Thursday 8 October 2009

ADDUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 3AAD W/Q: SAED IBRAHIM HUSSEIN

ADDUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 3AAD W/Q: SAED IBRAHIM HUSSEIN

K8 Ball Globe

Published on: Oct 8, 2009 14:02

Adduunka ama Kownka(Qaybtii 3aad)

Qawaaniinta iyo Xeerarka

Illaahay isagaa korreeyee wuxu Adduunka u dejiyey Qawaaniin iyo Xeerar aanay dhaafayn oo ay ku sugnaanayaan dhamaan makhluuqaadka kala gedisani,tusaale Samooyinka iyo Arlada,Qorraxda iyo Dayaxa,Xiddigaha iyo dhamaan Meerayaasha kale ee jira waxay ku socdaan amar Eebbe oo meelo iyo waqti loogu talo galay bay ku sugan yihiin sidoo kale noolaha oo ay dadku ka mid yihiin:

(وهو الذي خلق الليل والنهار والشمس والقمر كل في فلك يسبحون ) الأنبياء

Aayadda macneheedu waa:(Alle) waa ka abuuray Habeenka iyo Maalinta iyo Qorraxda iyo Dayaxa dhamaantoodna majiire iyo meelo loo cayimay ayay ku wareegayaan oo dabbaalanayaan.

Waxa illaahay inoogu sheegayaa Quraanka in Meere kasti si nidaamsan oo sugan u maro majiirihiisa oo muddada loogu talagalay uu socodkiisa ku sameeyo:

يقول تعالى: “والشمس تجري لمستقر لها ذلك تقدير العزيز العليم” (يس)

Aayadda macneheedu waa :Alle wuxu leeyahay isagaa korreeyee:Qorraxdu waxay socotaa oo haysataa jid go’an iyo waddo sugan oo loogu talogalay oo u qaderey illaaha qaaliga ah ee cilmi badanaha ah.

Sidoo kale ayaa Aayad kale sheegaysaa in Dayaxa loo qadarey meelo uu dego oo si muddaysan u maro oo u socdo ilaa uu ka noqdo sidii caleen qalashay oo soo koktay oo kale:

وَالْقَمَرَ قَدَّرْنَاهُ مَنَازِلَ حَتَّى عَادَ كَالْعُرْجُونِ الْقَدِيمِ (يس)

Aayaddu waxay ina tusaysaa in dayaxu aanu ka baxaynin meelaha loogu talo galay inuu ku sugnaado.

Waxa kale oo Aayad kale ina baraysaa in meerayaashu waqtiyo go’an oonay kana dib dhacayn kana hor marayn ee ku sugnaanayaan oo aanay ka baxayn majiirohooda.

Waxa aynu ognahay in Dayaxu wareegiisa ku dhamaysto soddon maalmood,halka Qorraxdu wareegeeda ku dhamaysato 365 iyo rubuc maalmood,markaa waxaa halkaa ka cad in Dayaxu ka dheereeyo Qorraxda oo wareeggiisu ka gaaban yahay ta Qorraxda:

لَا الشَّمْسُ يَنبَغِي لَهَا أَن تُدْرِكَ الْقَمَرَ وَلَا اللَّيْلُ سَابِقُ النَّهَارِ وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ [سورة يس ]

Aayadda macneheedu waa:Qorraxda uma suurtowdo inay haleesho oo gaadho Dayaxa,ama Habeenku ma aha suuragal inuu dhaafo oo ka hormaro Maalinta dhamaanna meere kasti wuxu ku sugan yahay majiire aanu ka bixin ee uu ku dhexjiro oo dhex dabbaasho.

Wax kasta illaahay wuxu u sameeyey qaanuun iyo manhaj uu raaco oo aanu ka bixin:

….لكل جعلنا منكم شرعة ومنهاجا…سورة المائدة

Aayadda macneheedu waa:waxanu u samaynay wax kasta sharci iyo manhaj u gaar ah.

Waxa Alle Ummadda farayaa inay qawaaniintaa iyo sharcigaa loo dejiyey raacaan oonay raacin sharci kale iyo xukun kale:

افغير الله ابتغي حكما وهو الذي انزل اليكم الكتاب مفصلا… ءاية من سورة الانعام

Aayaddu waxa odhanaysaa:ma xukun aan ka Alle ahayn ayaad raacaysaan isagoo ah ka idiin soo dejiyey kitaab sharraxan oo cad.

