Thursday 8 October 2009

MAXAA LOOGA BAAHAN YAHAY KOMISHANKA CUSUB?

MAXAA LOOGA BAAHAN YAHAY KOMISHANKA CUSUB?

MAXAA LOOGA BAAHAN YAHAY KOMISHANKA CUSUB?

Wax-yaalaha ka qaaq siiyey umada ee markii fadhi ku diri iyo xagxa-gasho, xanga-ruufo, iyo washam-siyeyn la iskala daalay, ay timi in gacani ka adeegto oo geeri iyo dhaawac intuba yimaadaan, CAASIMADA SOMALILAND LAGU METELAY HORASHII-MADDII QUNBULADA LAGU TUURAY, markii laga yaabay qiiqii ka karaayey, wax kale may ahayn ee waxa halka gaadh siiyey in ay isla karto waxay ahayd sababahan soo socda ee hoos ku qoran:-

* Komishanka oo la aamini-waayey, kana soo bixin xilkii loo egmaday, kala socod-siin kari waayey, iskuna qab-sadeen xusbiyada ku loolamayaa doorashada inagu soo aadan goor ay noqotaba, run iyo been tii la doonaba halga sheego’e, gaar ahaan xusbiyada mucaaridku eedayn joogtaha madaxa uga tuuri jireen, iyaka oo sal uga dhigaaya waxay u janjee-dhaan dhinaca dawlada oo NAALEEYE HABACSANE baa raaf dambe ku haya, sidaas awgeed ma noqon karaan kuwo dhexdh-xaad ah oo waxa kala saari kara, ee ay u kala jabsanaa-yeen, nin jeclaysi, xusbi, iyo reero, kuwaas oo aan ahayn dantii shacabka reer soamliland, kana leexday shaqaddii komishan ahaan loogu soo xulay ee ahayd hawlaha doorashada in ay ahaadaan mid ay ku hagaan dhabaddii loogu talo galay, bay ahaayeen wax-yaalaha ay mucaaridku dhabarka ugu jeediyeen ee ay khaladkii dhacay oo dhan ugu xambaari-yeen KOMISHANKA imika is casilay, inkasta oo laga yaabo in ay ahayd waxa TUHUN AH oo aad moodo in skaki lagu
cambaareeyey, marka aad eegto isna wax yaabaha ka soo baxaayey afka KOMISHANKA lahaana wax dembi ah oo aan ku lee-nahay ma jirto, ee waxa iska leh dhaliisha hay’ada INTERPEACE oo u xil saarnayd qabta tiknikalka ah, anaku ( waa komishanka’e) waxan ku shuqul lahayn maamulka, sidaas oo ay tahay markii aan ogaanay in aanay waxba qaban INTERPEACE ee ay rabto in ay isku keen dirto, waan ka tashanay, waana saarnay.

* Halkaas markay maraysay waatii 3ddii qodob ay ay na yidhaahdeen mid doorta, aanu qaadanay kii ahaa in la laalo tira-koobka, halkaasna ay mucaaridku ka boodeen, anaka oo kala dooranay, loona fasishay in aan dawlada garab siinayno, oo ay rabto in ay ku shubato, taas mucaaridka baa dhigay, kacdoonkii yimina waxa iska lahaa oon cidi la qaybsan gudoomiyaha xildhi-baanada oo hor kacay wax aan jirin, isaga oo ficiltan ka dhexeeya madax-weynaha awgii u samaynaayey.

* Markii aan cayim-nay wakhtigii doorashada, laguna galo bilaa tira koob-na waa kuwii farxalka cabay mucaarid ee diiday in ay bilaabaan olalihii ee qaylo dhaan iyo nasoo dhex galaay ka bixi waayey, dabeed waatii dhabaqday xaajo ee ku dambeysay in ay arini fara ka haado, badatay dhexdh-xaadini, barartay ee fuqa taagtay, isku turatay ee kala roonaan wayday, dhiiqo cagaha la gashay ee gelgeli-maysatay, kolba dhinac isu rogtay ee ay nacab iyo cadwba u jabatay, waxay socotaba waatii sabaalo lagu laisay ee aad moodo in ay maanta ku soo dabaa-lantay waan-waan in ay khasab isugu nyimaadaan SIILAANYO, QORATO, IYO GOODAADO oo raqda midba gees ka raqo si loo kala badasada-ba, keen-tayna in ay is casilaan dhamaan KOMISHANKII haddii ay denbi lahaayeen iyo haddii kaleba.

