Thursday 15 October 2009

TALIBAN OO WEERARO KALA DUWAN KU QAADAY SALDHIYO KU YAALA PAKISTAN

TALIBAN OO WEERARO KALA DUWAN KU QAADAY SALDHIYO KU YAALA PAKISTAN

Waxaa maanta dalka Pakistan ka dhacay weeraro baaxadleh oo ay fuliyeen dagaalyahanada Talibanka ee dalkaasi Pakistaan, kuwaasi oo weeraro ku qaaday xarumo kala gedisan oo militariga iyo Booliiska.

Koox gaareysa 20 dagaalyahan oo hubeysan ayaa saaka xoog ku galay Xerada Ciidamada khaaska ah, oo ku taal deegaanka Bedian ee duleedka magaalada Lahore ee bariga dalkaasi Pakistaan.

Isla magaalada Lahore weerar kale oo ay koox hubeysan ku qaadeen xarunta Danbi barista ee dalkaasi Pakistaan ee FIA ayey ku dhinteen ugu yaraan 4 kamid ah shaqaalaha dowlada, ayadoo sadex kamid ah kooxdii weerarka soo qaadayna ay dhinteen.

Weerar sadexaad oo ay kooxahan hubeysan ka fuliyeen magaalada Lahore ayey la beegsadeen akademiyada ciidamada Booliiska halkaasi oo uu ka dhacay dagaal xoogan. Waxaana la xaqiijiyey inay 4 kamid ah dagaalyahanada weerarka soo qaaday ay halkaasi isku qarxiyeen, waxaana la xaqiijiyey in askar badan oo booliis ah ay halkaasi ku dhinteen.

Dhinaca kale magaalada Kahot ee Waqooyiga dalkaasi ayey weerar kale kooxda Talibanka ku qaaday Xarunta Booliiska ee magaalada Kahot halkaasi oo lagu qarxiyey gaari bambaano lasoo saaray, waxaana goobtaasi ku dhintey dad ka badan 12 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah oo goobta marayey.

Weeraradan ayaa u muuqda kuwo isku xiran ayadoo Axadii lasoo dhaafay weerar noocaan ah lagu qaaday Taliska Ciidamada Militariga ee Rawanpindi ee dalkaasi Pakistaan.

Kooxda Talibanka ayaa u muuqda inay duulaan baaxadleh ka wadaan gobalada kala gedisan ee dalkaasi Pakistaan, xili dowlada Pakistan ay shaacisay inay qaadi doonto duulaan ay dalka uga saareyso kooxda Talibanka oo sidoo kale ka dagaalama dalka Afghaanistaan.

No comments:

Post a Comment