Sunday 11 October 2009

JARAA’IDKA UGU AFKA DHEER EE KA SOO BAXA WADANKA SOUTH AFRIKA OO SHEEGAY IN SOMALI MALEEGAYSO QARAXYO CIYAARHA SANADA 2010


JARAA’IDKA UGU AFKA DHEER EE KA SOO BAXA WADANKA SOUTH AFRIKA OO SHEEGAY IN SOMALI MALEEGAYSO QARAXYO CIYAARHA SANADA 2010

Published on: Oct 11, 2009 15:44

Wargeysyada todobaadlaha ee kasoo baxa dalka Koonfur Afrika ayaa maanta boga hore ku soo saaray warbixin ay kaga hadlayaan sababihii keeney in la xidho danaha Maraykanka uu ku leeyahay South Africa, wuxuu wargeyska sheegey in taleefoon laga dirrey tuulada Khalitsha ee Cape Town oo la dhagaystey lagu ogaaday in la maleegayo qaraxyo lala eegto ciyaaraha 2010 iyo danaha Maraykanka



Wargeysyada oo soo xiganaya illo sirdoonka dalka ah sida NIA (National Intelligence Agency) ayaa sheegey in taleefoon laga dirrey tuulada Khalitsha oo loo dirrey koox argagixiso lala xadhdhiidhinayo oo Soomaaliya joogtaa, wicitaankana lagu sheegey in ay fududahay in la qarxiyo danaha Maraykanka ee South Africa oo la sheegey in amaankeedu uusan adkeyn marka loo eego wadamada kale.



Waxay warbixintu sheegtey in qaraxyadaasi lala eeganayo sanada 2010-ka marka la qabanayo ciyaaraha kubbada cagta ee aduunka goortaas oo uu dalka imanaya madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.


Warbixinta oo maanta boga hore lagusoo wada xardhey wargeysyada saameynta badan ee todobaadlayaasha ee dalka kasoo baxa (Sunday Tribune, Sunday Independent iyo Weekend Argus) ayaa lagu sheegey in koox soomaali ah ay unug argagixiso ka sameeyeen dalka Musambique kaasoo ay tahay in laga soo raro halkaasi si ay halkan qaraxyo uga geystaan.


Tani ayaa la sheegey in ay kaliftey in la xidho safaaradaha Maraykanka muddo 3 maalmood ah (23, 24 iyo 25 Septemper 2009).


Taliyaha Police-ka dalkani Beki Cele ayaa qaranka kala hadlay taleefishinka maalintii safaaradaha la xidhey sheegeyna in ay xaalada gacantooda ku jirto, aysan jirrin wax khatar ah, kadib waxaa la sheegey in dadkii taleefoonka dirrey ay tureen kaadhkii iyo macal taleefoonkii si aanan raadkooda loo helin. Wuxuu xaqiijiyey in South Africa aysan bartilmaameed ahayn.


Sheekada la dhagaystey waxaa sidoo kale lagu sheegey in South Africa aysan lafteeda bartilmaameed ahayn, haddii muwaadiniinta dalkana ay ku dhibaatoobaan isweeydaarsiga tacshiirada ay taasi tahay nasiib darro.


Afayeenka hey’ada sirdoonka Lorna Deniels ayaa diidey in uu ka hadlo arrinta, kuna hanjabay talaabo sharci ah haddii saxaafada ay faafiso arrimahani maadaamaa ay wax u dhimayaan baadhitaanada socda.


Dalka South Africa waxaa ku nool Soomaali gaadheysa 35 kun oo qof oo u baddan rag dhalinyaro ah, arrintani soo shaac baxday waxay keeneysaa cabsi hor leh oo Soomaalida soo food saarto xilli cabsi kale oo dil iyo dhibaato kale ah ay muddo sanooyin ah heysteen Soomaalida dalkoodii kasoo qaxday ee dalkani magangalyada kasoo raadiyey.

Axmed Cali

Cape Town/ South Africa

ToggaHerer

No comments:

Post a Comment