Waxa kuu waajib ah dadkoo dhan inay isku xukumaan sharciga illaahay kaas oo uu Alle u diyaariyey insaanka ahna mid ku habboon waayo illaahii abuuray isagaa og oo u cilmi badan waxa ku wanaagsan dadkan iyo waxa kale:

ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولئك هم الكافرون…المائدة

Aayaddu waxay caddaynaysaa ciddii aan isku xukumin waxa Eebbe u soo dejiyey sharci ahaan inay yihiin kuwo gaaloobay.

Waxa qofka muslinka ah laga rabaa inuu illaahay jeclaado oo dadkana dar illaahay u jeclaado ama u noco oo qofkii xaqa ku toosan jeclaado kii xaqa ka leexdana nebcaado,una naseexeeyo waayo diintu waa naseexo:

قال صلى الله عليه وسلم من أحب لله و أبغض لله و أعطى لله و منع لله فقد استكمل الايمان(رواه ابو داود)
ولا يكون المرء كذلك الا اذا كان الله أحب الى نفسه ممن سواه.

Rasuulka Alle naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaate ayaa yidhi qofkii Alle dartii wax u jeclaada Alle dartiina wax u naca oo Alle dartii wax u baxsada Alle dartiina u joojiya wax bixinta aan habboonayn qofkaasi wuxu buuxsaday oo dhamaystirtay iimaankiisa,qofkuna heerkaas ma gaadho ilaa iyo uu illaahay wax kasta ka jeclaado.

قوله تعالى ( قل ان كنتم تحبون الله فاتبعونى يحببكم الله ويغفر لكم ذنوبكم والله غفور رحيم ) ال عمران)

Aayad baa Rasuulku Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ku odhanayaa haddaad Alle jeceltihiin I raaca markaasaa Allena idin jeclaanayaaye oo idiin denbi dhaafayaa waxa weeye denbi dhaafe naxariis badan illaahay:

Qofku waa inuu dar illaahay wax u jeclaado oo aanu u eegin inuu xigo sida Aabbihii ama Carruurtiisa ama Walaalkii ama Ehelkiisa iyo Xigtadiisa ee Islaanimo ku qiimeeyo:

لا تجد قوما يؤمنون بالله واليوم الآخر يوادون من حاد الله ورسوله ولو كانوا آباءهم أو أبناءهم أو إخوانهم أو عشيرتهم }الحشر)

Aayadda macneheedu waxa weeye:heli maysid qowm Alle iyo yawmul qiyaamaha rumeeyey oo garab ka yeelanaya ama ku tiirsanaya oo jeclaanay mid Alle iyo Rasuulkiisa la col ah haba ahaadeen Aabbayaashood ama Carruurtooda ama Walaalohood ama Qaraabadooda’e.

Qofka muslinka ahi waa inuu sidoo kale Rasuulkeenna oo ah ka khalqigoo dhan ugu khayr badan waa inuu jeclaadaa oo naftiisa iyo naf kasta ka jeclaadaa:

لقوله صلى الله عليه وسلم لايؤمن أحدكم حتى اكون احب اليه من ولده و الناس اجمعين ( متفق عليه)
Rasuulka Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxu midkiinna ma rumayn Alle ilaa aan noqdo mid uu ka jecel yahay ilmihiisa iyo dadkoo dhan.

Waxa sidoo kale qofka weyneeya ee qiimeeya waxyaalaha waajibaadka diiniga ah gaadhay qalbiga cabsidiisa dhabta ah:

قال تعالى: ومن يعظم شعائر الله فانها من تقوى القلوب (الحج)

Salaaddu waa Tiirka 2aad ee Tiirarka Islaamka waana sheyga u dhexeeya gaalada iyo muslimiinta,waxana lagu waajib yeelay maalintii shan salaadood waxanay leedahay salaad kasti waqtigeeda:

ان الصلاة كانت على المؤمنين كتاباً موقوتا(النساء)

waana waxa ugu horreeya oo qofka lagu xisaabayo qiyaamaha,Salaaddu sidoo kale waa waxa lagu kala garto Muslinka iyo Gaalka,Salaaddu waxay qofka tukada ka reebtaa xumaha iyo faxshigoo dhan:

قال تعالى : (إن الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر والبغي ولذكر الله أكبر ) العنكبوت.