* Hadal iyo tororogtii wax ma tarto ee MAXAAN UGA BAAHAN NAHAY KOMISHANKA CUSUB EE LA RABO IN AL ABUURO? sideese loo soo xuli doonaa? shuruudo ma ku xidhan yihiin qofka mise waa iska keen?, yaa cadaynaaya in uu daacad yahay? ma laga yaabaa in uu ka daro kii la eeday-naayey?, maxayse kaga duwan yihiin kuwii hore ee lagu qaataa?, yaa ka mansuul ah haddii ay iyana wacdaro dhigaan oo ay noqoto ALOOW DOORO RUQSAY? ma haystaan kalsoonida umada? wax ma laga weydiiyey oo ma lala tashayday shicibka ay metela-yaan? mise waa iska ansixi oo ninba, xusbiba, gole-ba, iyo madax-weynuhu kii ay keennaanba waa hor ka qaado? maxa lagu xaqiiji-nayaa in ay daacad iyo hawl kar yihiin?
ma laga yaabaa in uu midba soo doortay mid dantiisa oo qudha wada oo aan cid kale iyo rabbi midna aan ka baqayn in uu noqdo xubinta uu keenaa? inteese awood ah bay ku lee-yihiin umadu? wax ma ka odhan karaan oo ma diidi karaan ama yeeli karaan? maxaa lagu qiimay-nayaa marka lagala soo baxaayo umada? maxaase imanaaya haddii ay ku kalsoonaan waayaan qaar ka mid ah qaybaha kale ee ka iska soo hor jeeda, amse aanu shicibku raali ka hayn qaar ka mid ah? xaalku ma wuxu ku dhici doonaa jaantaa rogan, keenaye maxaa kaa galay faraha iiga qaad anaa watee?
si kastaba ha noqotee waxa loo baahan yahay in laga baaraan dego inta aan la keenin loona hawl galo in ay nodaan kuwo ILAAH ka baqaaya ee aan u adeegin cid gaar ah iyo hunguri, ugu dambayn inta su’aalood ee aan kor ku qoray iyo qaar kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin waa in laga jawaabaa inta aan la guda gelin siddii loo heli lahaa KOMISHAN CAAFIMAAD QABA.

* Komishanku iyaka baa colaad iyo nabad-ba ku haya faraha maalinta doorashada, waayo waxay ku siman tahay oo qudha iyaka oo kala hadla, oo hebel baa helay iyo muu helin ee hebel baa ku guulaytay, sanduuqaa lama tirin, iyo meel heblaayo warqadihii baa ka go’ay, xusbi hebel halkii uu u badnaa-yeen taageera-yaashiisu goor dambe baa la furay oo waa loogu tala galay in la xadido dad-kiisa, iyo wax-yaale kale oo badan haddii ay ku kala duwanaa-daan ogoow waa khatari-saani deeroow-deera hirdi, sidaas awgeed waxa lagama maarmaan ah oo run ah in aan lagu degdegin xulitaanka komishanka, sidoo kale waxa iyana muhiim ah marka la soo xulo ee la dhaariyo, in dhamaan xusbiyada iyo kuwa ka loola-maaya iyana la dhaariyo in ay ku kalsoon yihiin oo aanay dhicin siddii hore hebel baa hoosta uga gurguurta oo komishanku u xagli-nayaa iyo daba ka hadal,munaa-faqad ee lagu daba faylo, lagana daayo hintaaqada, aflagaa-dada, iyo lug ku walaaqa aan wax anaag ah soo kordhinayn in
ay ka sii xumaato mooyaane, hadal lama sudh-naado ee waxan ku dabaray inta aynaan boodin waxa wacan in aynu hubsano halka aynu ku dhici doono, waaba intaas oo MAS SII JIIFAAYE.

*N.B. Dhegihii ilaah waaniyey baa waansan,
abdi-shotaly,
shotaly_1
oodweynenews.com.

No comments:

Post a Comment