Thursday 15 October 2009

MAXAKAMADDA HARGAYSA OO AXADA DHEGAYSANAYSA DACWAD AAN HORE SOMALILAND LOOGA GAR-NIQIN

MAXAKAMADDA HARGAYSA OO AXADA DHEGAYSANAYSA DACWAD AAN HORE SOMALILAND LOOGA GAR-NIQIN

Maxkamadda Hargeysa oo Axada Dhegaysanaysa Dacwad aan Hore Somaliland Looga Gar-niqin

Dacwaddan Waxay u Dhaxaysaa Wargeyska Maalmaha iyo Diyaaradda Daallo oo iyadu War uu ka Qoray Kaga Dalbanaysa Magdhaw lagu Qiyaasay Nus Malyuun Dollar!!!!

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa maanta muddaysay dacwad aan nooceedu hore maxkamada u soo marin oo u dhaxaysa shirkada diyaaradaha ee Daallo iyo Wargeyska Maalmaha ee ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Dacwaddan ayaa la xidhiidha war uu Wargeyska Maalmaha cadadkiisii 328 ee soo baxay 10/10/2009 uu ka qoray war lid ku ah oo ka cadhaysiiyay shirkadda Daallo iyo maamulkeeda, warkaas oo ay jiritaankiisa shirkaddu ganafka ku dhufatay. Balse Wargeyskuna dhinaciisa ku andacooday in aanu isagu masuuliyadda qoraalkaas uu baahiyay lahayn, balse uu ka soo xigtay Warbaahinta Internetka barta lagu magacaabo Waagacusub.

Nuxurka warkan sababay dacwadda ay Maxkamaddu u balamisay labada dhinac in laga dhagaysanayo dacwadahooda maalinta Axadda foodda inagu soo haysa, ayaa waxa qoraal ahaan ujeedadiisu ahayd in maamulka Shirkada Daallo Muniir Xaaji Cabdilaahi uu hadalo ka dhan ah masuulka sare ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane u hanjabay, oo uu iftiimiyay in shaqaalaha ka jooga shirkadaas Koonfurta Soomaaliya lagula kacay hanjabaado iyo falal argagixisanimo oo uu kula kacay ninka madaxda u ah kooxda al shabaab oo wargeysku qoray inuu ka danbeeyo hanjabaadaha iyo argagax-gelinta lagu samaynayo shaqaalaha shirkadaas. Cinwaanka warkaasina ahaa: (Lacago baad ah ayay naga doonayaan kooxda Al-shabaab ee Axmed Cabdi Godane, annaguna waanu ka diidnay hore iyo gadaal mana jirto cabsi la xidhiidha inay soo ridaan diyaaradahayaga.)

Shirkaddu waxay dacwadeeda sida ay ku muujisay ku dooday in dhaawac dhinaca sumcada ah iyo waliba waliba been abuur wargeysku kula kacay, taasoo ay kaga dalbadeen maxkamadda Mag-dhaw qiyaastiisa wareertahay, ayna adag tahay in wargeys la ogyahay duruuftiisa dhaqaale iska bixin karo, taasoo sida aanu ku helay warar lagu kalsoon yahay Magdhawgaas lagu qiyaas wax ka badan Nus Malyuun Dollar.

Maamulka Wargeyska Maalmaha ayaa ku adkaystay in aanu inuu shirkadda raali-gelin ka siiyay, warka uu daabacay ee ay ka dacwoonayso, iyada masuuliyiintiisa sarsare ay caddeeyeen in ay hab qoraal ah wargeyskooda ugu muujiyeen raali-gelinta ay ka bixiyeen warkan.

Waxayna ku doodeen in aanu warkani ahayn mid ay iyagu abuureen oo qalinkooda ah, balse ay ka soo xigteen mid ka mid ah websites-ka internetka ee wararka lagu baahiyo oo laga leeyahay Koonfurta Soomaaliya, laguna magacaabo Waagacusub. Sidaa daraadeed, waxay shirkada u soo jeediyeen inay kala xisaabtamaan ujeedada uu ka leeyahay warkan masuulka ama tifaftiraha shabakadaasi isagu warka laga soo xigtay.

Sidoo kale, maamulka Wargeyska Maalmuhu waxa uu iftiimiyay in uu diyaar u yahay difaaca dacwadan, isla-markaana ay qabsadeen qareen u dooda oo ka difaaca dacwadan loo haysto.

Labada qareen ee kala metelayay shirkadda Daallo ee iyadu wax dacwaynaysa iyo wargeyska maalmaha ee la Dacweeyaha ah ayaa labadu nuqulada galdacwadoodkooda waxa ay hor-dhigeen Garsoorka Maxkamada, isaga oo garsoorkuna dacwadan dhegaysigeeda u mudeeyay maalinta Axadda ee fooda inagu soo haysa.

Waa markii u horaysay ee Dacwad noocan oo kale oo dhexmarta shirkad ganacsi iyo wargeys ka mid ah saxaafada Somaliland ay dacwad maxkamadeed isla-galaan.

Waxaana laga dhur-sugayaa oo la dhawrayaaa sida ay maxkamada gobolka Hargeysa uga garnaqdo kiiskan aan noociisa Somaliland u soo marin, iyada oo dad badani iswaydiinayaan Mag-dhawga ay shirkada Daallo ku dalbatay lacagta Nus Malyanka ah iyo sida uu isaga difaacayo wargeyska Maalmuhu.

khadar xuseen yuusuf.

No comments:

Post a Comment