Aayadda macneheedu waa Allaa yidhi isagaa korreeyee Salaaddu waxay reebtaa faxshiga iyo xumaha iyo sinada digriga illaah ayaa weyn.

Sakada oo ah rukniga 3aad ee arkaanta Islaamka waxayna sida guud u qaybsantaa mid laga bixiyo waxaad maal u leedahay iyo ta ah inaad naftaada ka bixiso waxana loo yaqaan sakaatul fidri,ta maalka waa inay sannad ka soo wareegto maalkuna gaadho qadarka(nisaabka)ay ka baxdo sakadu markaa ayaa la qiyaasayaa inta laga bixinayo maalkaa leh tirade ama qiimaha go’an ee la garanayo.

” إن الذين آمنوا وعملوا الصالحات وأقاموا الصلاة وآتوا الزكاة لهم أجرهم عند ربهم ولا خوف عليهم ولا هم يحزنون) “البقرة)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyey ee camalka saalixa ah sameeyey,salaaddana oogey,ee la yimid sakada waxay leeyihiin ajarkooda ooy illaahay agtiisa ka helayaan wax cabsi iyo murugo ahina uma sugnaanin.

Waxyaalaha kale ee Illaahay sharciyeeyey waajibna uga dhigay Muslimiinta waxa ka mid ah Soonka oo soo gala bisha Ramadaan oo ah bisha 9 aad ee taariikhda hijriga ah:

يقول تعالى في كتابه الكريم [ يا أيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون ] (البقرة)

Illaahay subxaana watacaalaa wuxu kitaabkiisa kariinka ah ku sheegay oo yidhi:Waajib ayaa laydinkaga yeelay Soonka sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka horreeyey,waxa la arkaa inaad cabsataane.

Soonku waa Rugniga 4aad ee Arkaanta Islaamka,waxana qofku isu afxidhayaa dar Alle oo cuntada iyo cabbidda iyo sahwada ka soomayaa sidoo kale isha iyo hadalka xun een wanaagsanayn.

Waxa isna ah rukniga 5aad Xajka oo isagu ku xidhan awoodidda ama calaa karaan qofkii awoodi karaya ayuu xajku ku waajibey ka kale Alle ma kellifo qofna oo awoodiisa wax dhaafsiisan kama dalbo isagaa u cilmi leh addoomadiisa.

يقول الله تعالى : ” الحج أشهرٌ معلوماتٌ فمن فرض فيهنَ الحج فلا رفث ولا فسوق ولا جدال فى الحج”

Shanta rukni ee Islaamku ku dhisan yahay waxay kala ahaayeen:

عن ابى عبد الرحمن عبد الله بن عمر بن الخطاب رضى الله عنهما ‘ قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
) بنى الاسلام على خمس : شهادة ان لا إله إلا الله وأن محمداً رسول الله ، وإقام الصلاة ، وإيتاء الزكاة ، وصوم رمضان وحج البيت)
رواه البخارى ومسلم.

Xadiiskan oo uu weriyey C/raxmaan C/llaahi ibnu Cumar ibnu Khadaab Alle ha kaa raalli noqdee wuxu yidhi waxan maqlay nebiga nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee leh”:Islaamka waxa lagu dhisay shan:Shahaada in Alle mooyee Alle kale jirin Maxe’dna Rasuulkii Alle yahay,2-Oogidda Salaadda,3-Sakadda la imaansheheeda,4-Soomidda bisha Ramadaan,5-iyo Xajiyidda guriga Eebbe.

Waxa illaahay waajib yeelay waxyaalo fulintooda iyo la imaadkooda ajar lagu kasbanayo ka tegistoodana ciqaab lagu mudanayo,tallaabo kasta oo la qaadayo waxay leedahay dariiq loo raacayo oo uu Islaamku ina baray,hadday ganacsi tahay metelan in aan miisaanka la dhimin dadkana la bakhsin sidoo kale la kala qorto waxa la kala iibsanayo ee ganacsi ahaan dadka dhex maraya een ahay mid joogto ah oo degdeg ah:

…ولا تسأموا أن تكتبوه صغيرا أو كبيرا إلى أجله ذلكم أقسط عند الله وأقوم للشهادة وأدنى ألا ترتابوا إلا أن تكون تجارة حاضرة تديرونها بينكم فليس عليكم جناح ألا تكتبوها وأشهدوا إذا تبايعتم ولا يضار كاتب ولا شهيد وإن تفعلوا فإنه فسوق بكم واتقوا الله ويعلمكم الله والله بكل شيء عليملبقرة)

Sidoo kale wixii deyn la kala qaadanayo waa in la kala qorto maragna loo sameeyo.

