Saturday 17 October 2009

MAWDKII ADOOGAY DILAAN MEEL DHAW KA ARKAAYE !!!W/Q:ABDI SHOTALY

MAWDKII ADOOGAY DILAAN MEEL DHAW KA ARKAAYE !!!W/Q:ABDI SHOTALY

Filed under: Articles — Togaherer Team @ 08:01 Edit This

shotaly_1

Mashaqiyo hadaan laga baxayn, muran dhamaa-naynin,
Is maan-dhaafka joogto ah, hadaan miridh la daynaynin,
Nin kastaba muraadkii, hadduuu dhan u maqiiqaayo,
Maalintii timaadaba hadaan, miyirku laalmaayo,
Mahada-ha ilaahay hadaan, meel ka tuurayno,
Oo ay melmela-yaan, kuwaan mooday gacal-kayga,
Kii aan majeer-taaba haduu, midig i gooynaayo,
Maxaan meel imaadaa, anaa miraya reer-kiiye,
Oo kana markhtiya inaan, joogo meel baase.

Mar hadaa-nan ka baxayn is qabsi iyo kala lulad, wixii yimaada-ba kaladhka la is laacaayo, jirin kala dambayn iyo is maqal, maalin marka ay aamus-naato belaayo isku qarxayso oo tiiyoo laba jibaarani ay cirka isku sharee-rayso,wax is dhaamaaba aanay jirin, siddii mara-boobta ay meel kasta iskaga maran tahay oo wax kala saaraa aanay jirin, diiday iyo yeeli-maayo ay taagan tahay amin kasta oo la joogo, wax ka soo rayna-yaana aanay muuqan in al isku rarnaado mooyee, oo ay canaantu is dhaafayso, wax kala gurana la hayn, oo kuwii u miciinka ahaa ay iyaka laf-tooddii isku sii afayna-yaan, oo qolo-ba-qolada kale mindida u sii soofay-nayso mid uu si gaar ah xag jir ugu yahay, wax ka daacad ahina aanay lahaynhaba yaraatee, oo iniba gees u xeeba-nayso, dhinaca kale-na uu geeska ku feedhaayo, umaddii aanay kala garanayn nacab iyo nasteexo, oo ay iyadu boqnaha is wada jarayso, waxa hubaal ah in ay ku noqon doonto halkii sida duunyada loogu talin jiray haddii aanay inta goori-goor tahay is daba qaban, oo aanay ka waantoobin isu tiriska aan damayn hadh iyo habeen, sidaasi waxay sababtay in loo soo dhex qaado markii ay iayaku isku mash-quuleen, siddii idaha ay fooda isla galeen oo inta farahii la iskala tegay ay imika marayso in siddii laba sumal madaxa la isku garaaco, oo mid-ba dhinac ay u dayaanto maskaxu, meeshana ka baxo isga oo maskax-fered qaba oo dawakhsan, taas oo caynka iyo bayda labada-ba inoo jartay, welise maynu dhaadin, umana jeedno in aynu wax ogaano, waase ay iman ta aynu rabnaa cago dhigta la inaga waaye.

Waxa la yidhi doqoni il keli ah bay leedahay, taasna waxay ku aragtaa nin xiga, iyada oo uu il-qoodha ka arko nacab-keed, waana ta maanta joogta, in kasta oo aanan rumays-nayn waxa laga soo sheegaayo BURCO BAA HUB LAGU QABTAY sida ay ina lee-yihiin, oo aan filaayo, waa u jeedo kale iyo sheeko reer loola jeedo, lana rabo in kaadhka laga-ga gubo XUSBIGA KULMIYE iyo AXMED SIILAANYO, baan hadana aniga oo aan rabin in aan ka hor dhaco arintaas, ay ii la eg’tahay TIILA ODHAN JIRAY BAABUUR MADAXA LAGA JARAY baa gobalka tog-dheer laga helay,ee xidhistii MR XIRSI loo sibir saaray, ee weliba loo raaciyey wuxu gacan saar la lee-yahay AL-SHABAAB, wax cadayn ahna la waayey, oo markii dhan loo raaco iyo raad ay lee-dahay midna uu soo bixi waayey, la sii daayey MR XIRSI, iyada oo loola dan lahaa shirkii GARADAG iyo reerka dega, markii la hubsaday-na ay noqotay ina wax kama jiraan, balse aan eegno uuraysa-taye waxay umuli doonto iyo halka ay ku dambayso xaalka uu ka waramaayo JANARAALKA CIIDANKA BOOLIISKU EE SOMALILAND MR SAQADHI, waxa la yidhi beeni lug keli ah bay lee-dahay, taasna marka la qabto bay dhacdaa ee waa loo fadhiyaa dadka burco u dhashay ee raba in ay waxa la soo sawiray, wax ku makalaan, oo dad-kooddii ku laayaan, waa wax dhici kara laakiin uma eka in ay run tahay ee waa iska hor keenid cayn-keeda ah, waayo inaka baa la ina ogaaday in aynaan wax hubsan, sida ay iila muuqato, waxan-se maqaalkan ku qoofalay wax waliba way iska cadaan oo wakhtiga baa muujin ka belada wada, isagaana ay ku dhici doontaa oo u aayi dhibta uu la rabo umada ciddii ay tahayba.

* N.B War jiraaba cakaaruu iman.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment