisa dhaxalay wiil uu dhalay oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Xuseen Sahal.

Marxuun Xuseen Cali Jaamac oo isaguna ka mid ahaa xubnaha Guurtida ee Beesha Barigaasi Burco waxa isna kursigiisii dhaxalay ugu fadhiya wiil uu addeer u ahaa oo la yidhaahdo Sahal Iidle.

Marxuum Cali Ogaal oo ka mid ahaa odayaashii beesha Bariga Burco laga soo magacaabay waxa isagana kursigiisii dhaxlay Axmed Dirir Cali.

Marxuum Axmed Shire Xuseen Oo isaguna ka mid ahaa odayaasha Beeshaasi Bariga Burco waxa isna kursigiisii dhaxlay walaalkiiSiciid Shire Xuseen.

Marxuum Nuur Sugaal oo ka mid ahaa odayaasha beesha Saylac ay u soo magacawdeen golaha guurtida waxa isna kursigiisii dhaxlay wiil uu dhalay oo isna la yidhaa Maxamed Nuur Sugaal.

Marxuum C/laahi Garas Seed oo ka mid ahaa odayaashi beesha Saaxil waxa isna kursigiisii dhaxlay walaalkii Saleebaan Garas Seed.

Marxuum Cabdi Faarax Maxamed oo ka mid ahaa odayaasha beesha Sool ee shirweynahaasi lagu soo magacaabay waxa isna kursigiisii si dhaxal ah ugu fadhiya wiil uu dhalay oo la yidhaa C/raxmaan Cabdi Faarax.

Marxuum Xaaji Yasir oo ka mid ahaa odayaasha beesha Galbeedka Burco, waxa isna kursigiisii dhaxlay Siciid C/laahi Yasir oo uu adeer u ahaa.

Marxuum Gacmo-Dheere oo ka mid ahaa odayaasha beesha bariga Sanaag ugu jiray guurtida waxa isna kursigiisii dhaxal ugu fadhiya nin lagu magacaabo C/laahi Maxamed Huruse oo ay isku beel ahaayeen.

Marxuum Maxamed Siciid Dhiif oo ka mid ahaa odayaasha beesha bariga Sanaag waxa isna kursigiisii dhaxlay nin lagu magacaaboSiciid Cali Nuux.

La soco liiska………….

No comments:

Post a Comment