Qofka hadday ku timaaddo kedisoba oo uu sakaraado waa in dardaaranka laga qoraa oo marag loo sameeyaa,laba nin ah haddii laba nin la waayo,nin iyo laba dumar ah,si haddii mid illawdoba ta kale u xusuusiso,wax kasta Alle subxaana watacaalee wuxuu u dhigay xeer iyo sharci go’an oo ku munaasib ah.

Waxa Alle isagaa korreeyee inaga reebay waxyaalo badan sida uu inoo faray waxyaalo kale,waxa ayna tahay in wixii layna faray aynaan ka tegin,waayo amar diiddo waxad ku mutaysanaysaa ciqaab,sida waxyaalo badan oo illaahay insaanka ka dalbay inaanay u dhowaan baa jira

Your browser may not support display of this image. وَلاَ تَقْرَبُواْ الزِّنَى إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاء سَبِيلاً Your browser may not support display of this image. [الإسراء

Aayadda wuxu illaahay ku odhanayaa ha u dhowaanin sinada waa faxshi xun waana waddo aan wanaagsanayne.

Sidoo kale waxa layska reebay oo illaahay inoo sheegay inaynaan u dhowaan xoolaha agoonta oo layna amrayaa inaynu ka dheeraanno wixii macquul ah mooyee.

ولا تقربوا مال اليتيم إلا بالتي هي أحسن )النساء)

Alle subxaana watacaalee wuxuu inaga reebayaa inaan maalka iyo xoolaha si xaqdarro ah oo baadila u kala qaadno oo u kala cunno,waxa kaloo inoo diidayaa inaan islayno oo qudha iska jarno waayo Alle waa inoo naxariisanayaa:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلاَّ أَنْ تَكُونَ تِجَارَةً عَنْ تَرَاضٍ مِنْكُمْ وَلا تَقْتُلُوا أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيماً (النساء)

Sidoo kale qofkii qof muslin ah u dila ula kac waxa laynoo sheegay inuu jahanama ku waarayo:

وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِناً مُتَعَمِّداً فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ (النساء)

Waxa xusid mudan in qofku ogaado in naftiisu la mid tahay nafta qofka kale ee muslinka ah oo aanay u bannaanayn inuu dilo,waana amaano illaahay u dhiibtay oo lagala xisaabtamayo siduu ula dhaqmo oo dhan.

ولكم في القصاص حياة يا أولي الألباب لعلكم تتقون (البقرة)

Waxa illaahay sharciyeyey in qofkii qof dila loo dilo taasna waxa ku jira nolosha oo waa la kala baqanayaa,qofna kuu dhiiran mayo inuu qof iska dilo waayo isna waa la dili doonaa hadduu cid dilo.Diinteenna xaniifka ahi waxay ina baraysaa cadaaladda iyo xaqsoorka,Allena waa caadil oo cidna ma dulmiyo ee qof kasti waxu shaqaystay buu wax ugu sii daraa,waana u denbi dhaafa addoonka Alle ka dalba denbi dhaaf ee khaladkuu sameeyey ka dhiidhiya ee ka murugooda oo aan dib ugu noqon,waxa suurtagal ah in qof lagu khasbo wax denbi ah iyadoo iimaankiisu buuxo oo aanu ka raalli ahayn samaynta denbigaa markaas illaahay wuxu eegaa qalbiga qofka iyo wuxu dareensan yahay ee uma qaado waxa lagu khasbay ama si kama’ ah uga dhacay:

لا يؤاخذكم الله باللغو في أيمانكم ولكن يؤاخذكم بما عقدتم الأيمان…(المائدة)

Aayaddu waxa odhanaysaa Alle idiin qaadi mayo oo idiin qori mayo wax kama’ idiinka dhacay,ee wixii qalbigiina ka soo go’ay eed u qasadeen ayaa la idiin qabanayaa:

Adigoo aan dhaadeyn

Haddii qaladba kaa dhaco

Waa inaad sidii dhab ah

Uga dhiidhidaayoo

Denbi dhaaf ka dalabtaa

Waa la dhaafi doonaa

Wixii maskax ku soo dhaca

Ama aad dhacdo ahaan

Ku dhaqaaqdo fulintiis

Dhigaal weeye qoranoo

Aanay dhibic dhulkaw dhicin

Dhita aad u helaysee

Dhigo khayrka dhaxalgala

Dhayalsiga ka dheerow

Wixii maskax ku soo dhaca

Aanse dhacdo ahaan fulin

Haddii aad ka dhiidhido

Waa la dhaafi doonaa

Dhigaalkeedu khayr buu

Ku dhamaanayaa’oo

Ajarkaad dhadhaminay

Ku dhaqaaqa denbigii

Khasab lagaaga dhigo een

Qalbigaa u dhaadhicin

Qiil kalena dheer yahay

Waa la dhaafayaa oo

Dhigaalku waa wixii dhab ah

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxuu xadiis ku kala sheegay waxa wanaagga ah iyo waxa denbiga ah wuxuna yidhi:

:الْبِرُّ حُسْنُ الْخُلُقِ ، وَالإِثْمُ مَا حَاكَ فِي صَدْرِكَ وَكَرِهْتَ أَنْ يَطَّلِعَ عَلَيْهِ النَّاسُ.

Wanaaggu waa dabeecadda iyo akhlaaqda wanaagsan,denbiguna waa wixii dhiba laabtaada,ee aad karaahiyaysato in dadku kugu arkaan:

Waxa damaq ku jiro oo dadka aad ka qarisaa

Denbi weeye iyo deelqaaf xumaanshee

Dunidaa la yaabka leh daymo’oo bal eegoo

Daayinkii sameeyee dockastaba dhamystiray

Dareenkaaga fidiyoo duxda iyo ujeeddada

Dadka jin iyo Aadmiga amanadan dultaallaa

Dunida intay joogaan aan la duugin idilkood

Diiwaan ayaa qoran ninkastiba halkuu degey

Ee hooy digriga eebbay ku degtaa quluubtuye

Hayska daadufaynine debecsani dantaa garo

Wax kasta illaahay isagaa korreeyee sharci iyo xeer buu u dhigay,oo wax kasti nidaam go’an ayay leeyihiin.

Qawaaniinta xeerka ah

Qaadir baa xadeeyoo

Qodob laysku xukumiyo

Qarad xoogle baa dhigan

Qaybi waa xalaalnimo

Qiilna way ku xasishaa

Qaar kalena xaaraan

Qeexdoodu waa xaradh

Qaabka aad u xaashano

Qiyaamahay xisaabuhu

Qaabkooda xidhayaan

Qofka xaqdarro dilid gala

Qisaas baa xaqsoor u ah

Qaadir baa xayaatada

Qudha laysu xadayiyo

Qaadidda xaqiiqada

Qodob xeeran ka dhigee

Qabiil yuu xujada iyo

Qol xabaala kugu xidhan

Qoortaada xayndaab

Qalwo kugu xeraynoo

Quus kugu xambaarine

Qasdigii xakamihiyo

Qiime kuu xilaayee

Qaadir uu xukamay iyo

Qaad waddada xeerka ah

Qaado xeesha tii xaqa

Qorraxdaa xawaaraha

Qaaday xuduudka suganee

Qayb habeena xalay maalin

Qaabkay isu xuluushaan

Qunyar isugu xigayaan

Qalad li’ida xuubsiibad

Qaadirkaa xakiimnimada

Quwaddiisa ku xaddeeya

Qormo weeye xaq ahoo

Qof xilkasi garanaayoo

Qaadirow xisaab li’i

Qadder oo xannaanaynta

Qalbiga noo xasili adigu

Qolka jannada xeji kayga

Qiime badane xabiibkeenna

Qumanow Rasuulka xeerkiisa

Qulqulkii jannada xawle

Qumaati aan xamdiga gaadhno

Alle waxan ka baryaynaa inuu innaga dhigo kuwa u hogaansama qawaaniinta iyo xeerkiisa uu nolosha u dhigay.

Saeed Ibraahim Hussein

As/w/w

No comments:

Post a Comment